| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 114 Total guests: 6 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 01/06/2009 06:52 am |
|
|
News Monday, September 01, 2008 UDUB MA U BADHEEDHI DOONTAA TALLAABADA KULMIYE QAADAY? Dunida way adag tahay in qof aragti cusub la yimi oo ku soo kordhiyay bay’ada uu ku nool yahay uu si fudud ku hanto quluubta dadkii uu la noolaa! Tusaale ahaan, hadii aad maqasho duni kale oo aan ahayn tan aynu ku noolahay, balse sidan u agaasiman ayaa la ogaaday inay jirto! Ma ku rumasanaysaa akhristow arag la’aan? Way ku adag tahay dadka badankiisa, isla markaana su’aalo badan ayaa ka horeeya aaminaadooda ka hor in looga jawaabo. Sidaasoo kale, dabeecad ahaan shacbiga aanay aqoontiisu korin waxa adag in lagu qanciyo Is-beddel! Waayo, waxa loogu yeedhayaa in laga guuro qaab-nololeedkii hore ay ugu soo jireen. Waxana qalafsanaanta ay muujiyaan keenaysa horumar iyo dib-u-dhac ka ay kala kulmayaan Guriga looga guurayo degsiimada ay qabatimeen iyo is-bedelka loo sheegay hubsiimadiisa ayaa daah ka saaran-yahay, mana saadaalin karaan inyar oo fahamsan doorka hurumarka is-bedelku ka qaato mooyaane. Tani waxay ka mid tahay arrimaha loo arrko inay Xisbiga UDUB u sahashay inuu maamulka dalka sii hogaamiyo inka badan mudadii la igmaday, iyagoo adeegsanaya kelmedda dadweynuhu u dhego-nugul yihiin, “Nabad-gelyada Ilaaliya!” Sababta oo ah, waxay ka hortagayaan haddii reerka meel kale loo raro waxa dhici doona ayay ka werwer qabaan. Si kale hadii aynu u dhigno, faylasuufi lagu magacaabo Dr David Baldacci oo u dhashay dalka New Zealand ayaa laga sheegay in dhibaatooyinka dadka Geelayda ah sida Soomaalida oo kale la degay ay ugu muhiimsan tahay, carruurta oo marka ay yaryar yihiin aan lala sheekaysan ee canaan iyo dil keli ah lagu koriyo. Isla markaana aan la fahamsiin ujeedada waxbarashada, balse la xafidsiiyo uun inay wax bartaan uun waxyaabo aanu markaa ilmuhu macnahooda si fiican u wada garanayn. Qofkii sidaas u koraa dadka waa uu nebcaanayaa, waayo kuwii ugu dhawaa ayaa yaraantiisii dili jirey oo aan si xushmad leh ula hadli jirin, marka uu maago Ilmahani in uu hadlo ama su’aal keeno “Us!” ayaa ka hortimaada. Waxbarashada aanu qofku fahmayn ee khasabka lagu xafidsiiyaana waxay u soo jiiddaa inuu nolosha oo dhan naco, waayo waxa loo diiday inuu fekero. Hadalka Faylasuufkaas waxa ka mid ahaa in bulshooyinka sidaas dhallaanka ku koriyaa aanay dadkoodu xagga maskaxda horumar ka samayn. Qoraaga murtida soo guuriyay wuxuu aaminsan yahay in dadkeennu ay xagga taageerada iyo mucaaradka ku dhaqmaan laba erey oo keli ah, waana, “Hebel baan raacsanahay” iyo “Hebel baan ka soo horjeedaa.” Qofka ama kooxda la raacsan yahay haddii ay khalad galaan iyo haddii ay wax fiican sameeyaan labadaba taageerayaashu wanaag bay u haystaan oo waa inay iska ammaanaan oo difaacaan xataa haddii ay koox tuug ah yihiin! Qofka laga soo horjeedo waxa loo arkaa inaanu haba yaraatee wanaag samayn karin, balse tallaabo kasta oo uu qaadaa waa xumaan, waana in mar kasta la caayo. Isla markaa dadka isaga taageersani waa cadow, waayo waxay raacsan yihiin qof ama koox aan marna wanaag laga sugayn oo 100% xun. Haddii qof laga soo horjeedo aad wax wanaagsan oo uu qabtay ku amaantid waxaad noqonaysaa qof xubin wayn ka ah dadka raacsan, sidaas oo kale haddii aad dhalliil uu leeyahay sheegtid waxaad xubin ka tahay mucaaradkiisa. Waxa laga yaabaa in bulshadeennu qofkii sidaas wax u kala saara ku magacaabaan “Qof aan mabda’ lahayn oo hadba meel u hiin-raaca!” ama “Khaa’in,” waayo isku mar ayuu qof kaliya dhalliil iyo wanaag ku tilmaamay. Garro oo qof kastaa dhalliil iyo wanaag-ba wuu leeyahay. Sidaa darteed, qalinku wuu ka taxadarayaa inuu Xisbina amaano mid kalena u jeediyo dhaliil aanu qabin. Waxaynuse si guud isu waydiinaynaa, maadaama Xisbiga Kulmiye shirkiisii Golaha dhexe khilaaf ka dhashay, Isla markaana maalmihii ugu dambeeyay Saxaafadu tebinaysay sababaha muranka keenay oo la xidhiidha damacyo siyaasadeed oo is-hirdiyayay, ma ka suurtagelaysaa Axsaabta kale? Xisbiga talada haya hadii aynu ku horayno, dad badan ayaa qaba in qarax ka culus ka Xisbiga Kulmiye u huursan yahay UDUB, taasina ay sabab u tahay in laga warwareego Shirweynihii 2-aad ee Xisbiga ugu da’da wayn oo sanado mudo-dhaafay wakhtigii xeerkiisu qorayay in la qabto. Hase ahaatee, dadka siyaasada Xisbiga UDUB u dhuun daloola badhkood waxay aaminsan yihiin in marka la eego dabeecada siyaasadeed iyo aaminka dadka u badan Xisbigaas loo arko kuwo aaminsan inaan hogaamiyaha lagu qurdin go’aamada laga gaadhayo masiirka xisbiga, Isla markaana lagu daro waaya-aragnimada Madaxtooyadu ka faa’iiday Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo ergooyinkiisa ay inta badan soo xuleen mudanayaashii Golaha Wakiilladu. Waxa loo arrkaa in marka ay timaado in la abaabulo shirweynaha UDUB aan wax muran ahi ka dhici doonin. Sabababaha dadka arragtidan aaminsani u cuskadeena waxa ugu wayn in Rayaale 33-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada uu ka dalban doono inay keenaan ergooyin oo ay deg-deg u soo xuli doonaan xubno ku dhiiran sacabka oo aan waxa loo yeedhiyo ka hor iman karin. Maadaama Xildhibaanada soo xulayba ku dhiiradaan inay madasha ka difaacaan arrin aanay hadii la sii waydiiyo jawaabo u hayn, balse ay badidoodu ka raacaan uun xukuumadaa taageersan, ayaa hadana aanay taasi la cuslayn. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ee Kontonka ka badan ayaa iyana mid kastaa keenayaa koox uu hubo inaanay Kursiga Odayga gorgortan gelin karin. Marka intaa iyo in kale hool la isugu keeno, UDUB-yahanka dibad-meerka ah ee la tuhmi karo inuu Madaxweyne Rayaale ka horyimaado way ku adkaanaysaa inuu fursad helo. Arragtidaa waxa sii adkeeyay Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale oo TV-ga Dawlada Habeen hore u sheegay in Murashaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UDUB mar kale loogu celin doono Madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin. Xisbiga UCID ayaa sidoo kale tilmaamay inay xisbiga KULMIYE ku kala duwan yihiin arrinta xulashada murashaxiinta. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo arrintan iyo qaabka xulsahada Ogaal wax ka waydiiyayna wuxuu ku jawaabay, “Anagu taa waanu ku kala duwanahay Kulmiye. Anagu Madaxweyne ku-xigeenkii waanu haysanaa (short Liis) Liis yare ayaanu ku soo saaraynaa haddii Illaahay yidhaahdo, fulintayada ayaa wadahadal ku dhamaynaysa oo odhanaysa Xisbiga maxaa u dan ah, yaa (Vote) cod keeni kara, yay Madaxweynaha wada shaqayn karaan. Ka bacdi labada qof ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaa isku soo sharaxa Shirweynaha golaha dhexe ayaanu ka cadaynaynaa anaga oo gacmaha is haysana sidaa Maraykanka oo kale. Markaa anagu waanu ka duwanahay, waayo haddii la tartamo waa dhaqanka Afrikaanka oo waxa imanaysa cadaawad iyo niyad-jab. Markaa wadahadal ayaanu anagu ku dhamaysanaynaa oo sidaas ayaanu ku soo saarnay anagu musharaxayagii hore oo tartan ma jirin. Markaa waa in uu Xisbigu hogaan adag yeeshaa, dishibiliin yeeshaa, sharci yeeshaa kala saara. Anagu, anaga oo fulin leh ayaa hadana Guddida Fulinta ay ku dhex-jirtaa guddi ah dadkii Xisbiga aasasay oo kalmada u dambaysa leh. Markaa ma aha in qofkii shalay soo galay iyo qofkii aasaasay ay isku xuquuq noqdaan, waxaasina Xisbinimo maaha, mana aha in qof kasta la qaato ee anagu waanu is-nadiifinay.” Jawaabtan Guddoomiyuhu waxay daliil muuqda oo cad u tahay hab-dhaqanka maamul ee Xisbiga UCID. Gunaanad: Marka arrimahan la isku soo minguuriyo, waxa muuqanaysa in Xisbiga Kulmiye uu ugu yaraan isku deyay inuu ka turjumo dimuquraadiyada hadal- hayntiisa ku badan, isla markaana is-bedelo ka muuqan karaan gudihiisa, balse isaga laftiisa marka loo eego murankii ka dhex-hilaacay iyo hadal-hayntii dadka oo qofba dhinac taageerayay, waxa soo baxaysa inaanu ka taganayn hab-dhaqanka aynu kor ku soo xusnay ee Faylasuufigu ku sheegay in korriinshaha dhallaanku qayb ka yahay saamaynta mustaqbalkooda. Hase yeeshee, hadii uu Kulmiye u badheedhay isku-daygiisa doorasho dimuquraadiyadeed, balse asxaabta dhigiisa ahi ka-gaws-qabsadeen in lagu tartamo dhexdooda, ma la odhan karaa Kulmiye wuxuu mudan yahay in lagu daydo! Xigasho Wargeyska Ogaal |