Articles
Monday, October 20, 2008
ORODYAHANKA DALKA INGIRIISKA EE SOMALILAND U DHASHEY OO TARTAN ORODKA 10KA KM AH KU QABANAYA GABILEY
ORODYAHANKA DALKA INGIRIISKA EE SOMALILAND U DHASHEY OO TARTAN ORODKA 10KA KM AH KU
QABANAYA GABILEY
Orodyahanka caanka ah ee tartanada orodada caalamiga ah usafta dalka ingiriiska Mr
Maxamad Faarax oo u dhashay dalka Somaliland ayaa markii u horeysey soo bandhigey
inuu qabanayo tartan wareeg orodka 10ka Km ah oo ay ka qeyb qaadan doonaan in
kabadan boqol orodyahan,oo kakala socda labada Gobol ee Maroodi jeex iyo Gabiley.
Wareegan oo sida uu sheegay Mr Maxamed Faarax lagu gudoon siin doono tobanka
orodyahan ee ugu horeeya kaalinta koowaad abaal marino isugu jira qalabka isboortiga
orodka iyo qadar lacag ah ayaa lagu wadaa in uu maanta axada sitoosa uga bilaabmo
magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.
C/risaaq Xasan Bidaar oo ah Xubnaha qurba jooga reer London ee ciyaaryahanka lasoo
abaabuley Tartankan Wareega 10km ah ayaa sheegay in abaal marinta Orodyahanka
Maxamed Faarax ee u dhashey dalkan Somaliland uu wareegan ugu tala galey ay tahey
mid qiimaheedu adag yahey,taas oo ujeedadeeduna tahey sidii loogu dhiiri galin lahaa
dhalinyarada Orodka xiiseysa oo mustaqbalka laga yaabo hadii ay kaalin wanaagsan ka
gaadhaan orodka iney dalkooda Somaliland usoo jiidaan sumcad aad u weyn.
Waa markii labaad ee wareeg Tartanka Orodka 10km ah lagu qabto Gobolka
Gabiley,iyadoo Wareegii kan ka horeeyey lagu qabtey wakhti imika mudo kooban laga
joogo,hase yeshee wuxu wareegani kaga duwan yahey kaa hore waxa ka mug weyn dhinaca
abaal marinada oo kabadan kuwii hore.
Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email:
|