فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 95
Total guests: 14
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 12/03/2008 11:45 pm



News
Saturday, October 04, 2008
Khilaaf Ka Taagan UDUB Shirweynaheedii.


Waxaan weli qabsoomin shirweynihii UDUb, waxaana la qorshaynayaa in iminka la qabto. Madaxweynaha ayaa soo jeediyey in guddi ka tirsan gollaha dhexe ee xisbiga iyo xubno wasiiro ah in loo saaro soo xulistii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa. Waxaana uu cadeeyey madaxweynuhu in isagu u taagan yahay jagadaas madaxweynaha, kuxigeenkana uu u taagan yahay Madaxweyne ku-xigeenka hadda xilka haya Shiikh Axmed Yusuf Yassin.

Arrinkaasi wuxuu ka dhex kiciyey Xisbiga UDUB khilaaf balaadhan, waxaana ka soo horjeestay xubno aad u badan oo diidan, waxayna ku baaqeen in ay si dimoqraadiya loo qabto shirweynaha, waana in aanay jirin wax cabudhis ah ee ay saaxada u banaantay tartan iyo dareen ah in qofkii hggaamin kara Xisbiga la siyo fursadii uu ku hoggaamin lahaa.

Illaa hadda waxaa ku dhawaaqay in ay tartamayaa laba madaxweyne ku-xigeen, welise ma cadda in uu jiro musharax i su soo taagaya jagada madaxweynimo, waxaase aad carabka loogu hayaa Cabdillaahi Dareewal.

Waxaa sidoo kale saxaafada ku soo baxay dareen ay muujiyeen laba beelood oo ka mid xisbiga UDUB intooda ku jirta UDUB, labadaas beelood oo ah beesha Arab iyo Beesha Sacad Muuse, waxayna qaadaceen in aanay ka qaybgelayn shirweynaha haddaanu sifo dimoqraadiya ku qabsoomin, waxayna sidoo kale cadeeyeen in aanay raali ka ahayn, in guddi uu so xulo madaxweynuhu, kuwaas oo ka soo jeeda gollaha dhexe iyo wasiiradu ay soo xulaan Musharaxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, haddii ay sidaas u dhacdana aanay ka qaybgelayn.  Waxay tilmaameen in sifahaasi yahay mid aan waafaqsanayn sharciga u yaal xisbiga.

Dooda, tartanka iyo ololaha xisbiga dhexdiisa ayaad moodaa in uu si ba’an u bilaabmay todobaadkan, waxaase la filayaa in ay soo shaac baxayso ubucda doodu wakhtiyada soo socda.

Somalilandfuture Online
News desk. 

Posted by SomaliLand Future on 10/04 at 10:48 AM
News