| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 95 Total guests: 11 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 12/03/2008 11:08 pm |
|
|
News Thursday, September 25, 2008 Go'aamadii gudiga dhexdhexaadinta Kulmiye.
Gudigii dhexdhexaadinta ee beryahan ku hawlanaa soo afjarinta khilaafkii ka dhashay doorashadii musharixiinta xisbiga kulmiye uga qayb gelaya doorashada madaxtooyada ee sanadka danbe horaantiisa la filayo inay dalka ka dhacdo ayaa caawa soo saaray natiijadii go’aamadii ay ka gaadheen khilaafkaas. Hadaba nuxurka qoraalka oo lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay caawa hotel ambasador ee magaalada hargeysa ayna goobjoog ka ahaayeen dhinacyada uu heshiisku khuseeyey ayaa u dhignaa sidan: Gudidda dhexdhexaadinta khilaafka golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, oo ay magacaabeen dhinacyadii uu u dhexeeyay khilaafkii ka dhashay doorashadii murashaxiinta shirkii golaha dhexe ee Burco, kalsoonina u siiyay inay sullux iyo isu soo jiidad dabadeed ka soo saaraan go’aan lagu xalinayo khilaafkaas laguna midaynayo Xisbiga iyo golihiisa dhexeba. GUDDIGU: Isaga oo ka duulaya kalsoonida lagu siiyay dhamaystirka khilaafkaas maskaxdana ku haya in xal waara loo helo khilaafkaa ka dhashay shirkii golaha dhexe ee Burco.
Guddigu isagoo muddo rog-rogayay, dhegeystayna dhinacyada khilaafku u dhexeeyey doodahooda oo murtida gundhigeedu ahaa dhinac leh:
1.Wuxuu go’aaminayay in go’aanadii ka soo baxay shirkii golaha dhexe ee Burco sidoodii loo daayo, lana Ixtiraamo, marka laga reebo sixitaan iyo dheelitir lagu sameeyo guddiga fulinta ee Xisbiga. 2. Marka qoddobka hore la dhamaystiro ee ay tanaasulaan musharixiinta jagada M/weyne-ku-xigeenka, ee dhinacyada gacanta la isu saaro in la qabto shir xisbiyeed, turxaan bixineed oo xisbiga la isku raaciyo. SOO JEEDIN: A) - In mustaqbalka marka Xisbigu talada ku guulaysto uu wax ka bedelo qaab dhismeedka dawladeed ee hadda dastuurku tilmaamayo, isla markaana la abuuro jagada Ra’iisal wasaare awood leh, si talada dalka looga wada muuqdo. Taasoo wax weyn ka taraysa wada jirka iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee dalka. Diyaarinta qaabka uu u isbedelku yeelanayo iyo fulinta xilkaas waxa u xil saaran gudoomiyaha Xisbiga iyo shirgudoonka golaha dhexe, waxaana la galinayaa barnaamijka Xisbiga. B) - In labada murashax ee aan nasiibka u yeelan in loo doorto jagada M/weyne-ku-xigeenka oo ah Odayaal aad ugu culus xisbiga Maqaam sare laga siiyo hogaanka iyo talada Xisbiga. Guddigu: Isaga oo Ixtiraamaya dhinacyada magacaabay, wuxuu ku talinayaa inay raacaan go’aankan ay danta u arkeen kuna salaysan maslaxada caamka ah ee Xisbiga.
XUBNAHA GUDDIGA GO’AANKA SOO SAARAY:
Xigasho: saraarnews hargeysa
|