| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries
»Waa In Lixda Inan ee Inoo Qoray Dad aan Weligoodba Computer Dul Fadhiisan La Eryaa".Faysal A Waraabe
![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 114 Total guests: 6 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 01/06/2009 10:37 am |
|
|
Articles Thursday, October 16, 2008 Waa In Lixda Inan ee Inoo Qoray Dad aan Weligoodba Computer Dul Fadhiisan La Eryaa".Faysal A Waraabe
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay masuul ka yihiin khaladaad badan oo ka dhacay habsami-u-socodkii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee shalay ka bilaabantay Gobolka Saaxil. Eng. Faysal Cali-waraabe, waxa uu hadalkan ku sheegay waraysii uu xalay siiyey Telefishanka HCTV mar uu ka soo laabtay deegaamo Gobolka Saaxil ee Diiwaangelintu ka bilaabmatay ka tirsan oo uu kormeer uu ku indho indhaynayey sida hawshaasi u socoto ku soo maray. Waxaannu sheegay in bilawgii Diiwaangelinta ee Gobolka Saaxil ay ku timi fashilaadi, kadib markii la geeyey dad aan aqoon u lahayn, isla markaana aan habayaraatee dadka la siin wax wacyigelin ah oo ku saabsan Diiwaangelinta. “Horta dadkii wuu soo baxay, laakiin may dhammaystirnayn, waxaana sabab u ahaa oo ta u weyn ahaa dadkii ku shaqaynayey qalabka kombuyuutarada oo weliba si fudud la inoogu qorsheeyey oo afsoomaali ku jiro, ayaa dad suuqa laga daabulay loo dhiibay inta la daadiyey dadkii jaamacadaha laga keenay ee imtixaanka laga qaaday. Horena waan u sheegeen meesha (Komishanka) lix dhallinyaro ah ayaa hawshan haysta, kuwaas oo wax kaantaroolaa aannu jirin, waxay samaysteen hab iyagu dadka ay ku qortaan oo ay wax ugu eexdaan, laakiin aan aqoon lahayn. Markaa mushkilada inoogu weyni waxa weeye dadkii farsamada Teknoolajiyada yaqaanay oo aan meesha la gaynin. Tusaale ahaan saaka 6:00 (shalay) ayaan maray magaalada Geel-loo-kor iyaga oo la cadiban kombuyuutarkii oo uu ka xumaaday, waxaan haddana soo maray 3:30 galabnimo iyada oo markaa loo tijaabinayo, markaa maalin dhan baa luntay,” ayuu yidhi Eng. Faysal. Waxaannu Guddoomiyuhu soo jeediyey in waqtiga loo kordhiyo Gobolka Saaxil oo uu xusay in ay si tabaabushe xumo ah ku bilaabmantay hawshiisu, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Gobolka Saaxil oo tabaabushe xumo Diiwaangelintu ku bilaabantay waxa uu u baahan yahay in waqtiga loo kordhiyo oo laba maalmood loogu daro. Waana in aynu ka faa,iidaysanaa khaladaadka dhacay, kow waa in aynu meesha ka beddelnaa dadkan aan waxba aqoon.’ Guddoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu sheegay in Komishanka Doorashooyinku ku guul-darraysteen wacyigelintii dadweynaha ee la doonayey in dadka lagu fahamsiiyo waxa Diiwaangelintu tahay iyo goorta ay bilaabmaysaba, isaga oo xusay in NGO-yadii qaatay lacagta wacyigelintu mid waliba inta uu lacagtii qaatay iska tagay. Isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Wacyigelintii ay Komishanku ku khasaareen beelihii baa is wacyigeliyey oo is abaabulay oo hadda iyagu dadka soo guraya, iyaga qudhooda waxa ka xun abaabulka oo waxay soo gurayaan dadkii ka maqnaa gobolkooda, laakiin dadkii Saaxil deganaa ayey ka boodeen oo aanay u sheegin, tusaale ahaan meelaha aannu tagnay sida tuulada Dubaar dadku mabay ogayn in diiwaangelini dhacayso, shaqaalihii meesha la geeyey la yidhi dadk diiwaangeli ayaa baabuurtii markii ay dhigteen dadkii dib ugu noqday oo yidhi kaalay is-diiwaangeliya way bilaabmatee. Horta waddan baynu nahaye haddii aynaan qofkii dembi gala dembigii ku qaadin oo aannu kala baq jirin oo aan sharcigii laga baqayn, waxba noqon mayno, gaadiidkii qaar baa shidaalkii markii ay qaateen ee 30 litre loogu shubay ayaa haddana la waayey. Markaa waxa weeye haddii aan inankii qofka aan aqoonta lahayn qoray ee awooddiisa adeegsaday innagana khasaaraha ina geliyey haddaan wax laga qabanayn, dadkiina caqli ay ku socdaan lahayn sidee ayey wax inoogu soconayaan.” Guddoomiyaha oo la weydiiyey mushkiladaha uu sheegay inay ka jirto hawsha Diiwaangelinta cidda eedeeda leh waxa uu ku jawaabay, “Eedeedada waxa leh Komishanka, ninka $25000 (laba boqol iyo kontan kun oo dollar) bixiyey ee 55 NGO siiyey ee mid qudha oo shaqeeya aan laga hayn ee aan dabadhigin cidii kaantarooli lahayd, ee inta nin waliba lacagtii qaaday halkaa kala baxay, kaa in sharciga la saaro miyaanay ahayn. Ka lixda inan ee inta dadkii imtixaanka laga qaaday tuureen soo galiyey dadkan aan ka hadlayo, in sharci la saaro miyaanay ahayn, ka qandaraas qaatay ee 160 baabuur diray ee ay ahayd in baabuur kastaa uu habeenka joogo goobtiisa ee Berbera ay ku shidaal beeleen in sharci la saaro miyaanay ahayn. Dadkaa waa in tallaabo laga qaado oo boolisku soo qabtaa, waa in lixda inan ee inoo qoray dad aan weligoodba kombuyuutar dul fadhiisan waa in horta la eryaa.” Md. Faysal Cali-waraabe oo la weydiiyey su,aal ahayd mar haddii waxaas oo khaladaad ah Komishankii galeen, Faysal ahaan kalsoonida uu ku qabo in ay goordhaw isaga iyo labada xisbi ee kale u garsooraan inta ay le,eg tahay, waxa uu ku jawaabay, “Horta haddii Diiwaangelintu dhacdo, waa la garanayaa dadka inoo diiwaangashan, goobta kastana inta ka codaynsa waa la garanayaa oo ma jirto sidii berigii hore la samayn jiray in goob 10,000 ka codaynayaan 30,000 warqadood inta la geeyo aanay waxba ka soo noqon jirin, markaa wax muran ah oo taa ka imanayaa ma jirto, laakiin waxa keliya ee aannu ka baqaynaa waxa weeye nimankani awood ma leeyihiin inay qalabkii waqtigii loogu talogalay geeyaan goobihii codbixinta, taasna waanu ka hortagi doonaa. Hadaladan la leeyahay madaxa ayey isku keen gelin doonaan iyo waxaasi ma dhacayaan, aniguna ma qabo inay madaxa isku keen gelin doonaan, laakiin sida maamulkoodu gaabiska u yahay ee wadashaqayntoodu u xun tahay inay habsaan keento. Dadku way wada fadhiistaan oo waxay isweydiiyaan maxaa qorshe shaqo ah ee inoo yaal, nimankani qorshe ma leh, nin baa jira Ismaaciil la yidhaa oo Guddoomiyaha Diiwaangelinta la baxay wixii oo dhan tunkuu ku qaatay, taasi waa ta keentay in aanay cidi ogayn lacagta ardaydu ku shaqaynaysa ilaa maalintii u dambaysay. Haddii aad toddobadoodaba u tagtid oo aad arrin weydiisatid waxa caado u ah in mid kastaa war gooni ah ku siiyo.” GolisNews.com |