فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 537
Total guests: 14
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 09/07/2010 06:12 pm



Articles
Wednesday, March 10, 2010
Taariikh Nololeedkii Jiif Caaqil Maxamed Ducaale Cilmi


Ilaahay ha u naxariistee Jiif Caaqil Maxamed Ducaale Cilmi Wuxuu dhashay June 1950, wuxu ku dhashay kuna barbaaray degmada Garadag, waxa loogu doortay Caaqilnimada bil ka dib markii uu geeriyooday aabihii marxuum Caaqil Ducaale Cilmi Digaale October 1972, waxa si rasmi ah loogu caleemo saaray dawladuna aqoonsatay Garadag May 1981. Wuxuu door weyn ka qaatay ka badbaadintii beesha xasuuqii maamulkii Siyad Bare 1981-1987.

May 30, 1988 wuxu ahaa hogaanka beeshiisa, taladii calanka SNM laga taagay Garadag, kana babanayey Garadag ilaa xornimadii Somaliland, door weyn ayuu ku lahaa assaaskii qaybtii 7aad ee xoogagii xaq u dirirka SNM, ururinta ciidamada, maamulka quudinta, gurmadka iyo saanadii dagaal ee ay isku difaacayeen ciidamadii SNM waqtiyadii dagaalka.
1991 wuxuu door weyn ku lahaa shirarkii xornimo la soo noqoshada Somaliland ee ka qabsoomay Berbera, Hargeisa iyo ku dhawaaqistii xornima la soo noqoshadii Somaliland Republic ee Burco. Nabadeyntii beelaha degaanada Somaliland sida Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag. Wuxuu door hogaan ah ku lahaa ka saaristii ciidamada Ceerigaabo, shirarkii naabadeynta beelaha Isaaq Bari iyo beelaha Harti ee ka qabsoomay Kulaal, Awrboogays, Shimbibiris iyo dhamaystirkii ku dhamaaday baaqii Danwadaagta Bari ee ka soo baxay Garadag dabayaaqadii sanadkii 1992. Wuxuu xubin ka ahaa daminta dagaaladii sokeeyey ee Berbera laguna soo afjaray shirkii Sheikh. Shirkii dib u dejinta ee Ceerigaabo 1994, Shirkii Caynaan ee Caynabo, ololihii doorashada madaxtooyada ee 2003, ugu dambeyn shirkii horsed ee ka qabsoomay Garadag, gaar ahaan markii uu geeriyooday marxuum Suldan Maxamed Cabdi Cali, wuxuu sabab u ahaa sugida amniga shirka, iyo erigii Cusman Buurmadow, isagoo kaashanaya wax garadka beesha uu ka soo jeedo, la’antii shirku wuu burburi lahaa.

Marxuumku Wuxuu ifka kaga tegay 3 xaas iyo 9 caruura, waxaana lagu aasay magaalada burco ee gobolka togdheer 5.3.2010. marxuumku wuxuu caan ku ahaa, bashaashnimo, aftahanimo, deeqsinimo, geesinimo iyo ku dhaqanka cadaalad aan eex lahayn.

Waxa diyaariyey
Ismaciil Ducaale Cilmi
Ottawa,Canada

Posted by SomaliLand Future on 03/10 at 02:25 PM
Articles