فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 15
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 09:20 am



News
Thursday, September 18, 2008
Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo la filaayo inuu todobaadka soo socda safar ugu baxo dalal ka tirsan



Waan u baxayaa socdaal Dibadda ah Insha Allaahu” Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ( Saleebaan Gaal )

Guddoomiyaha golaha Guurtida Md: Saleebaan Maxamuud Aadan oo la sheegay inuu maalintii shalay xilkii si kumeel gaadha ugu si wareejiyey guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure ka dib markii la sheegay inuu socdaal dibadeed u baxayo toddobaadka soo socda horaantiisa, xilligan oo galaha guurtidu ku gudda jiro fasixii kalfadhiga 36 aad oo dhamaaday dabayaaqadii bishii August 2008.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md: Saleebaan Maxamuud Aadan oo aanu xalay ku booqanay gurigiisa si aanu wax uga weydiino waxyaalaha socdaalkiisa xilligan ee dibadu ku saabsan yahay iyo inuu la xidhiidho sidii caadadu ahayd in marka goluhu fasaxgalo uu dibada socdaal gaar ah u baxo.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu si weyn uga gaws qabsaday inuu wax tafaasiila ka bixiyo arrimaha uu socdaalkiisu ku saabsan yahay dalalka uu u safrayo iyo goorta uu baxayaba haseyeeshee guddoomiyuhu inkastoo uu ka gaabsaday kana wer wereegayey ka hadalka mawduuca socdaalkiisa waxa uu hadana si kooban u yidhi “ runtii waan tagayaa dibada, socdaalna waan u baxayaa insha Allaahu goor ay noqotaba”

Mar aanu weydiinay guddoomiyaha waxyaalah uu socdaalkiisa dibadu ku saabsan yahay iyo inuu wax xidhiidha la leeyahay socdaaladii arrimaha caafimaadka ee uu hore ugu bixi jiray xilliyada uu goluhu fasaxa gelo, balse wuu ka gaabsaday inuu sheego ujeedada socdaalkiisa waxaanu si kooban u sheegay inuu saxaafada si balaadhan ugu warami doono marka uu dalka ka anbabaxayo balse aanu inta ka horaysa ka sii hordhacayn isagoo arrintaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “ marka aan dalka ka anbaxbaxayo insha Allaahu ayaan saxaafada oo isku dhan ujeedada safarkayga uga warami doonaa, inta ka horaysase waxaan kuu sheegayaa uun in safar dibadeed aan u bixi doono insha allaahu”

Guddoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sida dhaqanku yahay marka uu safar dibadeed u baxayo ee xilliyada fasaxa uu goluhu ku jiro si ku meel gaadh ah xilkii golaha ugu sii wareejiyey guddoomiye ku xigeenka kowaad Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure si uu mudada uu socdaalka ku maqan yahay uu golaha u sii hogaamiyo.

Inkastoo uu guddoomiyaha guurtidu Md: Saleebaan Gaal uu si weyn uga warwareegay ujeedooyinka socdaalkiisa dibadu ku saabsan yahay iyo dalalka ay yihiin kuwa uu safarka ku tagi doona haddana waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in ujeedooyinka socaalkiisa dibadu ee xilligan ku saabsan yahay arrimo caafimaad iyo kuwo gaar ahaaneed oo sida caadadu tahay marka uu goluhu fasaxa galo uu dibada ugu baxo iyagoo tibaaxuhu sheegeen in socdaalkiisa uu ku tagi doono dalka Ingiriiska iyo dalal kale oo ka tirsan Yurub iyo dalal kale oo Khaliijku ku jiro, lana filayo guddoomiyaha golaha guurtida Md: Saleebaan Maxamuud Aadan uu safarkiisa dibada ah u anbabixi doono todobaadkan horaantiisa, iyadoo waqtigan xaadirka ahna la sheegay in uu u xadhko xidhan yahay tabaabushaynta safarkiisa dibada.

Haatuuf

Posted by SomaliLand Future on 09/18 at 07:27 PM
News