| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 537 Total guests: 18 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 09/07/2010 06:31 pm |
|
|
News Tuesday, March 09, 2010 Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Digey Qorshe Kala Dhantaalida Map-ka Somaliland
“Waxaan hambalyeynayaa ugaaskii Ciise iyo Beesha Ciise meel kasta oo ay joogto,. .. beeshaasina taariikh fiican ayay ku leedahay halgankeenii, markaa waanu maamuusaynaa waanuna mahadnaqaynaa, laakiin Wixii maalintii dhawayd ka dhacay Saylac waxay u ekayd tiiyoo qaranimadii Saylac ee Somaliland la inala sheegtay, Raysal Wasaare dal kale ka yimid ayaa joogay, waxa joogay Wasiirkeenii daakhiliga kamuu hortagin manuu soo dhawayn, waxa baratakoolka lahaa Wasiirka arimaha dibada, isaguna meesha ma joogin”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey munaasibad Maanta xadhiga lagaga jarayey Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, waxana uu hadalkiisa sii raaciiyey. “Casuumadu waxay inooga timid Jabuuti, laakiin waxay ahayd in aynu inagu casuuno oo ayju baratakoolka yeelano, Salaadiin reer Somaliland waxaan uga digayaa oo aan leeyahay waar adeerayaal marka la yidhaa meelbuu shir ka dhacayaa ha horhoranina ee tallo ku taga oo sharaftiina ilaashada oo idinka oo ajande wata oo dadka matalaya taga, haddii qolona hadho qolana cararto sidii halkaa ka dhacday ayuunbay dhacday ayuunbaa cidlo la idinka helayaa, iyaguna (xukuumada) maamuus may helin aniga ayaa runta idiin sheegayee.” Gudoomiyuhu waxaa uu ka digey qorshe uu sheegay in lagu damacsan yahay lagu kala goo-gooyo Map-ka Somaliland, waxana uu yidhi; “Arinta Soomaliya waxa lagu soo celinaya waxa la yidhaa hadba intii israaci kartaa ha israacdo, intii nabad keenaysaa ha samayso. Waxaan leeyahay reer Ceerigaabo iyo reer Laascaanood, waad naga go’deen oo meel kale ayaa la idin raaciyey ee iska socda, Garoowe ayaa la idin hoos geeyay, maabkaasina waa caalami oo hay’adda UNHCR ayaa soo saartay, dawladeenu kamay hadal, wasaarada arimaha dibada ayaan tagay Wasiirku wuu maqnaa, ku xigeenku wuu maqnaa, kii cusbaa (Wasiiru-dawlaha arimaha dibada) ayaa joogay, kii cusbaana waxaan idhi kani waxba lama socdo”. Md Faysal Cali Waraabe waxaa uu xukumada Madexweyne Rayaale ku eedeeyey in ay ku fashilantay masuuliyaddii ay Qaranka u haysay, isla markaana ay ku takri-fashay hantidii iyo shuruucdii ummada wax qabad la’aan isaga oo arintaas ka hadlay-na waxaa uu yidhi “Somaliland oo aan dawlad shaqayna aan lahayn ma jirayso ayaan idin leeyahay, dawlada maanta joogtaa magaceedu wuu jiraa laakiin ma shaqaynayso, Wasaaradii arikaha dibadu ma shaqaynayso, Caafimaadkana Edna ayaa sheegtay oo telefoon ayaa laga hagayey inantii gabadha ka dhalinaysay.Markaa waxaanu leenahay aynu doorashadaa xooga saarno, inta dawladu joogtana ha shaqayso, waxaanu leenayay dawlada Somaliland-nay toos.” Hase-yeeshee, waxa hadalka Guddoomiyaha UCID, ganafka ku dhuftay Xoghayaha Guud ee xisbiga Talada Haya ee UDUB Md Jaamac Yaasiin Faarax, taasoo sababtay inay ku foor-yaan dadweynihii ka soo qeyb-galay munaasibadii furitaanka Shirkadda SOMTEL. “Waxaan u yar saxayaa Faysal Cali Waraabe meeshaa Saylac ah ee ay ka dhacday xafladaa qadiimnka ahi, waxay ahayd mid dhaqan ee may ahayn mid dawlado isku waajahayeen, goob-joog ayaan ka ahaa malaha si xun ayaa loogu waramee. Faysal hadduu hambalyeeyay beeshaa Ciisaha aad ayuu u mahadsan yahay, laakiin inuu wax ka daba tuuro waa laga wanaagsanaa.”
Khadar Hussein Ibrahim
|