*Tuug garannay oo waa nin xaday qof aan ogeen. Tuugu waxuu eegtaa meel
dagan, dayacsan. Waxuu ka sii sahamiyaa sidii aan loo qabteen. Wuu baqaa oo
kelyo ma laha ayey Soomalaidu tidhahdaa. Haddaba sifooyinkaas badankooda wey
la wadaagaan khaa’inka iyo munaafaqu, wey se ka sii durugsan yihiin oo ka
xumaan badan yihiin. Raad xumana wey leeyihiin aafo ku noqota bulsho weynta,
kolka tuug ku kooban yshay dhibtiis cidda uu dhacay uun.
Axmed Carwo*
Munaaqa oo sifo sharci ah leh haynoo dambeeyee waa kuma khaa’inku?.
Khiyaamadu waa seddex ceebood oo iskaashaday. Qofka khaa’inka ihi waa
beenaale, waana tuug, waana fulay. Waa fulay oo markuu wax falaayo wuu is
qariyaa, cidda uu xumaynaayana wuu gaadaa oo isagoon is ogayn ayuu dhibta u
geestaa. Waa tuug oo waxuu dhacaa maal amba sharafta qofka uu xumaynaayo.
Waa beenaale oo cidda uu xumaynaayo waxuu u sheegaa been subkan. Waa
munaafaq kolkaad si walba u eegto. Waxuu is moodayaa inaan la arkayn, oo
waxuu iloobaa In ILAAHAY arkaayo, xisaabin u dambeyso. Qofka xil lagu
aaminay ee xatooyo iyo been caadaystay waa khaa’in.
Qofka urur amba koox cahdi ka dhaxeeyey wacad-furaa waa khaa’in. Waxa
khaa’inna ugu xun qofka maalka danyarta laga soo uruuriyey u midig
bidixeeya, ka waqtiga uu ummadda u shaqayn lahaa ku lumiya balwad, qooq if
iyo aakhiro seeg ah iyo dalxiis doqon ku raaxaysto. Kolkaad qof khaa’in ah
khiyaamaynayso xataa waa khi’yaamo, kolkaad ruux daacad ah khiy’aamaynayso,
waa dil aad u gaysatay ruux aan dambi lahayn. Kolka uu ku khiyaameeyo ruux
kaa fogi, waxbaad ka barataa, kolka saaxiib ku khiyaameeyo, waa murugo,
kolka ehel amba ruux aad jeceshay ku khiyaameeyo waa geeri, waana tan
Soomalidu ku sheegto …waa maradaa kugu kubatay… Khiyaamo ha nooc badatee,
waa kulanka xumanta. Waxay koobtay sifooyinka tuugnimo, been sheeg, iyo
fulaynimo. Khiyaamana waxa ugu liita tan inta jelicsan iyo ma-kasta loo
geysto.
Waxa halkan khiyaamadu ay si toos ah ugu xidhmaysa munaaqnimada oo la
wadaagta khiyaamada sifooyin badan. Waxaynu xusuusanaa xadiiska sharifka ee
Rasuulkeenu ku sheegay calamadaha munaafaqa oo kal ah:
*1- Hadduu sheekeeyo been ayuu sheegaa
2- Hadduu balan qaado ma oofiyo
3- Haddii la aamino wuu khiyaameeyaa.
*
*Haddadaba kolka cid xil loo dhiibo, ee uu xilkaas dhaar ku guddoomo, bal se
ay caado u noqotay inuu dhinac maro si badheedh ah xil gudashadaas, miyeyna
toos ugu cadayn munaafaqnimo, ILLAAHAY haynaga hayee, miyaanu ahayn nin
khaa’in ah oo weliba aan xusuusnayn haddii uu aadmiga qalday in ILLAAHAY
ogyahay, xisaabina sugayso. Miyaanu se ogsoonayn in dadku ogyihiin, kuwa aad
u ogina yihiin kuwa ugu dhow ee mun’aafaqnimada beenta iyo ammaanta aan
carabkooda dhaafsanayn kaga maydha runta dadweynha u muuqata.
Miyuu iloobay xikmaddii ahayd dadka qaar marwalba waad qaldi kartaa, qaarna
marar ayaad qaldki kartaa, dadkoo dhan se mar walba ma qaldi kartid. Kolba
inbaa ceebtaadu u muuqanaysaa, ilaa aad weydo maro ku isturta iyo geed aad
ku gabato
*
Kuwa garta gala ee laba canlayn, iyo suul dhabaale iyo sanqasho labada
dhinac ee garta u dhiibtay u kala dab qaada sow iyana sifooyinkan xun
qaadanmaayaan. Kuwa dhaqan ka dhigtay adna waad hagaagsantay, adna ma
qaldaniyd iyo gar aan xidhigeedu xidhmayn, gogasha oo la badiyo, fadhi
shaydaan iyo sooryo quudheed sow iyana mey iibin sharaftooda ifka iyo
aakhiraba. Waa haddaynaba ahayn namiimayaal meesha u galay inay dabka sii
shidaan oo arrinkooduba yahay isku dirka iyo kala fogaynta labada gartu u
taalo. Waa noqonays khiyaamooyinka nooca ugu foosha xun. Waa munaafaqnimo,
ay waliba weheliso namiiminimo, ILLAAHAY haynaga badbaadiyee. Dadweynow
inteed aragtay gar dhammaanweyday, iyo saaxiibo is-jeclaa oo naar la
dhex-dhigay, inteed maqashay walaalo la kala dayriyey, imisaad u soo joogtay
wiil iyo waalid la kala diray.
Ma ila wadaagtaa in dalkeena manta munaafaqnimadu lahayn ceebtii ay lahaan
jirtay, oo looba fasalay reer-magaalnimo, iyo xirfad dadka qaar ku faanaan.
Subxaanalaa! Ma ila aqoonsatay arrintan, markaad aragto rag waaweyn oo si
hawl yar isku eedeynaaya muunaafaqad oo qosal raacinaaya. Waxa cad in
khiyaamadii iyo munaafadhadii ceebtii laga maydhay. Inteed maqashay “
Siyaasaddu waa munaafaqnimo"… oo madaxada aynu talada u dhiibanaa waa
siyaasiyiine, ma munaafaqiinbay inaga gayaan. Ummad madaxdeeda sidan ku
sifaysa, iyo ummad ceebtii cuslayd ee aadmi lagu odhan lahaa u aragtay
xirfad iyo fariidnimo, siday u heli doontaa bulsho cadaalad ku dhaqanta, iyo
dawlad sharcigu xakameeyo
Xaasha siyaasaddu ka fog munaafaqad, siyaasaddu waa maamulka dadka, waa
dad-wadeen, waa aqoon bulsho, waa surtagelinta ikhtiyaarka ugu habboon ee
bulsho ku noolaan karto. Waa danta guud oo loo helo farsamo lagu hanto.
Siyaasiintu waxay inaga mudan yihiin ixtiraam iyo maamuus. Iskuma jiraan oo
sida xirfadaha kale ayey leeyihiin mid xun oo munaafaqa u dhow, iyo mid san
oo ah hoggaanka aynu u baahanay. Kolka madaxda la ixtiraamo, loona garto
inta inoogu mudan, ayeynu helaynaa dawlad inoo shaqaysa, een inaga
shaqaysan, madax inoo naxda, een inagu kibrin, dawlad sharcigu hago oo uu
xakameeyo, een noqon mid afkeedu sharci yahay, dawlad tuuga iyo daalinka
inaga qabata, een iyaga u gargaarin.
Waxaas oo dhan waxa lagu helayaa kolka khiyaamada iyo munaafaqada halkay
lahaayeen lagu celiyo. Loo arko dambe if iyo aakhiro seeg ah, cidda ku
shaqaysataana noqoto tuke baal cad. Ka fagow kuu sheekeeye, kaa sheekeeya.
Laba aflaha ka durug, ninka qoriga dabka leh la wareegaaya, ee hadalada xun
u kala geynaaya bulshada, si uu ku furfuro midnimadeena oo uu u helo kooxo
uu midba meel ku xidho, deedna midba uu maalin ka soo qadhiidho gasiin afka
u macaan, uurka se u xun.
*Kolkaan kala shakino, kolkaan indho la’aan u dabo galno nin magac reer aan
wadaagno, kolkaan nin muumin ah u naco reernimo, kolkaan aakhiradayda siisto
dhadhamo maalmeed, kolkaan u hiiliyo xumaanta, kolkaan ku durduriyo
danyarta, kolkaan munaafaq, muumin ka doorto, kolkaan nin aan kubkiisa weyso
marin wadaad ku sheego, kolkaan riyo sheydaanka rumeysto, kolkaan quraanka
aan akhristo qalbiga se aanan u daadajin, kolkaan salaada masaajid aanan ka
habsaamin een haddana xumaan iyo faaxisho qasto, kolkaan soonka ku aforo
xaaran, carbaku ahaado mid xan iyo ceeb subciya, dhegahuna noqdaan dar ku
raaxeesta miisig, been iyo ceeb islaam… miyey tahay inaan doono wanaag iyo
bulsho nabad, cadaalad, iyo horumar tiigsanaysaa. Miyey tahay inaan helo
hoggaan toosan iyo xukun suuban.
*Dadweynow toosi naftaada, taada hagaaji, diid xumaanta, u hiili xaqa, u
gargaar daacadda, dayri daalinka, shakiga ka bax, hammigaaga hagaaji,
niyadaada maydh, tolkaa u hiili marka laga gardaran yahay, kolka ay gar
daran yihiina u hiili oo xaqa ku soo dabaal. Waa sunihii Rasuulka SCW ee ka
dhigo cado iyo dhaqan.
Saamaxa iyo dulqaadka aan ogaano mar walba gaar ahaan bishan barakaysan ee
Ramadaan.Aan isa saamaxno, aan noqono kuwa la xumeeyo, ee waliba iyagu
wanaaga la yimaada. Geesi waxa ah, ninka nin xumeeyey wanaajiya, bal se u
sheega xumaantiisa. Nacasnimo waxay tahay ninka maalin walba ag jooga kan
xumeeya, een xataa dareensiin xumaanta uu ku hayo. Xusuuso ninka laba jeer
meel laga wada qaniina, inagama tirsana.
Ninkaad shaqo u dhiibtay, la xisaabtan, una dul qaado, qaladkiisa tus,
hadduu joogsan waayo, ka tasho. Adiguu kuu shaqeeya, ee sidaad u qortay
shaqada uga qaad. Waa tubta lagu helaayo hawlwadeeno hawlkarnimo iyo dacaad
leh. Markaad taas yeesho, kan maantana aad saxdo, kan soo socdana waa u
digniin.
Hor iyo horaanba ilaasho shaqada iyo cidaad hawsha u dhiibatay.
Waa talo guud, ninna gaar diiradda ugama hayo, waa qalad meelo badan yaala.
Ciddii iska dhex aragtaa, yeyna ii qaadan nin keli ula baxay. Ee waa iga
waano dhammaan inagu socota. Ogow qalad iyo dambi aadmibaynu u nahay, oo ma
jiro qof ka maydhani, ee aan isa saxno, oon toobad keeno. Nolashuna
sideedaba waa geedi ee aan u sahay qaadano lama huraanka. Dambi inoo daa’ ee
waxa leys dheeryahay waa toobadda iyo dareenka ka soo noqaoshada. ILLAAHAY
TOOBADDA HAYNA WAAFAJIYO. AAMIIN.
Wa Ramadaaan Kariim
Ahmed Arwo
Cardiff, U.K