| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 114 Total guests: 6 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 01/06/2009 04:23 am |
|
|
News Thursday, October 16, 2008 Wakiilka Somaliland ee Faransiiska oo cusbitaal la dhigay
Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska mudane Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay safarkii uu madaxweyne Rayaale ku tagey dalka Faransiiska bishii hore, Islamarkaana ku dooday in Safarkaasi ahaa mid wax-tar siyaasadeed u leh Somaliland. Mudane Fagadhe oo u waramay shabakada wararka Intarnetka ee Qarannews ayaa waxa uu sheegay in socdaalkaasi ahaa mid shaqo, Islamarkaana uu ka danbeeyay marti-qaad rasmi ah oo dawlada Faransiisku u fidisay si weyna loo soo dhaweeyay. Waxaana uu dhaliilay arragtiyo ay xisbiyada mucaaradka ahi ka bixiyeen Socdaalkaasi.“Waan maqlaa hadalada ay meelahaas ku qoraan ama yidhaahdaan, laakiin waxa aan kuugu jawaabayaa in ay taasi tahay qayrul’masuulnimo, oo qof xilkas ahi aanu waxaaas oo kale afka soo marin, waxa aanan beeninayaa hadaldaasi cida ay doonaanba ha ka yimaadaane waxa aanan leeyahay been ayaad isugu sheegaysaane Madaxweyneheena iyo waftigii la socdayba waxa ay dalka Faransiiska u yimaadeen hawlo shaqo Qaran, waana lagu guulaysatay, waftigeenu waxa ay naga laabteen iyaga oo farxsan, waxa aanan idiin sheegayaa ama ragaas iyo cid kasta oo uu mad madawo kaga jiroba aan u sheegayaa, in uu socdaalkii madaxweyanahu uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee uu dibad ugu baxo, uguna rajada wanaagsanaa, anigu goob joog ayaan ka ahaa kulamada badankooda waxa aanan ka mid ahaa madaxdii soo sagootiday madaxweynaha iyo waftigiisa.” Fagadhe oo la sii weydiiyay sababta uu Hargeysa ugaga hadhay ama u sii raaci waayay waftiga waxa uu ku dooday inuu badi kulamada muhiimka ah kala qayb-galay waftiga. “horta isku diyaarad maanu ahayn laakiin, aniga iyo waftiga madaxweyanahu isku siyaasad iyo isku qorshe ayaanu ahayn waanan ka daba imid waanan ku soo gaadhay oo waanigii shirarkii ugu mihiimsanaaba aan kala qayb qadanayay, taasina macno samyn mayso hadii ay leeyihiin maxay Fagadhe iyo madaxweyanaha waftigiisu ay isu raaciwaayeen… runtiina hawlaha waftigu si fiican oo aanu dhamaantayo raali ka wada nahay ayaa ay noogu dhamaadeen, waana arki doontaan midhaha ka soo baxa xidhiidhkaasi saxiibtinimo ee dhex maray dalkeena iyo dawlada Faransiiska, oo ahaa mid taariikhi ah oo guul ku dhamaaday.” Sidaas ayuu yidhi Wakiilku. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Faransiisku aad u wanaagsan-yahay, Islamarkaana Somaliland dalkaa ku leedahay Xafiis si fiican u shaqeeya oo dawlada Faransiisku aqoonsantahay. “Waxa aynu xagan (Faransiiska) ku leenahay oo ay aqoonsanyihiin xafiis balaadhan oo si fiican u hawl-gala oo aad arki kartid adiguba hadaad booqatid, mana aha waxa inoo qabsoomay in la dacaayadeeyo oo la siyaasadeeyo ee waa in garabka la isla qabtaa oo la taageeraa loona hambalyeeyaa xukumada dedaalka ay wado ee arimahan oo kale.” Sidaas ayuu yidhi Mudane Fagadhe, waxaa uu wakhtiga waraysiga laga qaaday (Shalay) ku jiray cusbitaal ku yaala magaalada Paris ee casimada dalka Faransiiksa, waxana lagu wadaa in maal-maaha soo socda lagu sameeyo qaliin caafimaad, in kasta oo aan warku cadaynin nooca qaliilka uu gelayo Wakiilku. Wargayska Ogaal |