| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries
»Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Xaaji Axmed Siilaanyo Oo Dhamaal Ciida ah U diraya Shacbiga Somaliland.
![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 95 Total guests: 14 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 12/04/2008 01:22 am |
|
|
News Monday, September 29, 2008 Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Xaaji Axmed Siilaanyo Oo Dhamaal Ciida ah U diraya Shacbiga Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) ayaa u diraya shacbiga reer Somaliland meelkastoo ay joogaan, dhambaal hambalyo ah, munaasibadda Ciidul Fidriga. Xaaji Axmed wuxuu illaahay ka barayayaa, in uu ummada Somaliland ka aqbalo acmaashoodii saalixa ahayd iyo is uu sanadka sandkiisa innagu simo innagoo nabad ah. “ Waxaan u hambalyaynayaa munaasibada Ciida Fidriga, dhamaan ummada Muslimka ah iyo inta afka Somaliga ku hadasha, waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa shacbiga Somaliland. Waxaynu soo gudanay waajibkii bisha Ramadaan, waxaana illaahay ka baryayaa in uu barwaaqadeeda iyo khayrkeeda inna siiyo, acmaasheeniina innaga aqballo. Waxaan si aanan soo koobi karin oo niyad ah, oo farxad leh, idiinku soo gudbinayaa hambalyada ciidul Fidriga dhamaan meelkastoo aad joogtaan, qurbe iyo gudaba.” Xaaji Axmed wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ummadiisii la ciidayo, si nabadgelyo ah, xasilooni ah, dadkuna muujianayo is jacayl badan oo farxadi ku dheehan tahay. Sanadka, sanadkiisa Alle wanaag haynu gaadhsiiyo.
Somalilandfuture.com
|