فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 8
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 09:51 am



News
Monday, September 01, 2008
UDUB Oo Sheegay Inaanay jirin Cid Madaxweyne Rayaale Murashaxnimada Kula Baratami Doonta



Xisbiga xukuumiga ah ee UDUB ayaa si rasmi ah u sheegay inaanay jirin cid Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kula loolami doonta Murashaxnimada Madaxweynenimo ee xisbigaas uu guddoomiyaha u yahay.

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga xukuumiga ah ee UDUB ayaa si rasmi ah u sheegay inaanay jirin cid Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kula loolami doonta Murashaxnimada Madaxweynenimo ee xisbigaas uu guddoomiyaha u yahay.

Guddoomiyaha guddiga siyaasadda ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, oo xalay Wargeyska Geeska Afrika, uu wax ka weydiiyay halka uu marayo qaban qaabada shirweynihii xisbigaasi, ayaa sheegay in Md. Rayaale iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo tallada xisbigaas isaga hooseeyaa noqon doonaan labada nin ee mar labaad xisbigaas uga qayb geli doona doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland oo la filayo inay qabsoonto sannadka 2009, waxaanu sheegay in shirweynihii xisbiga la qaban doono marka ay dhammaato bisha barakaysan ee Ramadaan, “Waxaanu hadda diyaarinaynaa guddiyadii qaban qaabada wixii Ramadaanta ka dambeeya ayaanu ku tallo jirnaa inaanu qabsano shirweynahayaga.” Ayuu yidhi Cumar Jaamac.

Isaga oo ka jawaabayay inay jiraan wax murashixiin ah oo gudaha xisbigaas kula tartami doonta Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin amaba Madaxweyne ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu yidhi, “Sida uu dhaqanka siyaasadu yahay, xisbiga talada haya guddoomiyaha xisbigaas cid kale islama sharaxdo, sida la ogyahay Madaxweynaha Maraykanka teeramkiisii labaad cidi islama sharixin xisbigiisa Jamhuuriga, Bill Clinton oo ka horeeyay xisbigiisa Dimuqraadiga ciddi islama soo sharaxin, xisbiga Muxaaradka ee Ingiriiska isna ciddi islama sharixin, markaas ilaa hadda ma jirto cid taagan oo isla soo sharaxaysaa, ee waxa u taagan oo u sharaxan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xisbigayaga. Annagu ma nihin xisbi mucaarad ah oo gooni taagan oo sidaas la isula sharaxayo, ee waa dhaqanka siyaasadda oo xisbiyada adduunka oo dhan waa sidaas, ciddina xisbiga talada haya teeramka labaad islama soo sharaxdo meel kasta oo ay Dimuqraadiyadi ka jirto.”

Mar la weydiiyay inay ka diidi doonaan codsiga arji qabashada, haddii ay soo baxaan siyaasiyiin damac hayo oo doonaya inay Madaxweynaha la barataam, waxa uu yidhi, “Maya ee laga diidi maayo oo waxaanu nahay xisbi Dimuqraadi ah, ee waxaan kaaga sheekaynayaa dhaqanka siyaasadda ee asxaabta dunida ayaa noocaas ah, laakiin ninka damac lihi wuu soo gudbin karaa, oo codkiisa ayuu wax ku helayaa, laakiin waxaan kuu sheegayaa in dhaqanka siyaasadu sidaas yahay.”

Waxa jirta hadal hayn siyaasadeed oo inshaaraysa inay jiraan siyaasiyiin xisbigaas ka tirsan oo uu damac ka hayo inay Madaxweyne Rayaale kula tartamaan jagada murshaxnimada xisbigaas.

Source: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Posted by SomaliLand Future on 09/01 at 12:56 PM
News