فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 10
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 09:12 am



Articles
Wednesday, September 03, 2008
Riwaayadii Siyaad Alifay

Mubaarak Mohamed Nur “Qoorubaxay”



Waxay waayuhu ina barayaan inaan ka sheegno dhacda kasta iyo tagtadeedii sida aan u dhigi karno ee xaqiiqa ugu dhow si ay u noqdaan wax uu liqi karo maanka qofka bini aadmaiga ee uu u gaajaysan ogaanshaha wixii ka horeeyey hamuuntana u qaba hilaadinta mustaqbalka ay ku yaalan karto, hadaan ka gudbo arartaa gaaban waxaan u gonda degayaa nuxurka kooban ee aan doonayey inaan u galo oo ah ,waxay ahayd bishii oktoobar sanadkii 1989-kii markii anigoo fadhiya xaruntii Ururka Dhalinyarada somaliyeed ee muqdisho oo xarun u ahayd kooxdii aan ka tirsanaa ee Danan muqdisho sheekona na dhex marayso niman aanu saaxiib ahayn oo kala ahaa axmed siciid Diiriye (axmed tacab), Xasan kulane weheliye iyo maxamed maxmuud jeyte oo ka tirsanaa kooxda uu noo yimi gaadhi ka mid ah gawaadhida xarunta madaxtooyada ee siyaad bare oo uu la socdo abwaankii weynaa ilaahy ha u naxariistee Xuseen aw faarax iyo nin la odhan jiray Xasan suudi xirsi oo gudoomiye ku xigeen ka ahaa hogaankii abaabulka iyo kicinta ee xisbiga iyo qaar ka tirsan ilaalada madaxtooyada ee loo yaqaan koofiyad casta,waxaa noo soo degey xuseen aw faarax noona sheegay in abwaanada kooxda laga doonayo xarunta madaxtooyada oo siyaad bare na doonayo sidaa aawadeed waxaanu ku raacnay aniga Mubaarak Mohamed nur oo markaa kooxda la iiga yaqaanay Qawdhan ,Axmed siciid diiriye ( Tacab baa tanaad leh) iyo cabdi tahliil warsame oo deganaa meel aan ka fogayn Xarunta kooxda deganaa waxaanuna raacnay gaadhigii uu la socday Xuseen aw faarax e eka mid ahaa dhawrkii gaadhi ee xarunta siyaad loogu jeclaa ,waxaanu galay xarunta madaxtooyada goor fiid ah waxaana naloo baadhay si caadi ah waxoogaa ka dibna waxaanu kalay qol hool ah oo leh barsad kale oo qol kale ku sii dhexyaal oo hadana barsad kale leh mise waxaa fadhiya halkaas madaxweynihii Soomaaliya Mohamed siyaad bare oo ah nin wax badan lagu xasuusto ay ku hareeraysan yihiin kuraasi uu ugu talo galay inuu nagu qaabilo oo gaadhaysa ilaa 19 kursi oo ku wareegsan miis weyn ,siyaad bare waxa dhinaca midig ka fadhiyay xasan suudi xirsi waxa ku xigay Maxamed cali kaariye ,axmed nuur yuusuf,axmed naaji, cabdilaahi diiriye sooraan,Maxmuud tukaale cismaan ,axmed siciid diiriye ,cabdi tahliil warsame waxana ku xigay aniga oo weji quman oo toos ah siyaad bare ugu beegnaa , dhinaca bidix waxaa ka fadhiyay General Maxamed Nuur shareeco,waxa ku xigay xuseen aw faarax Maxamed Maxamuud qaaqaa iyo abwaaniin kale oo aanan hada xusuusan.

Ujeedada shirka (kulanka) shirka ujeedada ugu wayni ee keentay waxay ahayd ka dib markii uu maxamed nuur shareeco u tegey siyaad bare una sheegay in riwaayada 21-ka oktoobar oo sanad walba ay sameeyaan hoobalada qaranka ee waaberi ee sanadkaa la soo bandhigay ay tahay mid Anti (lid ku ah maamulka) ah oo ka soo horjeeda sifihii kacaanku doonayey oo ay tahay mid kicinaysa dareenka shacabka kana hor keenaysa maamulka ee wax laga qabto oo la joojiyo ,tala soo jeedintaas oo siyaad bare aad ugu qushuucay oo uu ku qancay erayada riwaayada heesaheeda ama geeraaradeeda ku jiray ee siyaad loo geeyey sawirkana laga siiyay waxay ahaayeen kuwo ka hadlaya waaqica dalku ku sugan yahay iyo sida aan la isaga indha tiri karin suugaan ku salaysan xaalada uu markaa dalku marayey. waxaa ka mid ahaa wixii waaberi ka hadleen waqtigaas

Dulmi uu nin falay

ka ka dirirayee ka dagaalamoow

Midnimada darteed dakanada iloow,

Midka lagu daniyey

inuu durugsadoow

Adiguna ka daa

Danyartiyo bulshadu

way ku diidantee,

waxaa kaloo Ka mid ahaa wax U dhow ama ugee

Midaan doorkan maanta ah

irbad aan dun gelin karin

Maxaa derajo lagu raray.

Furitaankii shirka

Waxaa furay hadalkii maxamed siyaad bare oo aad ugu dheeraaday waayihii ay soo wada mareen kacaanka iyo sidii fanaaniintu uga qayb qaateen horumarka bulshada soomaliyeed ee dhinaca wacyigelinta iyo sida loogu baahan yahay maanta in ay is barbar tagaan maamulka oo ay la soo gudboonaadeen waayo qalaf sani sidaa aawadeed waxu codsaday in looga waramo halka ay maryso riwaayadii loogu talagalay munaasabada 21 ka oktoobar ee bulshada caalamka masuuliyiin ka socotaa ka soo qayb geli doonto,waxaa hadalkii u baxay maxamed cali kaariyo oo ka sheekeeyey sidii ay ahayd iyo in riwaayadu u qaybsantahay sadex qaybood oo kala ah Sooyaal,sixitaan iyo saadaal ,sidaa aawadeedna ay dhan tahay waxa keliya ee ay u xaniban tahayna ay noqotay kharash la’aan iyadoo riwaayada loogu talo galay inay ku baxdo 10 milyan oo shilinka soomaaliga ah oo markaa ahayd lacag aad u badan hase yeeshee la waayey meel laga sarifo jeegii lacagta ahaa waayo waxaa jirta lacag la’aan ka jirtay bankiga qaran oo laga waayay lacag ,waxaase hadalkii ka dhex galay siyaad bare oo waydiiyay maxaad suuqa bakaaraha ula tegi waydeen ee uga sarifan weydeen waxayse noqotay su’aal jawaab loo waayey dal madaxweynihiisii leeyahay maxaad suuqa madaw uga sarifan waydeen halkii laga dejin lahaa qorshe dhaqaale oo bulshada laga saaro mishkilada xaga lacagta ka haysatay, wayse iska cadayd inaanay goortu goor ahayn maamulka iyo kala danbayntuna faraha ayay kas ii baxayeen wadanka soomaaliya guud ahaantii. Iyadoo sheekadii socoto siyaad barane marba isku bedelayo beeb madow oo buuri ku jiro iyo kafee madow ayaa wuxuu u yeedhay inan ka mida ilaaladiisa wuxuuna faray inuu ragan u keeno waxay cabaan Inankii ilaalada ahaa ayaa wuxuu noo keenay shaah bigaysa (waxa keliya ee siyaad lahaa ee aan cabay weligay ) oo aan cadays lahayn wuxuuse siyaad waydiiyay inankii sababta uu shaaha nimanka uga soo cadayn waayey wuxuuna inankii ku jawaabay: jaalle Madaxweyne cadayskii baa go’ay, Shareeco oo markaa ag fadhiyay Madaxweynaha dhiniciisa midig ayaa yidhi Aniga isbarmuuto ii keen Markii hadalkaasi ka soo dhamaaday ayaa siyaad bare u eegay Eegmo libaax dacawo ku eego wuxuuna raaciyay hadal u dhignaa Sidan: Imaanka lagaa qaad waar maxaad u cabi wayday waxa saaxiibadaa cabayaan umadaasaanu leenahay ha isku mid noqoto, anaguna qosol gaaban ayaanu raacinay kulankiina halkiisii ayuu kas ii socday. markii waqti badan aanu fadhinay abwaanadii meesha isugu yimina ka hadleen sida wax loo alifo marka ay tahay munaasbadaha cayn kale ah ayaa aakhirkii waxa siyaad bare soo jeediyey in uu isagu ay la tahay in riwaayada laga saaro wixii loo arki karo dhaliil maamul lakuna koobo damaashaad iyo dabaaldega oktoobar .Markii halkaa ay maraysay ayaa maxamuud tukaale weydiiyey hadii siyaad bare ay la noqtay inaan laga hadal waxa jira in uu loogu yeedho qolyaha ciyaaraha iyo hidaha iyo dhaqanka (Facklord dances) si ay ugu ciyaaraaan kabeebay, beereey iyo walasaqo, riwaayadana la iska daayo gebigeeda, hadalkaasi wuxuu noqday mid aan u qudhqudhsamin siyaad bare wuxuuna sheegay inaanu ku qanacsanayn.

Arin kale oo iayna dhacday waxay ahayd markii ilaahay ha u naxariistee Axmed Nuur yuusuf oo ka mid ahaa abwaanadii meesha yimi uu is tusay inuu madasha iskaga tago maadaama waxa meesha yaali aanay ka turjumayn xaqiiqa iyo dareenka waaqiciga ah ee markaa umadu maraysay, wuxuuna ka codsaday siyaad bare inaanu arimahan la riwaayada la soconin ee ay tahay mid ay abwaaniinta hobalada waaberi wadeen oo aanay waxba kala soconin abwaanada kooxaha kale ee qaranku . teeda kale uu ka qaybgelayo siminaar xisbiga al ba’ath ee ciraaq leeyahay ee la fasaxo, arintaas oo siyaad aanu jeclaysan . Axmed nuur yuusuf markuu arkay inaan siyaad bare la dhacsanyn hadalkiisa ayuu ku adkaystay wax kastaa ha ku dhaceene inuu yidhaaho Mudane maxadweyne waxaan u baahanahay inaan shaqada ka tago maadaama oo aan ah xildhibaan ka tirsan golihii loogu yeedhi jiray Golaha shacabka sidaa aawadeed waxaa siyaad bare ku yidhi axmed nuur yuusuf si cadho weyni ka muuqato waar na dhaaf alla iimaanka kaa qaadye.

Wax dood iyo hadal la isu celiyaba waxay noqotay in riwaayadii uu mu’alif ka nqodo siyaad bare iyo shareeco. Waxana dhacday in meeshii shareeco codsaday in heesta ugu horaysa loogu magacdaro inan uu dhalay oo la yidhaaho samawada heestaas oo la odhan jiray:-

Samawadaay Oktoobat Siyaadoow
Sidaa si leeg malaa afkeena waxaa Laga Sugayaa Inaynu Ninaadhno Maanta Samawadoow Riyaaloow UDUBeey.
Mubaarak Mohamed Nur
qoorubaxay

Posted by SomaliLand Future on 09/03 at 03:22 PM
Articles