فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 537
Total guests: 18
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 09/07/2010 06:32 pm



News
Tuesday, March 09, 2010
Xuska Maalinta Haweenka Adduunka iyo Weedhihii Masuuliyiinta


Xuska Maalinta haweenka adduunka ee 8-da March, ayaa shalay oo lagu qabtay fagaaraha beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa.

Xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, Aggaasimeyaal iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, waxa ka mid ahaa masuuliyiintii kulankaa ka hadashay Wasiirada Qoyska Marwo Faadumo Suudi, waxaana ka mid ahaa hadaladeedii. Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta bulshada Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan oo ka hadashay munaasibadaasi ayaa Dhambaal Hambalyo ah u dirtay haween weynaha Somaliland iyo Haweenka caalamkaba.waxaanay sheegtay in wasaaradeeddu ay soo qaban qaabisay Xaflado munaasibadan loogu dabaal degayo oo lagu qabanayo gobolada dalka oo dhan.

Wasiirku waxay sheegtay in haweenka ay laf dhabar u yihiin bulshada 97% waxaanay tidhi “Waxaan leeyahay ragoow Balan qaadyada aad dumarka u qaadaan ka dhabeeya oo dumarka indhahooda tusa wixii aad u balan qaadeen.”

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamuud Siciid Maxamed, oo isaguna si weyn uga hadlay kaalinta ay Haweenku kaga jiraan dhaqanka ummadda reer Somaliland waxaanu yidhi “Haweenka waxaan leeyahay waa inaad idinku is aqoonsataan aqoonsi idin kama maqnee, doorkiina siyaasaduna wuu kordhi doonaa haddii alle yidhaahdo.”

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta bulshada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, oo ka hadlay xuskaasi ayaa sheegay inay wasaarad ahaan aad u soo dhaweynayaan xuska maalinta haweenka adduunka oo ay ahmiyad weyn siinayaan, waxaanu hambalyeeyay Dhammaan Haweenka Somaliland.

“Waxa maanta farxad weyn noo ah Wasaarad ahaan xuska 8-da March waxaana naga go’an in la daryeelo Haweenka Somaliland oo aan munaasibadan qaaliga ah ku Hambalyeynayo,"ayuu yidhi Agaasimaha Guud waxaanu ku dooday in Wasaaradiisu ay horumar balaadhan sameysay mudadii ay jirtay.

Sidoo kale waxa xafladaasi hadalo mahad naq iyo dhiiri gelin isugu jiray ka soo jeediyay Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Guddoomiyaha Komishanka xuquuqul insaanka Somaliland Mr. Axmed Yuusuf.

Dhinaca kale, xaflado noocan oo kale ah ayaa maanta lagu qabtay gobolada dalka qaarkood, xafladahaasi oo ay isku soo dubo riday Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta bulshada Somaliland.

Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha dawlada Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) oo ka hadlay xafladaasi ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Haweenka Somaliland munaasibada maalinta haweenka adduunka darteed.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Hoggaamiyeyashu dalku ay balan qaadeen in Haweenku ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan Horumarinta iyo Hoggaaminta dalka, waxase uu intaasi ku daray in arrintaasi sidii loo gaadhi lahaa aan wali si buuxda diyaar loogu ahayn waxaanu yidhi “Waxaan odhan karaa wali diyaar uma nihin wali gacanta kale ee ina laaban inaynu soo saarno si ay hawlaha inoola qabtaan haweenku.bishii August ee la soo dhaafay Aniga iyo 13 Agaasime guud oo ka mid ah Wasaaradaha dalka waxaan waxaanu u baxnay afar dal oo ka mid ah dalalka aynu dariska nahay oo kala ah Itoobiya,Tanzania, Uganda iyoRuwanda Burindi waxaanu dalalkaasi u tagnay inay waayo aragnimo ka soo korodhsano sida ay uga midho dhaliyeen inay maamulkooda casriyeeyaan. Dalalkaasi isbedelka ay maamulkooda ku sameeyeen ka hor waxay daraasad ay sameeyeen soo saartay in aanay isbedelka ay doonayaan aanay ka midho dhalin karin illaa ay Haweenka dalalkaasi siiyaan door ay ka qaataan.sidaas darteed waxay qeyb libaax siiyeen isbedelkay doonayeen Haweenkooda.”

Guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyay in Haweenka qeyb libaax laga siiyo Hoggaaminta dalka iyo Horumarintiisaba waxase uu ku adkaystay in Haweenka Somaliland aanay joogin heer laga dayriyo.

“Haweenka Baarlamaanada lagu daray ee dawladaha dariskeena ah doorka weyn ku leh la iskama shaqaalayn waxay ku heleen aqoon ee waa in Haweenkeenu wax bartaan oo ay aqoon sare yeeshaan, waxa kale oo aan idinkula dardaarmayaa xuquuqdiinu waa jid dheer ee ha deg deginna hana niyad jabina,"ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Caddami.

Wargeyska Yoolka

Posted by SomaliLand Future on 03/09 at 01:04 PM
News