| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 537 Total guests: 11 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 09/09/2010 01:25 pm |
|
|
News Wednesday, February 24, 2010 Marwo Qadan Cismaan Oo Ka Soo Noqotay Geneva Hawl Xisbina ka soo fulisay Laamana Ka Soo Furtay.
Marwo Qadan oo ah masuuliyad ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka soo noqotay dalka Belgium iyada oo halkaas ka soo furtay laamo iyo waaxyo u hawlgala xisbiga Kulmiye, waxa ay sheegtay Marwo Qadan in ay tahay waajib in hawlaha xisbiga qof waliba ka hawlgalo. Waxa ay sheegtay in sidoo kale aynu dhamaanteen u nahay danjire dalkeena Somaliland, waxaana waajib ah, sumcada iyo waxqabadka dalka in aynu u wada hawlgalo, midaas waxaa la mid ah ayay sheegtay. “ In maadama aynu xisbi ka mid nahay, waxa waajib ah, in aynu dhamaanteen meeesha aynu tagno iyo halka aynu joognaba, niyada ku hayno, u guntano, u hawl u shaqno, sidoo kale xisbiga wax ku soo biirin karno.” Waxa ay intaas raacisay, “ Annigu hawsha markaan gudanayey, waxaan u tagay dalkaas shaqo iyo ganacsi, waxaana arkay fursadaas xisbiga uga banaan, waxaan la kulmay dad xisbiga u dedaalayaa, waxaan dabadeed kala qaybqaatay farxada ay ku kulmayaan. Waxaanse hawshaas iminka u dhaafayaa in ay ka dabo-tagaan qolayaha masuuliyiinta ah ee qaabilsan hawlahaas iyo shaqooyinka xisbiga ee dhinacaas. Wixii taageero ah waan la barbar taagnahay anniguna, waana ogahay in ay yihiin masuuliyiin ka soo bixi kara xilkaas.” Marwo Qadan hawlo badan iyo shaqooyin badan ayay xisbiga kulmye u qabatay intii ay joogtay halkan, waxayse wakhti badan u hurtaa, taakulaynta iyo caawimada mashaariicda iyo horumarka guud ee dalka. Arrimaha lagu xusuusta mudan, waxaa ka mid ah, in Marwo Qadan, si shaksi ah u gargaartay dhalinyaro danyar ah oo Jaamacada Hargeysa dhigata, waxayna ka bixisay fee-gii Jaamacada, daryeel gaar ahna waa la barbar taagan tahay xubnahaas ardayda ah. Waxaa weliba ay aad u taageerta dadyowga tabaalaysan ee wax ku soo noqday dagaalada Koonfurta ee ku sugan dalka Somaliland. Marwo Qadan iminka waxay si mug leh uga dhex muuqataa Xisbiga Kulmiye ee Yurub, gaar ahaan dalka Ingiriiska, waxaanuna waydiinay, ma u muuqataa in aad iminka dhinaca siyaasada u janjeedhid? waxayna ku jawaabtay “ Annigu taageere Xisbi ayaan ahay, waxaan ahayn waajibkaygana ma qaban, waana hawl qof kasta oo xisbi taageera looga baahan yahay, waxaana aaminsanahay, in dalku is-bedel u baahan yahay, is-bedelkaasna Kulmyaa haya”.
Wixii war ah iyo macluumaad kala xidhiidh Somalilandfuture Online
|