| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 537 Total guests: 12 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 09/07/2010 05:41 pm |
|
|
News Wednesday, March 10, 2010 Shirka Buuro-Wadal Oo Meel Xaasaasiya maraya Iyo Xagle-Toosiye Oo Imanaya Maanta iyo shalayba ayaa waxaa la filayay in magaalada Buuro Wadal lagu dhaariyo golahii Khusuusida ee dhawaan laga xulay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ilaa maalintii khamiista uu ku soo kordhay buuq ka dhashay in lagu kordhiyo sadex xubnood iyo in kale. ......................... Waxaa kale oo iyana shalay subaxnimadii gaadhay magaalada Garoowe kuna sii jeeda magaalada Buura Wadal Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo wafti aad ubadan oo doraad galabnimadii ka amba baxay magaalada Buuhoodle. Shirka qaybaha hadhsan waxaa lagu turxaan bixin doonaa dhidibadana loogu aasi doonaa sidii maamulka Xoraynta iyo Midnimadu uu uga dhaqan geli lahaa dhamaanba gobolada inta iminka xorta ah, laguna xorayn lahaa inta maqan. Waxaa kale oo degaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn aad iyo aad looga hadal hayaa imaashaha Hogaanka Midaynta iyo Xoraynta Goboladan oo la filayo in uu dalka gudahiisa soo geli doona maal mahan fooda inagu soo haya si uu uga qayb qaato shirka magaalada Buuro Wadal ka socda. Hogaamiyaha hogaanka xoraynta iyo midaynta gobolada SSCda Dr. Saleebaan Ciise Axmed kaar iyo wufuud balaadhan oo hogaaminayo ayaan weli la shaacin goobta ay sida rasmiga ah ugu soo degi doonaan, inkasta oo dadka qaar sheegayaan in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug. Xaaladu si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in hogaanka xoraynta iyo midaynta goboladani si deg deg ah u soo galo dalka gudahiisa, kana soo xaadiraan shirkan beelaha ee in dhawydba ka socday magaalada Buuro Wadal, kuna dhaqaaqaan shaqadii loo doortay. Waxii war ah ee ka soo kordha shirka Buuwo Wadal waxaannu idiinku soo gudbin doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee ay nagu soo gaadho haddii eebe idmo. Widhwidh Online |