فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 95
Total guests: 12
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 12/03/2008 11:41 pm



News
Saturday, October 04, 2008
IGAD oo Qorshaynaya inay Xilka ka Qaadaan C/llaahi Yuusuf


Waxa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay gaadhaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya 275 xildhibaan iyo saddexda masuul ee ugu sarreysa dowladda Imbagati oo kala ah Cabdillaahi Yuusuf, guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe & raisul wasaaraha Nuur Cadde, waxaana qorshaha u yeedhitaanka xubnahaasi ee dalka Kenya uu yimid kadib shirkii gogol xaadhka ahaa ee golaha wasiirada arrimaha dibedda dalalka IGAD ay ku yeesheen New York.

Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta ujeedada ka danbeysa yeedhitaanka degdega ah ee masuuliyiintaas mar qurdh loo wada yeedhay, hasse ahaatee diblumaasiyiin isugu jira Soomaali & ajnebi ku sugan dalka Kenya ayaa laga soo ururinay aragtiyo kala duwan, waxaana ay aragtidooda ay u dhigeen sidatan.
Itoobiya ayaa kulankan codsatay waxeyna dooneysaa in ay ku wargeliso dowladda Imbagati in ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya, sababo la xidhiidho dawladda oo hanan weyday waajibaadkeeda, waxna ka qaban weyday kacdoonka sii xoogeysanaya ee ay waddaan xooggaga muqaawimada ee ka soo horjeeda joogitaanka dalka ee ciidamada shisheeye, waxeyna Itoobiyaanku doonayaan in ay madaxda dalalka IGAD ka hor cadeeyaan in ay faraha kala baxayaan arrimaha Soomaaliya.
Waxaa jira aragti kale oo la leeyahay

In Itoobiya ay kaga cabaneyso dalalka IGAD in lagu cidleeyey keligeed arrimaha Soomaaliya, ayna soo jeedineyso labo arrimood oo kala ah in isbedel lagu sameeyo hogaanka sare ee dowladda Imbagati taasoo macnaheedu yahay in la bedelo Cabdullaahi Yuusuf maadaama uu keeni waayey xal ugu yaraan lagu yareynayo weerarada sii laba lixaadsanaya ee lagu haya ciidamada Itoobiya, sidoo kalena dalalka IGAD ku bahoobay ay ciidamo geeyaan Soomaaliya sida Kenya, Jabuuti & Suudaan.
Waxaa jira aragti saddexdaad oo ah.

In Cabdullaahi Yuusuf uu soo jeedinayo in xaaladiisa caafimaad oo liidata darteed in dalalka IGAD ay taageeraan sidii xilkiisa loogu wareejin lahaa Yuusuf Cumar Al-Azhari oo ah la-taliyihiisa dhinaca siyaasada.

“ Madaxda Dowlada Federalka ugu sareyso,Golayaasha Xukumadda iyo Baarlamaanka waxaa loogu yeeray kulan xasaasiya oo looga hadlayo xaalada ka sii dareyso ee Somalia,kadibna waxaa u bilaabanayo Seminaar ay ku baranayaan hab maamul wanaaga dowladnimo,inta arrimahaas socdaana,waxay Ethiopia ku dhawaaqeysaa inay beesha Caalamka ka gaabisay taageeridii Melleteri ee Somalia,sidaas darteedna ay kala baxeyso Ciidamadeeda” ayuu yiri diblomaasi u dhuun duleela arrimaha Africa

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan jirin Masuuliyad dheeriya oo amaanka Somalia ka saaran Xukumadooda mar hadii Madaxda iyo golayaasha Dowlada Federalka si nabada u tagaan Dalkii lagu dhisay DFKMG ee Kenya.

Diblomaasi reer galbeeda oo diiday in magaciisa la xuso,wuxuu tibaaxay in Ethiopia qabto walaac ku saleeysan balamahii lagula galay Somalia oo looga baxay iyo Maamulka cusub ee Mareykanka oo la isku haleeyn Karin siyaasadiisa arrimaha la dagaalanka argagixisada ee East Africa..

Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Mareykanka iyo Xarunta Midowga Yurub ee geeska Africa ayaa tibaaxay in Warbixinada Wardoonka reer galbeedka xaqiijiyeen qoobka ciyaarka siyaasadeed ee Xukumadda Ethiopia ku dooneysa inay Ciidamadeeda ugala baxdo Somalia,waxayna sheegeen in guddi gaara loo magacaabay xalinta arrimaha isbarkan.

Diblomaasiyiin u dhashay Africa oo ku sugan Addis Ababa ayaa walaac xoogan ka muujiyay waxa dhici kara hadii Ethiopia kala baxdo Somalia Ciidamadda ka jooga laakiin qaarkood waxay qabaan in beesha Caalamka ka gaabiyeen dadaaladii lagu doonayay in Ciidamo nabad ilaalineed oo la baxay AMISOM loo dhameystiro Somalia.

Somalia waxaa jooga Ciidamo Melleteri oo metelaya magaca AMISOM kuwaas isugu jira Uganda iyo Brundi laakiin sida xaqiiqadu tahay uma bac bac dhigi karaan xoogaga isbiirsaday ee la baxay Muqaawimada Islaamiyiinta hadii Ethiopia la baxdo Ciidamadeeda.

Inkastoo aysan qorshaha socda fahamsaneyn sedex nin ee ugu sareysa dowlada Federalka Somalia hadana waxaa hubaala inay sababsadeen khilaafka dhexdooda ka aloosan ee beesha Caalamka ku abuuray niyad jabka,kaas oo ka dhigan Riwaayada loogu yeeray NAIROBI ee “JIL HALKAAD JOOGTAY 2004”

Abdullahi Yusuf iyo Nur Cadde ayaa heshiis qabyaa oo leh goobjoogayaal Caalamiya ku kala saxiixday Addis Ababa bartamaha bishii la soo dhaafay hasse yeeshee waxba kama naasa qadaan ka gadaal markii uu khilaaf hor leh ka dhashay xilka qaadis Xukumadda Nur Cadde la dooneysa Cabdi Qaybdiid iyo Darwiish uu ka biya diiday Korneyl Yusuf,taas oo ay dheer tahay Wasiiradii iska casilay xilalkooda oo baarlamaanka Adan Madoobe laalay inay kuraastoodii dib ugu shaqeystaan

Waaheen.

Posted by SomaliLand Future on 10/04 at 09:30 AM
News