فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 5
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 12:37 am



Articles
Thursday, September 25, 2008
SADEXDII MAANLAAWE EE REER SOMALILAND.


Maanlaawe1 wuxuu isugu yeedhay dhammaan reer tolkii waxaanu soo jeediyey taladii u
dambaysay waxaanu yidhi “waxaa loo baahanyahay inaynu noqono dadka ku nool
somaliland ugu yaraah badhkii, si aynu boqolka sano ee socda u hayno hogaanka
waddanka maadaama anynu noqonayno majoorati, si haddaba taasi u suuragasho waxaynu
kaga faaiidaysan karnaa diiwaan gelinta soo socota waana fursadda kelya ee aynu ku
gaadhi karno ujeedadaas maadaama ay adagtahay sida diiwaan gelin dambe loo sameeyaa
.” Maanlaawe 1 wuxuu khubaro u dirtay waddamada: Nigeria, Kenya, Simbabwe iyo
Uganda waddamadaas oo caan ku ah sida loo musuqmaasuqo doorashooyinka isla markaana
loo diiwaangeliyo dad aan jirin. Khubaradaasi waxay keenayaan tabaha iyo xeeladaha
loo diiwaan gashado dad aan jirin. Waxa kale oo taas garabsocota qalab
diiwaan-gelineed iyo kaadhahka aqoonsiga oo foojeri ah oo laga dalbay wadanka
Emaraatka. Hawshiisi aad ayey isugu dubba dhacsantahay, maanlaawe1 oo shaarubaha
miiqaya dhooshana ka qoslaya ayaa yidhi anigu mustaqbalka ayaan ka fekerayaa.
Maanlaawe2 wuxuu isugu yeedhay reer tolkii waxaanu soo jeediyey taladii u dambaysay
oo uu sheegay inuu maskaxda soo tuujiyey waxaanu yidhi “adduunkan aad arkaysaan
waxa kala wada ee lagu kala badiyey waa dhaqaale, maraykan adduunka wuu ku haystaa
dhaqaale, yuhuuddu waa lamid , si haddaba aynu dhaqaalahaas u hello waa inaynu afka
u dhiganaa $500,000,000 doolarka ay Europeanku u balan-qaadeen Somaliland shanta
sano ee socota” hadaba si taasi u suurawdo wuxuu isugu yeedhay aqoonyahankii
reerka, kuna amray inay sameeyaan hay’ado iyo NGOs lagumagacaabo khubarada
Somaliland, kuwaas oo loogu tala galay inay qaataan qandaraasyada EUda isla markaana
uruwaliba la fuqo kuus sidaasna lagu hantiyo awoodda waddanka , ninkasta oo wax is
moodana loo yeedhiyo talaabada uu qaadayo, kaasina wuu ahaa maanlaawe2 isagoo afka
taaganaya wuxuu yidhi allaylehe way isu kay saarantrahay.
Maanlaawe3 shir balaadhan ayuu wacay waayeel, aqoonyahay, wax garad iyo siyaasiba
waa ka soo qaybgalay, waxanu ku tiraabay : “ ninkastaaba ha iska hadlo waddankii
Somaliland wuxuu noqday hal kursi, wixii ka soo hadhay fujaan caaneyn waaye haday
guurti tahay, haday barlamaan tahay iyo haday maxkamadda sare tahayba, sidaa
daraadeed waa inaynu kursigaas qabsanaa kaasna nin walba oo wax ismooda sanka kaga
tolnaa, ummadda kale ee meesha inala degtana ma jiro reer aynaan abaal hore ku
lahyniye waa inaan u tal sheeganaa si ay inoo guraan xilladdeena” si taas loo suuro
geliyo waxaa la sameeyey guddi la soo xaajoota beelaha Somaliland kana hawlgasha
arinta. Maanlaawe3 wuxuu ku sii daray haddii ay sidaas noqon weydo oo ay dhacdo inay
inagu raaci waayaan dadka kale ama inoo been-guuraan sidii horeba u dhacday, waa
inaynu boqolka sanadood ee soo socda ka shaqaynaa sidii aynu u noqon lahayn jookarka
lagu kala helo doorashooyinka oo hadba ciddii aynu kaadhka saarnaa soo baxdaa, kii
aynu doonana ka ciidaynaa.Maanlaawe3 oo la dhacsan taladaa dabe gaws-dambeedkana ka
qoslaya ayaa yidhi BAADH CANAAD AYAA LA YIDHAA.

Gebo gebadii waxaan leeyahay sadexdan maanlaawe mooyee, inta kale ma dayraa, dadka
hadhay ma dumarbaa, saw sooma duulaan, dabka saw ma qaataan, oo miduun ma dooxaan.

Cartan muuse weyrax

Posted by SomaliLand Future on 09/25 at 11:37 AM
Articles