فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 9
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 07:20 am



Articles
Friday, September 19, 2008
Kulan Balaadhan Oo Ay Beelaha Maxamed Case Iyo Makaahiil Ku Xoojina...


Kulan Hordhac Ah oo Balaadhan oo looga gol leeyahay xoojinta taageeraha loo hayo Musharaxa Rasmiga ah ee jagada Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Eng.Saylici) ayaa habeen hore ka dhacay magaalada Borama.
Kulankan ayaa waxaa ku kulmay Siyaasiin, Waxgarad , Odayaal , Dhalinyaro iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaasi oo kala soo kala jeeda Beelaha Makaahiil iyo Maxamed Case oo la isku yidhaa reer Sh.Makadoor.

Dhanka Xubnaha ka socday Beelaha Makaahiil oo tiradoodu gaadhayso 50 Xubnood ayaa waxaa ka dhex muuqday Siyaasiyiin macagwayn ku leh saaxada siyaasada oo uu ka mid yahay Prof Ismaaciil Muumin Aar,Ismaaciil Xasan Mataan, Jiif Caaqil Ina Cabdi Bade.
Halka 50-ka xubnood ee Beelaha Maxamed Case ay ka dhex muuqdeen Siyaasiyiintan, Suldaan Daahir Cismaan Cilmi , Xil Abiib Cabdiraxmaan Good, Cismaan Barkhad Xirsi, Idiris Axmed Buux.

Kulankan ayaa mudadii uu socday waxaa la isla gartay inay lagama maarmaan tahay xoojinta taageerada loo hayo Isbadal doonka isla markana loo baahan yahay in la mideeyo mowqifka labadan beelwayne.

Sidoo kale waxaa lagu gorfeeyey ahmiyada ay leedahay taageerada loo hayo Musharaxa Rasmiga ah Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Eng.Saylici) taasi oo la garowsaday hoostana laga xariiqay in hiil iyo hooba la is bar bar taago musharaxan.

Intii uu kulankan socday waxaa kale oo la gorfeeyey siyaabaha kala duwan ee loo wajahayo diiwaangalinta iyo doorashooyinka soo socda, waxaana carabka lagu dhuftay in hadii laga midho dhaliyo iskaashiga iyo midnimada ay la micno tahay Guul usoo hoyatay xoogaga Isbadal doonka ah ee Gobolka Awdal ee uu horkacayo murashax Eng.Saylici.
Kulankan Gaba-gabadiisii ayaa waxaa la garowsaday oo la iskuna afgartay in MIdkale la iskugu soo laabto , lagana soo qayb galiyo Beelwaynta Habar Cafaan oo iyadu laf ahaanteedu tiir udub dhexaad u ah Guulaha la rajaynayo inay gaadhaan Kooxaha Isbadal doonka ahi.

Lughaya News

Posted by SomaliLand Future on 09/19 at 06:49 PM
Articles