Articles
Thursday, September 18, 2008
Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa shalay Soo Gaaray Magaalada Oslo Wadanka Norway.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane, Cabdirahmaan Ciro iyo ku-xigeenkiisa koowad, Mudane Cabdicasiis Samaale, ayaa shalay booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway caasimadiisa Oslo.
Waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka dayuuradaha ee Gardemoon gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee laanta Norway Mudane Sulub iyo Faadumo Madar oo ah xubin xisbiga Ucid ee laanta Norway . Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey, Wakiilka Dahabshiil Axmed Cawad, Axmed Xaji Noor iyo odayaal kale oo ka tirsan Jaaliyadda Norway.
Gudoomiyaha Wakiilada iyo ku xigiinkiisa kowaad waxay uga sii gudbi doonaan marka ay dhamaystaan booqashadooda magaalada Oslo, magaalada Saliida qaniga ku ah ee Stavanger oo ay kaga qaybgali doonaan aqoon is weydaarsi ku saabsan arrimaha shidaalka.
Gudoomiye Cabdirahmaan iyo Samaale waxay Kulan la yeelananayeen maanta oo Sabti ah Jaaliyadda Somaliland ee Norway, iyagoo warbixin ka siin doona xaalada guud ee dalka iyo dadkuba ay ku sugan yihiin.
Wixii wara ee ka soo kordha waxaan idiin balan qaadaaynaa in aan idiin soo gudbino.
Warkaasi waxaa Dalkaasi Nooga Soo Tabiyay
Mudane Xassan waraabacadde
Oslo Norway.
Wariye Mohamed Mussa Inji
Hargeysa
Somaliland
Email:
|