فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 537
Total guests: 12
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 09/09/2010 01:34 pm



Articles
Wednesday, March 10, 2010
Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Safar Ka Soo Laabtay.



Waxaa socdaal uu ku maqnaa ka soo laabtay, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, shalay dalka ku soo guryo noqday> Wasiirka ayaa joogay muddo Itoobiya, isaga oo halkaas sida wararku sheegayaan u joogay hawlo shaqo. Isaga oo hawlaha shaqo ee uu u joogay Itoobiya ka waramaya wuxuu tilamaamay in uu halkaas masuuliyiin badan oo ka mid ah Itoobiya iyo Caalamkaba uu la kulmay.

Waxaana ka mid ah masuuliyiinta uu la kulmay, wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, isla markaana ah u qaubsanaha arrimaha bariga Afrika Mr. Karl E. wycoff. Safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Itoobiya. Dahmaantoodna wuxuu kala hadlay qaddiyada iyo dimoqraadiyada curdinka ah ee Somaliland.
Wasiirka sheegin in ay ka wada hadleen Maraykanka iyo Ingiriiskaba arrimaha Mandaqada ee ay u horayso Somalia iyo sida laga yeelayo xagjirka ka dhashay dalka Somaliya.

Wuxuuse sheegay wasiirku in safarkiisu ku soo gebogeboobay guul.

Somalilandfuture Online

Posted by SomaliLand Future on 03/10 at 03:27 PM
Articles