فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 202
Total guests: 11
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 03/10/2010 08:49 pm



News
Wednesday, February 03, 2010
Kulamo Dhex Maray Weftigii Wasiiradda iyo Ganacsatada Gobolka Sool


Wasiirada wasaaradda arrimaha gudaha iyo cadaalada mudane C/laahi Ismaaciil Cali Cirro iyo Axmed Xasan Cali Casoowe, ayaa maanta kula shiray ganacsatada gobolka Sool, huteel Xamdi ee magaalada Laascaanood.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, C/laahi Ismaaciil Cirro oo shirkaasi u furay ganacsatada ayaa hadal uu jeediyay ahmiyada kulankaasi, waxaanu uu yidhi “ujeedada ugu weyn ee aanu anagu markii hore idiinku yeedhay waxay ahayd idinku tiina waad sheegan doontaana ujeedada aanu maanta idiinku yeedhnay.

Waa laba qodob, oo idinka iyo masuuliyiin kale oo idiinka horaysay aanu doonaynay in aanu la kulano ama kala xaajoono. Qodobka koobaad waxa uu yahay waxaad ogtihiin Laascaanood maalmahan u danbeeyay ama bilahan u danbeeyay in dhibaatooyin isa soo tarayay ay ka dhacayeen dhibaatooyinkaasi haday sii socdaan in ninkii ganacsade ahaana aanu ganacsade noqon doonin, kii macalinka, ahaana aanu dugsiyadii tagi doonin kii bakhaar lahaana aanu bakhaarkii tagi doonin, kii madaxda ahaana xafiiskiisii fadhiyi doonin.

Ilaahay ha inagaga eekaysiiyo intaasi dhacday dhimasho iyo dhaawac iyo khasaare wixii ayaamahaa dhacaynaa samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga siiyo, intii dhimatayna Ilaahay janadii ha ka waraabiyo.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Haddii madax maamul culima’awdiinkeena, iyo ganacsatadeena aynu iskaashano waynu ka lib keeni, waa inaynu wada jir uga wada hawl galnaa sidii nabadgelyada loo ilaashan lahaa habeen iyo maalinba aynu u soo wada joogno, balse haddii anaga nagu halaysaan oo gacan na siin waydaan oo na tilmaami waydaan waa in aynu wada jir u wada daafacnaa wixii wax ina yeelaya, habeen iyo maalinba oo maamulku shaqeeyo cidina waxba ina yeelimayso.

Wixii dhacay dhacee caano qubtay dabadood la qabay aynu nidhaahno aynu intii horana iskaga soo dhawaano, aynaguna waxaan ku talo jirnaa imika muddo in aanaan halkan sii joogin, cidii gardaran aanu idinla aragno, maamulka wixii qaldana aanu toosino, waxaanu maanta idinka donaynaa wax weeye, in aad xog waraysi na siisaan wixii aad nasiin kartaan iyo sidii nabadgalyada aynu uga wada shaqayn lahayn.”

Intaasi ka dib waxa halkaasi ka hadlaya ganacsatada gobolka Sool, wixii ay hayeena ka waramay, talooyina u soo jeediyay wefdiga iyo xukuumada Somaliland gaar ahaan dhinaca nabadgelyada.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda gaashaandhiga mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa shalay booqda xarunta ciidanka booliiska milataariyada ee gooblka Sool, halkaasi oo uu uga jeediyay hadalo waano ah, waxaanu yidhi “waxaad tihiin runtii ciidan xul ah oo laga soo kala xulay dhammaan fadhisimadii ciidanka laga qarameeyay iyo waliba kii hore saldhiga 7aad kasoo guuray ee yagoori, sidaad la socotaan gobolka Sool ama magaalada Laascaanood baryahan danbe way isbadashay xaaladeedii xagga nabadgelayada, dhimasho ayaa dhacday dhaawac ayaa dhacay shaki ayaa yimid, haddaba taasi si aanay dib danbe u dhicin oo nabadgleyadii gobolka gacanta loogu dhigo ayay daruuri noqotay in la abuuro maanta cidankan halkan fadhiya ee magaciisu yahay Booliiska dablayda ama duubcasta, kuwaasi oo gacan siin doona booliiska gobolka, lana hawlgali doona. Waxaad ahaanaysaan ciidan u diyaar ah, hawshii nabadgelyada gobolka gacanta ugu soo noqoto, waxaan idinka rajanaynaa in aad hawshiina si isku duubni ah aad u qaban doontaan.”

Dhinaca kale, Wasiiru dawlaha waxbarashada mudane Maxamuud Garaad Maxamed iyo wasaarada iyo wasaaradda wasaaradaha, boosaha iyo isgaadhsiinta mudane Cali Axmed Maxamuud (Cali Sandule) iyo cadaalada mudane Axmed Xasan Cali Casoowe ayaa shalay la kulmay macalimiinta madarasadaha magaalada Laascaanood.

Wasiirudawlaha wasaaradda waxbarashada mudane Maxamed Garaad Maxamed, ayaa waxa uu kala hadlay siddii macalimiintu uga warhayn lahaayeen ubadka ay wax barayaan isla markaana ay ubadka ugu baraarujin lahaayeen dhinaca nabadgelyada.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha, ayaa gooni ula kulmay guddiyada nabadgelyada ee magaalada Laascaanood si meel looga soo wada jeesto.

Xigasho: Qarannews

Posted by SomaliLand Future on 02/03 at 08:10 PM
News