فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 537
Total guests: 11
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 09/09/2010 01:02 pm



News
Thursday, February 25, 2010
Mudane Abshir Xasan Oo ha Masuul Kulmiye ah Yuu U Xidhan yahay?


Abshir Hassan Xaashi oo ka tirsan Xibiga Kulmiye ayaa wali xidhan, Mana cadda sababta uu u xidhan yahay Xukuumada Somaliland wax faahfaahin ah kama bixin xidhitaankiisaa. Xisbiga uu ka tirsan yahay ayaa ka hadlay xadhigiisa, waana markii labaad ee xabsiga loo taxaabo. Isaga oo markii hore xidhnaa muddo Sideed bilood ah, kuna xidhnaa xabsiga Mandheera.

Gudoomiye Siilaanyona ayaa shalay isku dayey in uu xabsiga ku booqdo, mudane Xaashi, si uu u arko, waase loo diiday. Guddoomiyaha ayaa u arkay arrin aan xaq ahayn xahiga iyo diidmada loo diiday booqashada Abshir Xaashi, labadaba, isaga oo ku tilmaamay go’aan qaldan.

Kusimaha Taliyaha Booliska Mudane Shiil ayaa yidhi “Ninkaasi annaga nooma xidhna ee cid kale ayaanu u haynaa.” Masuulku ma caddeyn cidda ay u hayaan waxa uu yahay. Waxaa la sheegayaa in Mudane Abshir la jidh-dilay, midaas oo hay’adaha xuquuqda aadamiga ku hawlagala magacoodu ay aad uga welwelsan yihiin.

Wixii war ah ee Cusub kala Soco Somalilandfuture Online

Posted by SomaliLand Future on 02/25 at 10:09 AM
News