فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 537
Total guests: 11
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 09/09/2010 12:57 pm



News
Wednesday, March 10, 2010
Tix-gabay ah Oo Wiil Dhalinyari ka tiriyey Tahriibta, Wuxuu la Wadaagayaa Xasan Weedhsame.

Waxaan saaxiib ku soo dirayaa salaam Xasanow, salaantaas ka dib, waxaan jeclahay in aan kula wadaago tix yar oo gaaban oo aan ka tiriyey tahriibta. Adiga ayaa abwaanoo aan jeclaa in aan kula wadaago. 



Wiil aad u dhalin yar ayaa na soo gaadhsiiyey tix gabay ah oo uu la wadaagay saaxiibkii oo tahriibta dhaliilayey. Wuxuu sheegay, in aanu ahayn abwaan hal-abuure a, laakiin ay ku dhalatay in uu wax ka yiraahdo arrinta tahriibta. Abwaaanka da’da yari wuxuu qabbaa in aanay dhaliishu ahayn dhalinyarada. Bal hadda tolow yuu saaray eedaas.

Dhawaaqaan yaraynbaa

Dhegahayga daashaday

Dhaxaan maqlaayey

Curad reer u dhaanshoo

Dhaxamaha gobood li’I

Ka dhaqaaqay maxastii

Dhabaabacada beegsadoo

Ku tashadayna dhuyaal

Dhibna ay wadaagaan

Dhamaan habar dugaagiyo

Dhidarkiyo waraabaha

Dhimashadu u dheer tahay.

Weli maan dhaliilin,

Kuwa soo dhaqaaqoo

Dhayalsina igama aha

Dhumucdeeda xaajadu

Dhalintaasi may helin,

Ninkii iyaga dhiqi lahaa

Dhaymankiyo luulkiyo

Dheraad u qodi lahaa

Dheefbay ka waayeen

Dhulkii ay lahaayeen

Dhambaalkiyo weedhood

Dhegna looma jalaqsiin

Dharaar qudhana may arag

Dhacdo ay ku faanaan

Dhegta raaxo gelisoo

Dhaxal ay u qaataan.

Dhadhanshaa ku waashoo

Dhacar aan u haysane

Dhalaankii jidhkooday

Dhaqaalihii u hurayaan.

Dhaqashay u haystaan

Dhuunigay ku maamuli.

Dhaqso ayay u dooneen

Inay dhereg ku waaraan.

Dhaqaale aan yarayniyo

Dhalacsay ka qaadeen.

Dhacdo weeye murugo leh

Dhaawaceedu culus yahay.

Dhibtu ruuxay gubi lahayd,

Dhaxal reebi lahaa abid.

Dhadhan buu ka doorbiday

Dhibicsiga cashuuraha.

Dheereeyey weedhii

Dhigay erey ba jabadkii

Dhuda naaxi mooyee

Dhegta daali kuma wadin

Dherersina igama aha

Dheeligaan u jeedaa

Dhiiladaan maqlaayaa

Dhibanahaan ujeedaa

Dadku wada dhaliileen.

Dhiriqdaas la qaybshee

dhalankaasi may geyin

Dheegow ogsoonow

Dhan kalay ka durugtoo

Dhibtu innaga haysaa

Dhaawacu innaga yimi.

Abwaan
Axmed Xaaji Cilmi Aadan

Posted by SomaliLand Future on 03/10 at 03:37 PM
News