فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 116
Total guests: 9
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 12:52 pm



Articles
Sunday, September 21, 2008
Kulankii Suxufiyiinta Gobolka Togdheer u Socday oo Burburay

"Warbaahinta madaxabannaan oo ka dareeray kulanka, kadib markii lagu amray inay hoostagaan isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta”



Kulan suxufiyiinta Gobolka Togdheer uga socday magaalada Burco ayaa burburay shalay, kadib markii ay gebi ahaanba madasha ka dareereen suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta madaxabanannaan ee Somaliland .

Burburka shirkaas ayaa ka dambeeyey, kadib markii madasha laga akhriyey laga akhriyay warqad lagu sheegay inay soo qoreen xubnaha guddiga fulinta SOLJA, kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha ururka SOLJA Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), taasoo ahayd in suxufiyiinta Togdheer hoostegayaan Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Gobolka, isla markaana waxaannu taageersanahay shirkii lagu qabtay horraantii sannadkan iyo hoggaankii lagu doortay, kadibna buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyay goobta shirku ka socday.

Mahad Faarax oo ka mid ah suxufiyiintii warbaahinta madaxbannaan ee ka hawlgala Gobolka Togdheer, gaar ahaan wargayska Ogaal, isla markaana ka mid ah xubnihiii la magaacabay xilligaas, ayaa isaguna si adag u dhaleeceeyay qoraalkaas, isagoo ku tilmaamay in shirkaasi ahaa mid sharci-darro ah, isla markaana koox yari soo abaabushay.

“Way mahadsan yihiin dhammaan inta fadhida shirka, waxaan filayey in la xalliyo khilaafka suxufiyiinta gobolka ee labada kooxood kala noqday, waxaannu ka dhashay shirkii kooxdayadii yarayd qabsatay, kaasoo ahaa sharci-darro, kana mid ahay xubnihii lagu doortay, sidaa darteed waxaan leeyahay waxaad sii xoojiseen murankii suxufiyinta oo aad markiiba horena lugta ugu weyn ku lahaydeen.

Haddaba, waxaan idiin sheegayaa in aanay waxaad sheegaysaan soconayn oo Isudawaha warfaafintu dawladdu madax u noqonayn suxufiyiinta warbaahinta madaxbannaan,"ayuu Mahad Faarax hadalkiisa ku soo xidhay.

Mr. Maxamuud Maxamed Aadan (Shiine) oo ah wariyaha telefishanka madaxbanannaan Space Chanal, ayaa sheegay in loo baahnaa sidii layskugu soo dhaweyn lahaa suxufiyiinta gobolka ee khilaafku dhexmaray, “Haseyeeshee, looma baahnayn in la sii kala fogeeyo, idinkuna maanta sidii caadada SOLJA ahayd dabkii iyo khilaafkii suxufiyiinta Burco ee aad mudada dheer isku lisayseen ayaad markale huriseen, idiinkaana burburinaya midnimadii suxufiyiinta, laydinkana aqbali maayo inaad warbaahintii madaxabannaanayd aad hoos geysaan isuduwihii dawladda ee caqli kale ma haysaan,” ayuu yidhi Mr. Shiine.

Sidoo Axmed Muuse Ismaaciil oo Gobolka Togdheer uga soo warrama telefishanka caalamiga ah ee Raad TV oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi; “Waxaan u imi inaan wax korodhsado, balse waxa goobta ka muuqata muran iyo khilaaf xooggan oo u dhexeeya suxufiyiinta, sidaa darteed iima muuqato sabab aan u sii jooga meesha ee nabadgelyo.”

Intaa kadibna waxa madasha ka dareeray dhammaan warfidiyeennada ka hawlgala warbaahinta madaxabannaan, waxana goobta ka bilaabmay buuq iyo qaylo, iyadoo ay suurtogal noqon wayday in ay halkaa ka hadlaan xubnaha ka socday ururka SOLJA, kuwaas oo si degdeg ah uga baxay madasha, una shiraacday dhinaca caasimadda Hargeysa.

Shirkan oo furmay dhawr maalmood ka hor, ayaa waxa furitaankiisii hadheeyey khilaaf weyn, waxaannu ku dhammaaday natiijo la,aan iyo in la kala dhaqaaqo. Warbaahinta madaxbannaan ee kulankaa ka dareeray waxa ka mid ah weriyeyaasha Gobolka Togdheer uga soo warrama Ogaal, Jamhuuriya, Maalmaha, Waaheen, HCTV, Space Chanal TV, Raad TV.

Waxa kaloo hore shirka uga maqnaa weriyeyaasha wargeysyada Haatuf, Saxansaxo iyo shabkadaha website-yada, iyadoo kulankaasi ahaa mid laga buuxiyey xubno lagu tilmaamay suxufiyiin madaxbannaan iyo kuwo aan la garanayn.

Masuuliyadda burburka shirkaas ayaa suxufiyiintu dusha u saareen Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan guddiga fulinta ururka SOLJA, kuwaasoo in muddaba ku hawlnnaa in aanu shaqayn xafiiska suxufiinta Gobolka Togdheer.

Xigasho: Togdheernews
Burco

Posted by SomaliLand Future on 09/21 at 01:10 PM
Articles