فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 5
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 06:26 am



News
Wednesday, October 15, 2008
Riyaale wuu kufsaday somaliland mana mudna madaxweyne



Somaliland Maanta isaga sheekayn mayno sidii ay ku timi iyo wixii loo soo maray ama halgankii shacbiga nadiifta ee taageeri jiray Ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga ahaa ee SNM u soo mareen Hanashada xoriyadan, Balse Isweydiintu waxay tahay Wixii laga dagaalamay maanta ma taagan tahay mise ma taagna , Jawaabtu waxay tahay wax kasta oo laga dagaalamay maanta way haystaan shacabka soomaliland.Bal Xasuustaada inyar dib u celi oo is weydii

1. Maxay ahayd sababta loo xasuusaqay shacabkii reer somaliland ee ku noolaa Gabiiley, qaarkoodna nolosha loogu gubay, qaarna inta xoolahoodii iyo beerahoodii lala wareegay ceelasha iyagoo nool loogu guray iyadoo lagu eedaynayo Waxaa ehel u tihiin Halgankii lagala soo horjeeday Siyaad bare. bal bar bar dhig ta uu hada ka sameeyo Maamulka riyaale kaahin Degaanka gabiiley iyo mujtamaca ku nool.maxay Is dheeryihiin.

2. Dadkii lagu xasuuqay Magaalada hargeysa iyadoo aan caalamka lagu arag Diyaarad magaaladii ay ka kacday Duqaysay , Xabaal wadareedyada , Malko durduro iyo daafaha magaalada ku yaal ee Daadadka roobku soo qufaan iyadoo lafahoodii.

3. Xusuus u celi dadki reer soomaliland ee inta diyaaradaha iyo maraakiibta lagala dego Inta xeebta la geeyo qoorta laga birayn jiray, waana waqtigii daahir riyaale masuulka uga ahaa berbera Hay’adii basaasnimada ee afweyne bare, Sowtii Ninkii Gorod La odhan jiray Ku geerarayey, Ninkii Godob Isaaq Doonayoow Gorod u soo Doono.

4. Maxaynu ku sheegi karaa Dadkii ay ka mid ahaayeen 17 kii Oday ee Lagu laayey Degmada sheekh. Ayna ka mid ahaayen, Ina Abees Iyo Qaasin Qodax.

5. Maxaynu ku sheegnaa inay u dhinteen 46 kii Burco lagu toogtay iyadoo loo aanaynayo waxaa ehel U tihiin SNM.

6. Maxaynu U bixinaa dadkii iyagoo nool inta berkado lagu guray Lagu aasay sidii Ka dhacday Balidhiig Iyo Degaamada Oodweyne.

7. Maxaynu U bixinaa Dadkii inta iyaga la Ururuyey Lagala degay Gaadiidka ee lagu Guray Booyado shidaal Laga shubay afkana laga xidhay ee lagu xasuuqayayey ee caynaba ka dhacday.

8. Maxaynu u bixinaaa dadkii iyagoo Nool Ceerigaabo iyo Ceel afweyn Inta la Ururiyey Lagu dul shubay Iskarogooyinka dhgaxa ah ee sidaa nafta lagaga qaaday.

9. Intaasi waa tusaale ugu yar oo muujinaya wixii laga dagaalamyey wuxuu ahaa.

10. Waayahaa Aan ka soo gudubnay Muxuu riyaale ka ahaa , halkuuse kaga jiray, Miyuuse dafiri karaa qaybta uu ku leeyahay Ku tacadigii iyo xasuuqii loo geystay shacabkan somaliland, Halkuuse kaga jiraa Buugaagta iyo warbixinaha ay qoreen hay’addaha u dooda xuquuqda dadka , Bal hada eeg Buuga áy qortay Raqiyan Omar, The goverment at war with its own People halka uu kaga jiro daahir riyaale kaahin.

Bal intaas markaan eegno aan eegno dhibaatooyinka maamulkani u geystay shacbiga reer somaliland ee xalaasha ah.

1. Maamulkana Malka durduro iyo Halgankii SNM wuu ka xanaaqaa oo waxaa tusaale kuugu filan warqadii uu daahir riyaale u qoray Maxkamada denbiyada dagaalka ee Caruusha Tansaaniya isagoo sheegaya in la isa saamaxay, sidaa aawadeed aan loo baahnayn maxkamad la keeno dadkii ka danbeeyey xasuuqii loo geystay shacabka reer somaliland; ama laga yaabo inay soo galaan Dad kale oo uu ka mid yahay si ay maxkamada horteeda u yimaadaan ,sidaa aawadeed waa ta keentay inuu Wasiirka arimaha debeda adna aadan laga dhigo oo riyaale yidhaaho iska dhigh looma baahna cajladaha xasuuqee.

2. Maamulkani waxaa Ku jira intii Cadaawada u qabtay Halgankii dalka lagu xoreeyey, ee loo adeegsan Jiray Burburinta shacbiga somaliland.iyo Intii ka qayb gashay shirarkii lagu wiiqayay Jiritaanka Somaliland ee ka dhacay wadamada jaarka ah, Sida Djibouti, Ethiopia iyo Yemen.

Maadaama oo mamaulkani Habdhaqnkiisii Hore yahay Dhashii Siyaad bare bar baariyey bal aynu maanta eegno wadankii halka ay la marayaan iyo waxa ka jira Somaliland.Waxynu Cadynaynaa Inaanu Riyaale iyo Maamulkiisu ka daacad Ahayn Somali land Ee ay u joogaan laba Sababood oo ah. Dhaqaale Urursi Iyo inayn Burtburiyaan Halgankii L a Soo galay Iyo Snm,ka dibna ay ku simaan inta Somaliya Muqdisho degayso.

DHINACA NABADGELYADA

1. Maamulkani wuxuu halis ku yahay Nabadgelyada iyo Jiritaanka qaranka Somaliland hadaan maanta laga qabana waxay keeni doontaa in wixii loo soo halgamay faraheena ka baxaan oo Hungo lala arooro.waxaa tusaale kuugu Filan .

A) Ajaanibka lagu laayey wadanak lixdii bilood ee ugu horaysay ee uu talada wadanka hayey iyadoo mudadii ay xilka qaranka hayeen labo madaxweyne oo ka horeeyey sida Cabdiraxmaan Axmed cali iyo Maxamed Ibraahim Cigaal aanay jirin Hal dil mooyaane wax ajaanib ah oo wadanka lagu dilay kaasina uu ahaa Nin jarmal ah oo uu Burco midi ku geliyey Nin waalani, hadaba intuu Riyaale talada hayey Imisa dil baa dhacay oo Ajaanib ah ,waxaa dhacay (7) Todoba dil oo ahaa dad wadanka u yimi siday wax ugu qaban lahaayen markaa meeday nabadgelyadii dalku.

SIYAASADA DHAQAALAHA EE WADANKA

Ma jirto siyaasad cad oo uu leeyahay dhaqaalaha wadanku ama horumar la sheegi karo oo xukuumadu ka samaysay sidii loo heli lahaa istiraatijiyad dhaqaale oo wadanka loo sameeyo, Waana mid loogu talo galay in wadanka lagu curyaamiyo siyaasadiisa dhaqaale, Looma ogola golaha xukuumadanaku jiraan aqoonyahankii dhaqaale ee wadanka wax u soo bartay ee dejin lahaa tub siyaasiyeeda dhaqaale ee wadanka, xitaa lama ogola ina yimaadaan Xayn daabka wasaaradaha iyo ilaha dhaqaale ee ay xirfada aqooneed u leeyihiin,waana ayaan darada maamulkan Indhaha iyo dhegaha li’i wadankeenii ku simay.

CASHUURAHA

Waxaa La gaaadhsiiyey cashuurtii wadanka heerki ugu xumaaa ee soo mara wadan jira oo xor ah,. waana ta keentay in dhaqaalihii u leexdo dekedo kale oo macmal ah ama ku yaala meelo kale , sida boosaaso iyo Djibouti iyadoo maamulka riyaale eegayo Danihiisa shaqsiga ah iyo Xisaabaha u gaarka ah ee uga furan jabouti, Sidaas waxaa ku xidhan ilaa imika dekadii Berbera ee ahayd isha dhaqaalaha wadanka iyadoo cashuurta Dekeda ka soo Baxdaa ku dhacdo madaxtooyada

TOTAL

Waa Cuna qabatayn kale oo lagu sameeyey Umada Somaliland Iyada oo Foosta kastaa ay saaran tahay Sideed Dollar (US 8,0) ayna si toos ah ugu dhacdo khasnada Daahir riyaale iyo xissbaadkiiasa gaarka ah ee ka furan Djibouti, Adis ababa Iyo Germany.Sidaa aawadeed Total maaha il dhaqaale ka soo galo somaliland ee waa kiishad kale oo riyaale leeyahay.

SIYAASADA DEBEDA EE WADANKA

Siyaasada Wadanka ee arimaha debeda hadii loo madax banaanyn lahaa Wasiirkeeda iyo dadka aqoonta u leh arimaha debeda waxaa suuragal noqon lahayd in ay keento midho dhal, wasiirkii xilka laga qaaday ee Edna Aden Oo ahayd Gabadha keliya ee lagu ogyahay Aqoon iyo daacadnimo ay u hayso somaliland nafteeda ,maalkeeda iyo waqtigeedana u hurtay wadanka,ama la keeni lahaa qof kale oo kartideedii iyo aqoonteedii leh waxay keeni lahayd horumar la taaban karo.waxaase wax lala yaabo ah in Labo qof Oo aan aqoon iyo Daacadnimo ka soo jeedin oo ah Wasiirka Maaliyada,Cawil Mucjiso iyo wasiirka sida nirgaha baadida ah isu jaqa ee warfaafinta, Cabdilaahi Dhoolayare la iska dhaadhiciyo inay wadankan horumar u keeni karayaan. waxaa sida cadceeda u muuqata inaanay wadankan la citiraafi doonin inta maamulkani talada hayo cid ku aaminaysaana aanay jirin.

ADEEGYADA BULSHADA

Ma jiro adeeg bulsho oo la taaban karo oo xukuumadani qabatay oo aan ka ahayn inay dabar goyso ama adhaxda ka jebiso wixii umadani doonaysay inay qabsato dhan kastaba,Xagee baynu odhan karnaa xukuumadani waxbay ka qabatay , ma jiro meel la tilmaami karo , Ma aragteen wadada hor marta xarunta madaxtooyada ee ah halka Riyaale xarunta u ah siday u eeg tahay , Ma eegteen Bacaha iyo maryaha calalka ah ee dul saaran Dhirta ku dhex taal xarunta madax tooyada ee riyaale degan yahay, Ninka bacdaas ka gura odhan kari waayey qaadka askartiisu ka cuneen u malayn mayno inaan ka sugayno inuu qaran Horumar gaadhsiiyo.

CAAFIMAADKA:

Wax ay xukuumadani ka qabatay ma jiraan , Xaga tababarka shaqaalaha wasaarada ama kordhinta adeega ee cusbitaalada dalka waxyeelo ay u geysato iyo Hubkii loogu talo galay in cadawga lagu burburiyo ooay u adeegsato mooyaane , Waxaynu ka akhrisanay jaraai dka dayaca ka muuqada cisbitaalada dalka aawadood in cisbitaalka hargeysa la keenay nin u baahnaa in qaliin lagu sameeyo, hadaba markii qaliinkii loo diyaariyey halkii lagaga mudi lahaa irabada suuxinta ee dadka marka la qalayo lagu mudo Ninkii lagu muday Irbada dumarka foosha ka soo dhowaysa ama radiidka ku kordhisa Ninkiina uu u dhintay sidii uu u ducanayey Sidii qof haweeney oo uurleh, waana ayaan darooyinka maamulka iyo ka war hayn la aanta Goobaha caafimaadka dalka,Markaa Tolow Xukuumadu xagee wax ka qabatay Ma waxay odhan doontaa Edna Hospital anagaa dhisnay,Waa yaabe Taaas Ma sii eegan karnaa Mudada u dhiman, miyaynuse sugi karaa.

BIYAHA:

Maanta isaga sheekayn mayno Dhibaatada biyo la aantu ku hayso Umadeenii Iyo hagardaamada Xukuumadu u geysatay shacabka somaliland,Bal hada eeg shacabkii Hargeysa waxay ka cabayaan biyaha dooxa wasakhaysan ee daadku keenay markii roobku da ay, Daahir riyaalena waa maqlayaa markay wadada guriga madaxtooyada hor marta dadku la marayaan caagada iyo shirikaamada ay ku doonayaan biyaha dadka maatada ah ee aan awoodin inay helaan dhaqaale u saamixi kara inay ku samaystaan ceelal biyood u gaar ah, wuuna ku farax sanayahay oomanaantooda waayo wuxuu aaminsanayhay Inaanu qofku markuu ooman yahay ama gaajoonayo aanu maqlin xanta, sidaa aawadeed intay siyaasadiisa ku mashquuli lahaayeen wuxu is leeyahay ku jeedi biyo la aanta iyo oonka , xisaabtase kumuu darsan in marka lo.du gadoodo ee biyo waydo ay darka jiidho.Mida labaad waxaan Ognahay, In xukuumada riyaale ay leedadaay, wasiirka macdanta iyo biyaha, wasiiru dawlaha macdanta iyo biyaha, Wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha, agaasimiha guud ee wasaarada macdanta iyo biyaha, iyo weliba maareeyahaya wakaalada Biyaha ,Dadkiina waa ooman yahay miyaynu qaadan karaa, waa maya , Laakiin dhibtaasoo jirta halkuu wax ka qaban lahaa riyaale wuxuu u samaysata wakaaladii biyaha ,xisaabiye kale oo la yidhaaho xisaabiyaha Idman oo isaga u soo xereeya dhaqaalaha ka soo baxa biyaha hargeysa. Waa kaas wax qabadka Riyaale.

WAXBARASHADA:

Ma jiro adeeg waxbarasho oo muuqda oo xukuumadu qabatay dhibaato ay u geysato iyo waxyeelo mooyaane iyada oo iibisay qaar badan oo ka mid ah dugsiyadii iyo iskuuladii wax lagu baran jiray si ay xukuumada riyaale dhaqaale u hesho,Waxaana xukuumada riyaale iibisay 9 School intii ay talada qabatay iyada oo lagu shubay khasnada riyaale e gaarka ah, ma kuraasida iyo jiingada ay hay adaha ajaanibka ahi mar mar dugsiyada qaar ugu deeqaan baynu odhan karaa xukuumadaa bixisay waa maya,Mida kale mushaharka madaxweyne riyaale wuxuu dhisi karaa sanadkii ugu yaraan 52 dugsi ama iskuul iyo macalimiita wax ka dhigaysa shan bilood mushaharkoodii. Waa kaas riyaale

WADOOYINKA:

Waxba kamay qaban Xukuumada riyaale wadoonkii dalka ka jiray bal eega wadooyinka caasimada magaalada hargeysa siday yihiin, weli ma ka soo dhaadhacday idaacada adigoo gaadhi wata, ma aragtay wadada biibsiga tagta ma aragtay wadada cabaaye ka dhacda, ma aragtay wadada sheekh madar tagta,bal eeg wadada isku xidha berbera iyo hargeysa, boorame iyo dila, burco iyo ceerigaabao, Wax allale wax ay wadanka u qabatay miyaynu haynaa waa maya

MASAAJIDADA:

Masaajidada wadanka siiba kuwa hargeysa badankooda waxa biyaha ka bixiya ganacsato ilaahay dartii geysta iyo Bulasha islaamka ah ee ku tukata somaliland, Ma hayno hal masjid oo xukuumadu ka bixisay biyo ama laydh,iska daa masaajid ay wadanka ka dhistee waxay bilowday khilaaf diimeed oo rasmi ah iyo dagaal ay ku hayso diintii islaamka ,si loogu mashquulo khilaaf diimeed oo wadanka ka taagan,waxayna maraysaa in ay tidhaaho ayaan dhow masaajidada eedaankooda hoos ha loo dhigo iyo culimo la qab qabto oo la xidho, waxaana ugu danbeeyeysay tii lagu sameeyey Gudigii xuma ka reebista iyo wanaag farida oo ahaa dad ilaahay hortii isu xilqaamay

GAROOMADA CIYAARAHA:

Ma jiro garoomo ciyaareed iyo goobo loogu talo galay in ay dadku isugu yimaadaan si dhalinyarada soo kacaysa looga mashquuliyo dhibaatooyinka iyo balwadaha kale ama ay u noqdaan xidigo soo baxa oo ku biira caalamka ciyaaraha , haday tahay kuwa fudud iyo kubada gacanta iyo kubada cagtaba, taas bedelkeedii xukuumadu, waxaya iibsatay Garoomadii kubadaha ee magaalooyinka waaweyn. Waxaan ka quustay Xukuumadan Wasiirkeedii ciyaaruhu u jawaabayo Puntland iyo somaliya Iyadoo wasiirkii gaashaandhigu joogo, Waxayna ku tusaysaa cuqdada qabyaaladeed ee yuururta Daahir riyaale iyo xukuumadiisa taas oo ah In Nin kasta laga hor geeyo beeshii uu ka yimi, halkii ay ahayd inuu ku beegnaado shaqadiisa. Waa kaas riyaale iyo Siyaasadiisii.

GARSOORKA IYO CADAALADA:

Ma jiro garsoor iyo cadaalad sugan oo wadanka ka shaqaynayaa cadaalad darada iyo dulmiga ka dhacaana ma jiro caalamka meel uu ka jiro, garsoorayaasha joogaaa, maaha qaar ka baqaya waxa ay samaynayaaan waxa uga imanaya waayo waxay ogyihiin ka soo magacaabay ee keenay isba waxa uu yahay, waayo isagay ka iidaad haystaan, Imisa ku dulman oo xaqiisii la qaatay oo cid u hiilisi waayey, imisaa hantidiisii qoraal maxkamadeed lagaga xukumay, imisaa dhulkiisii go aan xukuumadeed iyo garsoore ka xanibeen, Dulmiga halkaa ka yimaadaa Maalinta aakhiro iyo ifkaba wuxuu saaran yahay Daahir riyaale kaahin , waayo isagaa soo qoray Xaakimadan aan waxba ku xukumaynin wixii ilaahay soo dejiyey.

XUQUUQDA AADAMAHA IYO XORIYADA HADALKA:

Ma jirto teelo ay xukuumadani u dhigatay,Xuquuqda dadka iyo xoriyatul qawlka waxaa ku tusaya tacadiga maalin walba ay u geysato shacabkii somaliland , saxaafada , madaxdhaqameedyada, iyo xisbiyada mucaardaka ah laftooda,waxayna ku tusaysaa sida xukuumadani ugu tumatay ee u kufsatay Dastuurkii somaliland, Tusaale ahaan, Xadhigyada lagula kacay , weriyayasaaha iyo tifatirayaashii wargeysyada,Sida Xasan siciid ,Jamhuuriya, Habane, haatuf, iyo qar kaloo badan, Xadhigii , Boqor buur madow, Boqor Raabi, iyo deedafaynta shaqo ee Xaaska Gudoomiyaha xisbiga kulmiye , xadhigii Madaxda Ururka Qaran, Xadhigii gudoomiyaha HAATUF Yuusuf Cabdi gaboobe, waxay cadaynaysaa inay Jiraan In badan oo kale oo aan Muuqan oo bulshada ka mid ah oo maamulkani dhibaato ugu geyso ama ugu xidho goobo badan oo ka mid ah wadanka.

Mana Jirto xuquuq Distooriya iyo Qawaaniin Ay dhawrayaan,Xisti iyo shareeco toona.

Hadal Iyo dhamaantii daahir riyaale Wuu kufsaday Somaliland mana mudna in la yidhaaho madaxweyne , waa in Labada gole isu tagaan Xilkana ka qaadaan sida ugu dhaqsaha badan hadii la doonayo in somaliland la bad baadiyo.

Wa bilaahi tawfiiq

Mubaarak Mohamed Nuur Qoorubaxay

Posted by SomaliLand Future on 10/15 at 03:35 PM
News