فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 537
Total guests: 12
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 09/09/2010 01:31 pm



News
Wednesday, March 10, 2010
Golaha Wakiilada Oo Isku Raacay Ansixinta Ajandihii Kalfadhiga 11-aad & Kordhinta Maalmaha ay Shaqee

Golaha Wakiilada Oo Isku Raacay Ansixinta Ajandihii Kalfadhiga 11-aad & Kordhinta Maalmaha ay Shaqeeyaan.



Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii Maanta ku ansixiyey ajandaha Kal-fadhigooda 11-aad iyo inay kordhiyaan maalmaha ay shaqeeyaan, ka dib markii ay Shir-guddoonku soo hordhigeen.

Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo fadhigan guddoominayey ayaa Mudaneyaasha kala dooransiiyey in ajandaha duuduub lagu meel mariyo iyo in laga doodo, waxa kale uu Shir-guddoonku Mudaneyaasha dareensiiyey baaxada xil-gudashada u hortaalla iyo sida loogu baahan yahay inay masuuliyad iyo xilkasnimo ku jirto u gutaan, waxana soo jeediyey in Arbacada iyo Khamiista lagu kordhiyo maalmihii ay Mudaneyaashu ku shaqeyn jireen Xarunta Golaha Guurtida Maadaama ay xaruntoodii dhisme ka socdo.

Fadhigan oo ay kazoo xaadireen 45 Mudane oo ka tirsan 82 Xildhibaan ee Goluhu ka kooban waxa ogolaaday in ajandaha lagu ansixiyo qaabka uu Shir-guddoonku soo dhigay 24 Xildhibaan, waxa taageeray in laga doodo 13 Mudane, waxana ka aamusay 7 Mudane, Guddoomuhuna muu codeyn.

Qodobada Ajandaha Kal-fadhiga 11-aad ee Golaha Wakiiladu ansixiyey waxay kala yihiin:-

1.  Xeerka Sharciga Biyaha.

2.  Xeerka Baananka Islaamiga ah.

3.  Xeerka Baananka iyo Maaliyada.

4.  Xeerka Miisaaniyada qaranka.

5.  Xeerka Caasimada ee Gaarka ah.

6.  Xeerka Kala Xadaynta Mushaharooyinka Goleyaasha Qaranka iyo Miisaaniyada qaranka.

7.  Xeerka Ururada aan Dawliga ahayn.

8.  Xeerka Sharciyaynta iyo Abuurista Hay’ada Miino Saarka Miino saarka Qaranka.

9.  Xeerarka ka soo noqday Golaha Guurtida iyo waxyaabaha kale ee soo kordha mudada kalfadhigan lagu gudo jiro.

Khadar Hussein
Xigasho: Golisnews

Posted by SomaliLand Future on 03/10 at 02:26 PM
News