| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 95 Total guests: 3 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 12/04/2008 01:30 am |
|
|
News Thursday, September 18, 2008 Maayar Cusub oo la doortay Gabiley iyo Maayarkii Hore oo Baxsaday Shir aan caadi ahayn oo ay shalay isugu yimaaddeen Golaha Degaanka Gabiley, ayey xilka kaga xayuubiyeen Maayarkii degmadaas Mr. Xuseen Maxamuud Jameeco, isagoo fadhiga maqan. Fadhiga xilka lagaga qaaday Mr. Jameeco oo uu guddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Degaanka Gabiley Mr. Cabdirisaaq Sh. Aadan Cali oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dawladda hoose, isla markaana ay ka qaybgaleen 19 ka mid ah 21ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay golaha degaanka Gabiley, isla markaana mudanayaashu foodda isku dareen dood aad u adag oo la isku mari waayey cidda lagu beddelayo maayarka xilka laga qaaday, jagadaas oo ay isu soo taageen laba murrashax oo kala ah; Md. Aadan Muxumed Bade iyo md. Cabdiqaadir Axmed Giriig, kuwaas oo loollan culus u galay hanashada xilkaas. Haseyeeshee, dood dheer waxa cod gacan-taag ah xilka Guddoomiyaha Golaha Degaanka Gabiley loogu doortay Md. Aadan Muxumed Bade oo helay 9 cod, halka murrashaxa kale ee la tartamayey uu helay 8 cod. Waxa kale oo shirkaas xilkii maayarnimo iyo xubinnimadii golaha degaanka Gabiley lagaga xayuubiyey Mr. Xuseen Maxamuud Jameeco oo ka maqnaa fadhiga shalay xilka lagaga qaaday, isla markaana aan ilaa hadda la ogayn jaan iyo cidhib meel uu dhigay, iyadoo wararku tibaaxeen inuu ka baxsaday xadhig loo diyaariyey. Xil-ka-qaadista Mr. Jameeco ayaa ka dambaysay fadeexado musuqmaasuq oo baryahanba hadheeyey dawladaha hoose ee degmooyinka Gobolka Gabiley, iyada oo hawlo baadhitaan oo uu hanti-dhawrka qaranku ka wado deegaanadaasi lagu xidhxidhay xoghayayaala iyo shaqaale ka tirsan dawladaha hoose ee Gabiley iyo Wajaale. Waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in Mr. Xuseen Jameeco loo diyaariyey waaran lagu qabanayo, balse ay suurtagal noqonweyday in la xidho isaga oo xilka haya, sidaa daraadeedna mooshinka xilqadaastiisa ay ka dambeeyeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha oo Salaasadii doraad ka joojisay awoodihii saxeex ee uu lahaa. Xigasho: Golisnews.com |