| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 116 Total guests: 7 Total anonymous users: 1 Most Recent Visitor on: 01/06/2009 11:52 am |
|
|
Articles Friday, September 19, 2008 Xulashada Musharaxiinta + Xerada Qoodha+Xulashada Gudoomiye Cusub Iyo Xiisaha Ka Danbeeya.? Faallo
Madaxweynaha Talada Dalka haya ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa haatan u muuqda mid mar kale xisbigiisa UDUB u Cumamadi doono musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi uga qayb galayaa tartanka Doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado in ay dalka ka dhacaan Horaanta Sanadka 2009.
Sida laga soo xigtay masuuliyiin sare sare oo ka mid ah xisbiga UDUB oo uu gudoomiye u yahay isla madaxweynuhu, kuwaasi oo iyagu shaaciyay in uu Madxweynuhu yahay musharaxa Gajadaasi kula loolami doona Musharxiinta kale ee dhigiisa ah
Musharaxa Madaxweynaha ee UDUB
Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Madaxweynaha Talada Haya ee Daahir Riyaale Kaahin ayaa isagu Hore daboolka Uga qaaday In uu Mar kale isu soo taagaayo Tar-tanka Doorashooyinka Somaliland Hadii ay Doortaan Golaha Dhexe ee Xisbigu isagoo taas Rajo weyn ka muujiyay.
Waloow aanay ilaa Iyo hada Muuqan Cid kale oo uu damac ka hayo in jagadani kula loolamaan Madxweyne Daahir Riyaale, hasa yeeshee waxa ay hadal hayntoodu muuqataa Shaqsiyaad Miisaan weyn ku dhex leh Masraxa Siyaasada Somaliland Xubin buxdana ka ah Golaha dhexe ee xisbiga Iyo Ka Fulintaba ‘’maaha in dadkii la afduubo, dalka iyo Xisbigana xil ayaa naga saaran, waxaanan arkayaa in dalku isbedel u baahanyahay, isbedelkaasna cidda fulinaysa ama taladiisa wax ku yeelanaysa ayaanu noqon doonaa, oo gacmaha ka laaban mayno kana aamusi mayno. Markaas waxaan ku leeyahay dalku isbedel ayuu u baahanyahay,xisbiguna maaha sagaalka qof ee xafiiska fadhiya ee dadkaa codka siinaya weeye” Sidaasi waxa Laga soo wariyay Xil.C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka Mid ah Golaha wakiilada ee xisbiga UDUB ka Soo baxay Xubin weyna ka ah Xisbiga talada haya oo ka hadlaayay Musharixiinta Xisbigiisa Erayadani ayaa dhadhankooda Siyaasiga ahi u muuqdaa mid aan ku Qanci karin Mushaaraxnimada Rayaale ee Marlabaad uu Xisbigu u soo Diran doono tar-tanka Doorashooyink Dhan kastaba ka eego ilaa Iyo Hada ma Cada Cid kale oo Rayaale kula Loolami doonta Gudaha Xisbiga UDUB, oo si Cad ugu dhawaaqda Musharaxnimadooda Marka laga reebo Shaqsiyaad Miisaan weyn ku leh Xisbiga oo la Hadal Hayo Musharixiinta Madaxweyne-Ku-Xigeenka Inkasta oo kursiga weyn ee Madaxweynuhu u Muuqdo Mid aan Lagula Gorgortami Karin , has yeeshee waxa uu Ifafaalaha Loolan adag oo loo gali doonaa ka Muuqdaa Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga, ka dib markii ay isla Bishan gudeheeda soo Bexeen shaqsiyaad ku dhawaaqay in ay isu soo taagi doonaan Musharxiinta jagadaasi ee gudaha Xisbiga UDUB, “Waxa aan rabaa in xisbiga UDUB dhexdiisa ay ka muuqato dimoqraadiyadda aynu qaadanay,Xilku waa Meerto” Somaliland haddii aynu nahay waxaynu qaadanay nidaamka dimuqraadiyadda waxa aanu rabnaa in xisbigayaga dhexdiisa dimuqraadiyad noocaas oo kale ahi ay ka muuqato, Sidaasi waxa ku Dhawaaqay Axmed Maxamed Axmed (Jowhari) oo sheegay in uu isu soo taagaayo Musharaxiinta jagadaasi ku-xigeenka ee Xisbiga Gudihiisa, Xubinkale oo ka Mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB ayaa isaguna Si rasni ah ugu dhawaaqay in uu yahay Musharaxa Madxweyne-ku-xigeenka Xisbiga dhexdiisa, waxana uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay in Golaha dhexe codkooda siin doonaan, Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka Haatan xafiiska fadhiya ee Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaguna Si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu mar labaad isu soo taagi doono Musharaxa Madxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UDUB,” Waxaanu Nahay Koox (UDUB),waxna aan isu Sharaxayaa Mar Labaad Madxweyne-Ku-Xigeenk” Sidaas waxa Yidhi Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin oo ka Jawaabaayay Su,aalo Arintan ku saabsan oo lagu waydiiyay Madasha Ururuka Somaliland America Councel (SAC)
Jawabaha uu Madxweyne ku Xigeenku madashaasi ka Bixiyay kuwooda ku saabsan Doorashada Doorkan ee Gudaha Xisbiga UDUB, Ayaa badan koodu u dhadhmaayay , in isaga iyo Madxweyne Daahir Riyaale Mar labaad la wada Dooran Doono
Qore Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
|