Dhamaan akhrisyaasha sharafta leh, ugu horayn ramadaan kariim meel kasta oo aad
joogtaan
Anagoo ku hadlayna magaca gudiga fulinta xisbiga kulmiye laantiisa Bristol, Uk.
waxaan dadwaynaha reer Somaliland u sheegaynaa inay tahay wax aaan jirin iyo been
qaawan maqaalada ay labadaa nin kaga hadlayeen madaxda xisbiga Kulmiye iyo shirkii
golaha dhexe ee ka dhacay magaalada Burco
Waxay maal mahan danbe xubnahan sheeganaya inay yihiin hogaanka xisbiga Udub ee UK
aad ugu xiiqeen, kuna rafteen shirkii golaha dhexe ee xisbiga ugu dhamaaday
magaaldda burco ,halkaas oo ay ka soo baxeen go’aano dhaxal gal ah, una danaynaya
geedi socodka nabada iyo dimuquraadiyaada Somaliland
Waxaanu halkan ka cadaynayaa in labadaa nine ee caadaystay afxumadda iyo wararka u
badan been abuurka ay ka digtoonaadaan, loona qaato borobagaandh ay soo dhoodhoobtay
inta yare e taageerta maanto xisbiga Udub iyo xukuumadda bilaa arxanka ah ee manta
taladda dalka haysa
Haddi la doonayo in lays barbardhigo sadexda xisbi ee dalka ka jira manta ,qof
kastoo “ALLAAH” sii yey caqlifayoow waa garan karaa manta Udub iyo kooxda sheecadda
ah ee Riyaale iyo Cawil Mucjiso ugu
horeeyaan ay dalkii ugu dhameeyeen ,waa la ogyahay in ay manta gaadhay boobkii ay
umadda ku hayeen meel halis ah,ka dib markii ay xoolihii siiyaan nin layidhaado
Aljaaberi, kalluunkiina Yamen iyo Masar wixii maxdan ahaydna reer S Africa iyo
Hindi, gabood falka xuquuqul insaanka ee mawaadiniinta Somaliland, xadhiga joogtada
ah, dilalka lagu sameeyo marka shacabku sameeyaan mudaharaadyo ay kaga cabanayaan
xukuumadda jirta
Waxaas oo ceebaala ayaad ogtihiin,maxay ku dhacday inaad caado ka dhigataan been
qaawan ,ceebayn iyo hadalo ka fog xaqiiqadda jirta.
Waxaanu halkan idiin sheegaynaynaa adinka iyo inta yare ee weli ka quusan urarka ay
ku bahoobeen kooxda ku caanka baxday boobka iyo dhaca hantida ummadda hadaldan
kooban :
Ururka Kulmiye wuxuu u taaganyahay cadaalad ,midnimo, sinaan, inuu soo celiyo
tayadii iyo wax qabadkii dawladnimo, wax u qabashadda mujaahidiintii dalka xoraysay
iyo qoysaskoodii, adkaynta nabadda iyo wada noolaanshaha dadyawga reer Somaliland,
soo dedejinta aqoonsi buuxa oo laga helo caalamka iyo inkale oo badan
Dumliga iyo cadaalad la’aanta manta ka jirta dalkii ee ay sababtay xukuumada iyo
udubta wada socotaa waxay ka dhigantahay heerkii la maraayey wakhtigii halganka
lagu jiray horaantii seddeedtamaadkii iyo maansadii abwaanka wayna ee Hadraaw
\"Markay heedhe waalaha
hirwo kuu tuntumayaan
hebed minaw san baad tahay
\"Halgan iyo waddaninnimo
inaad heerto mooyee
weligaa dab uma hurin
\"Marka aad nin hanadiyo
hor-u-socod murmaysaan
halaq laba af-laad tahay \”.
\"Marka ay hufnaantiyo
qofhagaagsan joogtee
hebel kale la magac dhebo
nin hinaasiyaad tahay \”.
\"Garta hoga tuskeedana
hiinraac gurracanoon
waxba hubinnin baad tahay \”.
\"Midhka hoos ka tuurka ah
nin ragaa hilmaamee
naxli huursan baad tahay\”
\"Hadashada aqoontiyo
hinddisaha garaadkana
hungo qaawan baad tahay\”.
\"Hayntiyo dhaqaalaha
gacmo hoorsadaad tahay \”.
\"Hooda iyo deeqdana
hor A llaad ka joogtaa \”.
\"Dadnimada hoggeedana
dibaddaad ka huruddaa \”.
\"Hollashada dagaalkana
hooto rogasho maad lihid\”.
\’Hayal waad ka madhan tahay
heemaalna kaa dhimey \”.
\"Abaartii Hawaariyo
Harga-cuna mar baad tahay
mama Haarriyaad tahay \”.
\"Higil nuxurla\’ baad tahay
hirrig qodax leh baad tahay
hawo beena baad tahay
hadal kama dhergaad tahay \”.
\"Nin ammaanta heesaha
u hamuumayaad tahay \”.
\"Hibo iyo nm madaxnnimo
u haliilayaad tahay \”.
\"Nin waxaanu hidin karin
isku hawlayaad tahay \”.
\"Nin Waxaan la heli karin
u harraaddan baad tahay.\”
\"Hawkar iyo dhib baad tahay
habaas iyo ufaad tahay
hummaag iyo riyaad tahay
habeen yuururaad tahay
mugdi hoganayaad tahay
hafar iyo cidlaad tahay
intaasoo hal baasoo
is hareer socdaad tahay
habaar biiray baad tahay\”.
Afartaas heshiiskii
Huriwaa ku magacaw
hakad iyo tilmaan saar
hinji nabarka qalinyohow
hohe leebka igu mudan
waxba hawla kala hadhin.
Xoghaynta xisbiga kulmiye laanta Bristol
Xasan maxamed