| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 207 Total guests: 10 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 03/11/2010 06:24 pm |
|
|
News Saturday, February 06, 2010 Waraysi Wargeyska Ogaal La Yeelatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xaallada Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay waqtiga uu qaadan doono go’aan ay 25-kii bishii aynu ka soo gudubnay ku xayirtay Isgaadhsiinta gobolka Sool, gaar ahaan khadadka telefoonada gacanta ee Mobile-ka iyo Internet-ka. Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ka mid ah wefti Xukuumadda ka socda oo muddo laba todobaad ah ku sugnaa Laascaanood oo uu xalay xog-waraysi kooban khadka telefoonka Landline-ka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka hadlay warar sheegaya in Xukuumaddu soo saartay go’aan ay dadka ka soo barakacay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ee ku sugan Laascaanood ku farayso inay muddo kooban magaaladaas kaga guuraan, waqtiga uu qaadan doono go’aanka ay ku xayireen Isgaadhsiinta gobolka Sool, muddada ay halkaas joogi doonaan iyo qodobo kale. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga jawaabay cidda ay la tahay inay ka dambeeyaan qaraxyada Laascaanood, waxa uu u dhacay sidan; S: Wasiir; waxa la sheegay inaad go’aan ka soosaareen dadka ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan Laascaanood oo aad farteen inay ka guurtaan magaaladaas, bal arrintaa ka waran? J: Waxba kama jiraan (go’aankaas). Somaliland dadka Soomaaliya ka soo barakacay hadday Hargeysa tahay iyo hadday halkan (Laascaanood) tahayba, weli siyaasad dawladda ah oo ay go’aan ku gaadhay inay dadkaas dalka ka saarto lama gaadhin. S: Laakiin, warbaahinta qaarkood – gaar ahaan kuwa Puntland, waxay faafiyeen inaad muddo u qabateen in dadkaasi kaga guuraan Laascaanood? J: Maya – waa been, waxbana kama jiraan….Dadka qaxootiga ah ee halkan (Laascaanood) jooga ama meelo kale jooga, weli go’aan ay dawladdu gaadhay oo ay tidhi ‘kaga baxa’ ma jiro. S: Wasiir; waxa jira in muddo todobaad ka badan Isgaadhsiintu ka go’an tahay Laascaanood, markaa go’aan aad Isgaadhsiinta gobolkaas ku xayirteen maxay ka taraysaa dhinaca amniga? J: Amaanka wax wayn bay ka tartay. Waxay ka taraysaa waxa weeyaan; waxan wax lagu qarxinayay waa Telefoonadaa la isticmaalayay. Sidaa awgeed, wax wayn bay hawshani ka taraysaa nabadgelyada. Kollay Telefoonadu weligeed ma xidhnaanaysee, intay hawshani socoto ayuun baa nabadgelyada awgeed loo yara hakiyay, laakiin maaha xadhig weligeed ah. S: Markaa Shirkaddaha ma siiseen waqti cayiman oo ay dib ugu hawlgeli karaan? J: Mayee waqti maanu siinine, insha Allaah go’aan baanu dhakhso uga gaadhi doonaa. S: Dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in xidhnaanta Isgaadhsiintu ay sahli karto in cid cadow ahi warar khaldan oo deegaankaas ku saabsan faafin karto, bal taas ka waran? J: Taas waxba kama jirto – sidii looga badbaaday baa wax kasta ka muhiimsane, wax jaahwareerin ahi waxba kama tarayso oo ma yeelayso. Laakiin, mid ilaa weligeed ka xidhaanaysa maahee, si dhakhso ah baa go’aan looga gaadhayaa. S: Intee bay qaadan doontaa muddada hawlahaa aad ka wadaan Laascaanood? J: Walaahi Illaahay baa og. Kollay halkani waa meel dalka ka mid ah oo halkan (Laascaanood) haddaanu joogno iyo haddii aanu Hargeysa joognaba shaqo qaran uun baanu haynaa. Markaa haddaanu halkan muddo dheer sii joogno iyo haddaanu xafiiska Hargeysa joogno, labaduba hawlmaalmeedkayagii anagoo wadana uun bay la mid tahay. S: Wasiir; qaraxyada muddooyinkii u dambeeyay ruxay Laascaanood ma jirtaa cid aad u aanaynaysaan inay ka dambayso? J: Dhawr goor oo hore ayaan sheegay qaraxyada oo cid kasta oo wax qarxisa, waxaanu u aragnaa uun Argagixiso. S: Al-Shabaab lug ma ku yeelan kartaa? J: Magaca horaanu u sheegnay oo aanu ugu celcelinay oo waxaanu nidhi ‘Argagixisadu abtirsiimo ma laha.’ Xigasho: Wargeyska Ogaal
|