فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 207
Total guests: 10
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 03/11/2010 06:24 pm



News
Sunday, February 07, 2010
Shirgudoonka Guurtida Oo Luqmatul Xajar Uu Ku Noqday In Heshiish Ay Ka Gaadhaan Khilaafkooda

“Dadku Haday Cunto Gacanta Wada Galiyaan Calooshoodu Way Wanaagsan Tahay Wixii Hadal Ah Ee Aynu Is Odhanayno Waa Inoo Iyo Golaheeni”



Shirgudoonka Golaha Guurtida oo si wayn iskugu khilaafay isku shaandhayntii gudi hoosaadyada golaha ay ku sameeyeen gudoomiye ku xigeenada koowaad sh. Axmed sh. Nuux Fure ku xigeenka labaad Siciid Jaamac Cali taas oo gudoomiye Saleebaan Maxamud Aadan oo dalka dibadiisa kaga maqnaa wakhtigaasina uu ku tilmaamay isku shaandhayntaasi mid aanay awood u lahayn oo sharci daro ah halka ay ku xigeenaduna ku adkaysteen in awood sharci ay u leeyihiin isku badalka gudiyada golaha ay ku sameeyeen.

Guddoomiye Saleebaan iyo labadiisa ku xigeen Sh. Axmed Sh. Nuux Fure iyo Siciid Jaamac Cali oo mudo laba todobaad ah kulano turxaan bixin ah oo wada hadal ka yeelanayey khilaafka maamul ee ka dhex aloosmay awoodahooda ku wajahan isku shaandhaynta gudiyada lagu sameeyey ayaan iyagu ilaa hada gole waynaha soo hor dhigin wax natiijo ah oo ay ka soo saareen wada hadaladoodi u socday, taas oo mudanayaasha golaha uu shalay qado sharaf uu u sameeyey gudoomiye ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Fure oo lagu qabtay Huteelka Baarxaraf ee magaalada Hargeysa oo ay shirgudoonku fadhigii maalintii arbacadii golaha uga sheegeen in khamiistii shalay ay ugu soo bandhigi doonaan qodabada heshiiskooda iyo mawqifkooda ku wajahan kulanadoodii turxaan bixinta khilaafkooda ayaanay habayaraatee shirgudoonku aanay kulankii shalay ee Baarxaraf oo goluhu u dhamaa aanay wax natiijo ah kusoo bandhigin madashaasi hase yeeshee gudoomiye Saleebaan Maxamud Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Fure ayaa iyagu kulankaasi qadada ka dib mudanayaasha ku wargaliyey in fadhiga gole waynaha ay ku sii amba qaadi doonaan wixii war ah ee laga sugayo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guurtida sh. Axmed sh. Nuux Fure oo isagu qado sharaftaasi goluhu iskugu yimid marti qaadkeeda lahaa oo madashaasi erayo kooban ka soo jeediyey ayaa isagu ugu horayn isaga oo wajigiisa laga dareemayo shucuur furfuran ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “waxaan idiinku mahad naqayaa qado sharaftan sida wanaagsan ee aad iiga aqbasheen, waana Ilaahay mahadii, dadkii moodayey inaanay cidiba isku imanayn ha arkeen inaynu meel ku wada qadaynayno, wixii hadal ah ee aynu is odhanayno golaheeni baynu la tagaynaa”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan oo isaguna kulankan qado sharafta ahaa hadalo kooban ka jeediyey “sheekhu wuu ku mahadsan yahay qado sharaftan uu u sameeyey mudanayaasha Guurtida ee maanta (shalay) madashan ku qadeeyey, dadkuna haday cunto gacanta wada galiyaan calooshoodu way wanaagsan tahay wixii hadal ah ee aynu is odhanayno waa inoo iyo golaheeni”

Intaa ka dib waxa hadalo duco ah kusoo xidhay Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) Ilaahayna ka baryey in khayr iyo wanaag lagu dhameeyo arin oo dhan.

Haatuf

Posted by SomaliLand Future on 02/07 at 08:55 AM
News