فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 95
Total guests: 15
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 12/03/2008 11:28 pm



Articles
Saturday, October 04, 2008
Waxaanu Cadeynaynaa Anagoo ka kooban Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Taageerayaal Reer Udub ah.


Waxaan hambalyo u dirayaa dadka Reer Somaliland, ciid wanaagsan ku ciida, Waxaan
kaloo hambelyeynayaa Bahwaynta Xisbiga Udub.
Al –scw wr wb walaalayaal.
waxaan jecelahay inaan u sheego xisbiga Udub iyo taageerayaashiisaba inuu jiro
Musharax reer Udub ah oo kula tartami doona Daahir Riyaale jagada madaxweynanimada
Somaliland ee 2009ka, xisbiga Udub dhexdiisa. Waxaanu Cadeynaynaa Anagoo ka kooban
Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Taageerayaal reer Udub ah, magacna ku leh xisbiga
dhexdiisa iyo dhamaan reer Somaliland, in aan hogaanka xisbigu noqon doonin
dooroshoyinka soo socda mid Md Daahir Riyaale keligii u taagan yahay Musharaxa
Madaxwenaha xisbiga Udub. Sababtoo ah, wuxuu hogaanka imika jiraa ku guuldaraystay
kana midha dhalinkariwaayey hanashadii dalka iyo dadkaba, haday tahay gudaha dalka
iyo debadaba; isla markaana, ay bulshadu ogsoonaato in ay waxba kama jiraan-tahay,
hadalkii Wasiirka xidhiidhka Golayaasha JSL. Cabdi Xasan Buuni ee ahaa “waxaan
dadweynaha reer Somaliland guud ahaan iyo doc ahaan reer Awdal u sheegayaa in waxa
tartamayaa yihiin sadexda Murashax M/weyne ee kala ah
1. Daahir Rayaale Kaahin M/weynaha Xilka haya
2. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Murshaxa Xisbiga Kulmiye
3. Faysal Cali Xuseen Musharaxa Xisbiga UCID”.
Maadamaa aanu xisbiga Udub weli qabsan shirkiisii kongareeska iyo kii G/ dhexe uu ku
qiimaynaayey cida uu u sharaxaayo doorashada soo socota, maadaama uu wasiirku
cadeeyey, Wax ala wixii olole siyaasadeed ah ee qof, koox iyo xisbi ku kacaan waxay
ka soo horjeedaan sharciga doorashooyinka Qaranka Somaliland. Maadaama isagu
cayimay keligii, Md. Daahir Riyaale isaga oo huwan sharaftii qaranka, waxa uu ka soo
horjeesatay wasiirku sharcigii dooroshooyinka qaranka JSL ee uu doonaayey in uu
dadka ku dhaqo kuna xukumo, hadalka Wasiirku waa gaf iyo godob uu ka galay xisbiga
udub iyo guud ahaan dalka iyo dadka Somaliland. Haddii aanu Madaxwaynuhu ka qaadin
talaabo wasiirka, waxay noqoneysaa gardaro garab-og. Waxay noqoneysaa Ilka abeeso
hoostay ka xidhidhsanyihiin.Hadalada Wasiirka waxa ka mid ahaa “ wasiiradu waxay
fuliyaan waxa alaale wuxuu u idmado m/weynuhu taas oo noqoneysaa waxaa u idmay
Madaxwaynaha, hadaladaas iyo kuwa soo socdaba M/weyne ku xigeenkuna malaha xilqaran
oo aan ahayn waxa M/wenuhu u idmado.” Waa wax laga naxo, inuu wasiirku kala
garanwaayo, qoraalka iyo nuxurka distoorka, waa wax laga naxo in uu Wasiirku simo
awoodaha uu leeyahay Madaxwayna ku xigeenka iyo wasiirada qaranku. Inkasta oo howl
maalmeedka qaranka uu Madaxwynuhu yahay halka u saraysa, distoorka dalkuna sidaa
qoraayo, haddana waxay kuwada fadhiyaan Madaxwaynah iyo Madaxwayne ku xigaynku darmo
siman ama, miisaan isu dheelitiran ah oo ah codkii ummaddu siisay labadoodaba. Hadii
aan si kale u sheegno, midna mid ma eryikaro, haddii ay iska horyimaadaana dowladu
way dhacaysaa, sidaa daraadeed, wada shaqeyn baa ka dhaxeysa.

By Xasan Jamac-bacad
Ottawa,Canada.

Posted by SomaliLand Future on 10/04 at 09:38 AM
Articles