| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries
»Qaraxii Habeen Hore Ka Dhacay Laascaanood Ee Uu Ku Dhintay Ninkii Fulinayey Oo Shaaca Ka Qaaday.....
![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 207 Total guests: 10 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 03/11/2010 06:23 pm |
|
|
News Saturday, February 06, 2010 Qaraxii Habeen Hore Ka Dhacay Laascaanood Ee Uu Ku Dhintay Ninkii Fulinayey Oo Shaaca Ka Qaaday..... Goobtii Waxa Laga Helay Documentiyo, Mobile Iyo Remote-ka Loo Isticmaalo In Laga Maamulo Qaraxa, Horta Qaldaa Ma Qaldamo” Wasiirka Daakhiliga C/Laahi Ciro Qaraxii Habeen Hore Ka Dhacay Laascaanood Ee Uu Ku Dhintay Ninkii Fulinayey Oo Shaaca Ka Qaaday Ciddii Qaraxyadaa Argagixiso Daaha Dabadiisa Ka Hagaysay Iyo Cadaymaha Ay Ciidamada Amaanku Gacanta Ku Dhigeen Qarax xoogan oo la sheegay inuu ahaa miinada nooca lagu qarxiyo Rumuut-ka oo habeen hore gilgilay badhtamaha magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa goobtii qaraxaasi ka dhacay waxa loogu tagay nin mayd ah oo la sheegay in uu isagu goobtaasi dhigayey. qaraxaasi oo dhacay abaaro todobadii fiidnimo ee habeenkii khamiistii kana dhacay badhtamaha magaalada Laascaanood ayaa ka dib waxay ciidamada amaanku isku xeereen xaafadaha ku wareegsan goobta qaraxu ka dhacay taas oo subaxdii waabarigii khamiisti shalay ay ciidamadu goobtii qaraxu ka dhacay ay ugu tageen ninkii dhigayey aaladaasi qaraxday oo mayd ah isla markaana qaybtiisa sare ee jidhka gaar ahaan wajiga ay googa’een wasiirka arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) oo oo isagu hogaaminaya wafti ka socda xukuumada Somaliland oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo todobaadkab horaantiisii u kicitimay magaalada Laascaanood oo wakhtigan xaadirka ahna ay ku sugan yihiin oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Laascaanood ayaa sheegay qaraxan inuu ku dhintay qofkii damacsanaa inuu fuliyo qaraxa, isagoo intaa ku daray in ciidanka amaanka markii qaraxu dhacay habeen hore ay isku xeereen goobtii isla markaana gaadh culus ka galeen, balse markii waaga baryey goobta qaraxu ka dhacay loogu tagay maydka ninkii dhigayey walxaha qaraxa oo qaarka sare ee jidhkiisu googay. Sidoo kale waxa uu wasiirku intaa raaciyey in goobtaas ay ka heleen Document, Mobilel iyo Rimuudka loo isticmaalo in lagu maamulo walxaha qarxa. Wasiirka Daakhiliga ayaa tilmaamay inanay maydka qofkan wali aqoonsan sababo la xidhiidha nabaro waawayn oo wajigiisa iyo qaybaha sare ee jidhka ka soo gaadhay haatana ay bilaabeen baadhitaan. Wasiirka Daakhilaga C/llaahi Ismaaciil Cali Ciro, isaga oo xaalada qaraxaasi sida uu u dhacay ka waramayaana waxa uu yidhi “ qaraxan oo xalay (habeen hore)ka dhacay magaalada Laascaanood islamarkiiba goobtii qaraxa ciidanka ammmaanka ayaa gaadh ka qabtay, markii waagu baryayna waxa goobtii loogu tagay Maydka ninkii damacsanaa inuu fuliyo qaraxa oo qaarkiisa sare googo’ay nabarada waaweyn ee soo gaadhay awgeed laakiin goobtii waxa laga helay Ducmentiyo, Mobile iyo Rumuut loo isticmaalo in laga maamulo qaraxa, inkasta oo aan la aqoonsan ninka Meydka ah, balse baadhitaanku waa socdaa” ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray “horta qaldaa ma qaldamo, dadweynaha Ilaahay waa ka aqbalay ducadii ay masaajidada kaga ducaysteen in Ilaahay qabto cidda qaraxa wada, markaa dadku aad bay u fejigan yihiin waananu u sheegnay in waxan oo kale marka ay arkaan aanay u dhawaan” Sidaasi ayuu yidhi wasiirka Daakhiligu. Dhinaca kale ilo wareedyo aanu ka helnay dad ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo sheegay in ninka maydka ah ee aaladaha qaraxyada dhigayey laga helay cadaymo muujinaya cida qaraxyadaa soo abaabushay isla markaana ka danbaysay, hase yeeshe si rasmiya shaaca loogama qaadin cida raadkaasi qaraxyada ah uu galay iyo kooxda soo abaabushay sumadeeda iyo magaceeda toona, balse tibaaxo aanu helnay ayaa noo sheegay in ciidamada amaanku ay heleen xog rasmiya oo ku wajahan qaraxyadii hore iyo qaraxan ugu danbeeyey kuwaas oo mudooyinkii ugu danbeeyeyba si xidhiidha uga dhacaayey magaaladasi Laascaanood oo intooda badan dhimasho iyo dhaawac loogu gaystay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ciidamada qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka. Haatuf |