فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 8
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 05:57 am



Articles
Tuesday, September 02, 2008
HARGEYSA:IN KA BADAN 100 QOYS OO SUULI QUDHA WADA ISTICMAALA


Guud ahaan iyada oo waqtigan xaadirka dalka Somaliland ay ka jirto duruuf aad u adag oo dhinaca nolosha ah, kadib sicir-barar cirka isku shareeray oo ku yimi cuntooyinka quutal-daruuriga ah iyo dhammaan waxyaabaha laga maarmaanka ah jiritaanka bani’aadamka, ayaa haddana duruufahaas qallafsani si gaar ah saamayn culus ugu yeesheen dadka danyarta ah, waxaana jira boqollaal qof muwaadinin ah oo khatar ugu jira macaluul.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland, ayaa waxa jira boqollaal qoys oo isugu jira muwaadiniin iyo dad qaxooti ah oo dhex dabbaalanaya khatarro culus oo soo foodsaaray noloshooda, kadib markii ay cidhiidhi xoog leh kala kulmeen helista quutal-daruuriga aasaaska u ah jiritaanka aadamaha.

Magaalada oo baaxadeedu aad u ballaadhatay, waxa ku yaal xaafaddo isku raran ah oo ay deggan yihiin dad badan oo dan yar ahi, kuwaas oo tahliwaayey inay helaan waxa ay cunaan, isla markaana in badan oo ka mid ahi aanay daba shidan dhawr caano-maalmood sida lagu ogaaday kormeero ay ku sameeyeen suxufiyiin ka tirsan warbaahinta gudaha iyo dad degga agagaarka xaafadaha oo isku xilqaamay inay qaylo-dhaan gaadhsiiyaan ciddii wax u qaban karta.

Meelaha sida weyn ay uga muuqanayso duruufta nololeed ee qalafsani waxa ka mid ah xaafadaha la yidhaa Dhaamka Daami iyo State House-ka oo ah xaafaddo isku raran ah oo ay deggan yihiin dad dan yar qaadaa madhergo ahi.

Mar shalay ay socdaal kormeer ah xaafadaha Daami ku tageen weriyeyaal iyo xubno shicib ah oo isu xilqaamay inay soo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta halkaas, si ay ugu gudbiyaan bulshada gudo iyo dibedba ciddii gacan ka geysan karta duruufta adag ee ku sugan yihiin, waxa halkaa kula kulmeen dad ku nool xaalad khatar ah oo argagax leh, taas oo ah mid nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo dhammaan adeegyada nolosha oo dhan oo aanay dadkani habayaraatee haysan.

Waxay kooxdan kormeerka ku jirtay indhahooda ku soo arkeen carruur yaryar oo nafaqo la’aan darteed jidhkoodu barar is xidhay, kuna jira xaalad geeri qarka u saaran, isla markaana aanay jirin cid daaweyn ugu maqani, iyada oo weliba carruurtaasi xilligaa waalidkood uu ka maqnaa, markii aannu waraysanayna waxa naloo sheegay in waalidku ku maqan yahay suuqa bal inuu u soo helo waxay cunaan, caafimaad iskaba daayoo.

Dhibaatada ugu darran ee xaafaddaas ka jirta waxa weeye, iyada oo in ka badan boqol qoys ay isticmaalaan laba suuli oo keliya, balse hadda mid ka mid ahi uu ka buuxsamay, cid u qodaana ay waayeen, waxaanna dhibaatadaa suuli la’aanta ah ee haysta dadkaa ka soo fool leh khatar caafimaad oo halis ah haddii aan laga hortagin.

Mr. Biixi oo ah odayga xaafadaas ayaa sheegay in dadkaas ay ku nool yihiin xaalad khatar ah, waxaannu cid kasta oo dhibtaa gacan ka geysan karta ugu baaqay inay u soo gurmadaan.

Gebogebadii, waxa xubnihii rayidka ahaa ee isu xilqaamay ogaanshaha dhibtaasi ay ugu baaqeen bulshadweynta inay dadkaa u soo gurmadaan.

Jamhuuriya Online

Posted by SomaliLand Future on 09/02 at 11:41 AM
Articles