فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 95
Total guests: 8
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 12/04/2008 01:33 am



News
Saturday, September 20, 2008
Maamulxumo Soo Wajahaday Qorshihii Diiwaangalinta Codbixiyayaasha


Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa ku guuldaraystay in ay xiligii uu sharcigu tilmaamayay bilaabaan hawsha wacyigalinta diiwangalinta codbixiyayaasha, taas oo uu xeerka diiwaangalintu dhigayay bil kahor maalinta loo asteeyay diiwaangalinta cod bixiyeyaasha.

Maalinta loo cayimay in diiwaangalinta codbixiyayaasha dalka laga fuliyo oo ah 14ka bisha October ee fooda nagu soo haysa ayaa komishanku dib u dhigeen in ay 14kii bishan September ay bilaabaan wacyigalintii, waxana ay sheegeen in ay bilaabayaan 20ka bishan, taasi oo ka hor imanaysa sida uu xiirka diiwaangalintu dhigayay.

Saxaafada maxaliga ah ee dalka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku noqnoqonayay xarunta komishanka si ay uga helaan qandaraaska baahinta wacyigalinta hawsha diiwaangalinta, balse aanay suuro galin in ay hawshaasi fusho, halka shabkadaha wararka ee internetka ay komishanku u diideen in ay baahiyaan macluumaadka iyo barnaamijyada la xidhiidha wacyigalinta shacabka loogu gudbinayo in ay ka qayb qaataan hawsha diiwaan galinta codbixiyayaasha oo fure u ah doorashooyinka Madaxtooyada iyo Deegaanka ee Soomaaliland ka qabsoomi doonta horaanta sanadka fooda nagu soo haya ee 2009.

Fadeexado musuqmaasuq iyo maamulxumo baahsan ayaa soo wajahday hanaanka komishanka doorashooyinku ay u bixinayaan hawsha wacyigalinta, iyadoo ay siiyeen qayb ka mid ah wacyigalinta Ngo-yo aanan sharciyad haysan, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad doonaya in ay komishanka laba lacagood oo kal aduwan ay kaga qaataan hawsha wacyigalinta iyaga oo sheeganaya ururo iyo hayado kala duwan. Waxa kale oo komishanku ay bilabeen in ay kala faqooqaan warbaahinta dalka oo ay inyar oo kooban ay siiyaan mashaariicda lagu baahinayo wacyigalinta, iyaga oo meesha ka saaray shabakadaha wararka ee internet-ka oo ay sheegeen in aanay u baahnayn.

Masuuliyada eedahan ayaa lagu xidhiidhinayaa in ay ku lugleeyihiin hawlwadeenada la shaqeeya xubnaha komishanaka oo door wayn ku leh fadeexadahan ka dhashay arimahan, taas oo sabab u noqon karta in ay hawsha wacyigalintu fashilanto. Sidoo kale warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in 7da xubnood ee komishanka uu ka dhex aloosan yahay khilaaf huursan oo aan wali soo shaacbixin kaas oo salka ku haya qaabka loo shaqaynayo ee dhinaca mamulka, oo xubno katirsan komishanku ay ku dhaliilsan yihiin godoomiyaha gudida doorashooyinka Md. Maxamed Ismaaciil maxamed (Kabawayne). Dhinaca kale xulufta hawlwadeenada gudiyada diiwaan galinta ee gobolada ayaa jiitamay oo ku adkaaday komishanka kana qaadatay mudo aad u badan, iyada oo gobolada qaarna uu ka jiro khilaaf ku saabsan soo xulista shaqaalaha diiwaangalinta.

Ilaaimika lama garan karo xiliga rasmiga ah ee ay bilaabmi doonto wacyigalinta la doonayo in bulshada lagu fahansiiyo in ay isku diiwaan galiyaan doorashooyinka soo socda.
Sedexda xisbi qaran ayaa si feejigan ula socda komishanka doorashooyinka, balse kama ay hadal sida gaabiska ah ee ay u jiitamayso masuuliyadii loo xilsaaray komishanku, waxana rayil caamka bulshada qaar kamid ahi ay aaminsan yihiin in komishankani aanu ahayn kii ka garsoori lahaa doorashooyinka culus ee fooda ku soo haya Solaliland iyaga oo ku sababaynaya in 7da xubnood ee kumishanku ay yihiin wajiyo cusub isla markaana aan iskuxidhnaatooda dhinaca shaqadu aanu adkayn.

Cumar Maxamed Faarax, Hargaysa
xigasho: Halgannews.com

Posted by SomaliLand Future on 09/20 at 03:44 PM
News