فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 95
Total guests: 13
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 12/03/2008 11:35 pm



News
Friday, September 19, 2008
SAFARADA MADAXWEYNAHA MAXAA LAGA FAA,IIDAA?



Marka hore waxaan halkan salaan iyo soo dhoweyn uga dirayaa Madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminayo,waxaanan leeyahay Mudanayaal ku soo dhowaada mar kale qaarada Yurub oo aad dhowr jeer oo hore soo booqateen.

Haddii aan u soo noqdo suaasha ah maxaa laga faaiidaa safarada Madaxweynaha iyo waftiyada uu hogaaminayaa ay had iyo jeer dibaha ugu soo baxaan,waxaan aaminsanahay in laga faaiido waxyaabo badan,kuwa ugu muhiimsanina waxaa ka mid ah:-


Safarka Madaxweynaha waxaa laga faaiida SAWIRO qurux badan oo lagu dhejiyo Xafiiska Madaxweynaha hortiisa,kuwaas oo loogu talo galay in aad ku nasato DAAWASHADOODA inta aad ku dhexjirto Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.


Safarka Madaxweynaha waxaa laga faaiidaa,Madaxweynaha iyo Waftigiisu waxay soo indha indheeyaan horumarka ay gaadheen Dowladaha reer Yurub,dhinaca kalena waa fursad qaali ah oo lagu soo booqdo saaxiibo ay mudo isugu kiin dambaysay.


Safarka Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa laga faaiidaa,waxaa laga nastaa qaylada iyo buuqa MUCAARIDKU ay 24 sacadood la hortaagan yihiin Madaxtooyada.

Safarka Madaxweynaha waxaa laga faaiidaa,waa fursad qaali ah oo wada hadalo lagula yeesho NGO TUUG ah,oo haba yaraatee wax ay dadka iyo dalka u qabtaan aanay jirin,balse inoo sheega in dalkeenu uu qani yahay.

Safarka Madaxweynaha waxaa laga faaiidaa Jaaliyadaha reer Somaliland oo inta badan BUUQ ka dhex abuurmo,kuna kala qaybsama la kulanka Madaxweynaha iyo Wafttigiisa.


Safarka Madaxweynaha waxaa laga faaiidaa ,waa fursad lagu raadiyo CITIRAAFKA Somaliland ,oo aan filayo in uu xilligan soo dhow yahay,sababtoo ah ,dhowr jeer ayaa Yurub iyo U.S.A loo tegay.

Safarka Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa laga faaiidaa ‘ safarkayagii wuxuu ku soo dhamaaday GUUL iyo IS AFGARAD dhamaan Madaxdii aanu la kulanay’

Safarka Madaxweynaha waxaa la faaiida RAJO WANAAG iyo in ay jiraan Dowalado fara badan oo doonaya in ay ina aqoonsadaan,laakiinse u bahaan in cidi uga horeeyso.

Safarka Madaxweynaha waxaa laga faaiidaa QARASHA badan oo ku baxa safarka balse aan keenin faaiido sidaa u weyn.

Hadal iyo dhamaan safarka Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa faaiidayaa,wixii laga faaiiday kuwii hore ee dhamaanteen aynu goob jooga u wada hayn.


soo dhowaada soo dhowaada Mudanayaal iyo Marwooyinba .


Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Posted by SomaliLand Future on 09/19 at 07:16 PM
News