| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 537 Total guests: 10 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 09/07/2010 06:09 pm |
|
|
Articles Thursday, March 11, 2010 Geeddi-socodka Doorashada iyo hawlihii u dambeeyay ee Komishanka “Hawsha imikaanu bilownay, samaynta Kaadhadhka cusub ee Doorashadana waxaanu qandaraas ku siinay..”
-Magaca Shirkadda Qandaraaska lagu siiyay samaynta Kaadhadhka cusub ee Doorashada & dalka laga leeyahay -Sidee dadka hore isu-diiwaangeliyay u qaadanayaan Kaadhadhka cusub ee Doorashada? -Dadkii 15-ka cisho ee dambe isdiiwaangeliyay ma ka duwan yihiin kuwa Aqoonsiga qaatay?
“Haddaad ILLAAHAY taqaanaan oo ummad islaama aad tihiin oo wadankeena iyo aayaheena intaba aynu dan ka leenahay, ciddii hal Kaadh wax ka badan qaadatay iskeed ha isaga soo celiso, hawsha ayaa noo fududaanaysee.”
“Shaqadii Gobollada waanu soo dhamaynay oo waxaanu soo dhisaynay Maamulkii Komishanka ee heer Gobol iyo heer Degmo. Muddo laba toddobaad ah ayaanu ku maqnayn bari iyo galbeedba, markaa tii iyada waanu soo dhamaynay, si fiican ayey noogu soo dhamaadeen, waananu isku waafaqsannahay Anaga iyo Xisbiyada qaranku ee ay khusayso. Way iska jirayaan cabashooyin meel walba ka soo baxaya marka hawl la galo, laakiin waxay u muuqataa in khalad khafiif ah oo la liqi karo uu u ekaaday. Komishanka iyo xisbiyadana wax khilaaf ah oo ka soo baxay maamulkaa aanu soo dhisnay aanay jirin.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka Axmed Maxamed Xirsi (Geelle) oo ka warbixiyay Kaadhadh cusub oo Doorashada lagu galayo iyo halka ay u marayso diyaar-garowga Doorashadu.
Afhayeenka Guddida Doorashada oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka warbixiyay ujeedada ay u qabteen Shirka-Jaraa’id. “Arrinka ugu muhiimsan ee maanta (shalay) aanu u qabanay shirkan jaraa’id waxa weeye, waxa maqasheen ama dadweynuhu maqleen in la bixinayo Kaadhadh cusub oo lagu codaynayo, waa xaqiiqo jirta. Hore ugamaanan waramin, sababta aananu uga waramin waxay ahayd xeerka inoo yaala ayaa wuxuu dhigayaa; Komishanka ayaa badali kara kaadhka oo nooc cusub soo saari kara. Sidaa ayaa uu xeerku u jidaynayaa isagoo kala tashanaya Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Xisbiyada Qaranka. Inta aanaan Dadweynaha u soo bandhigin waxay ahayd iyaga inaanu la tashano, wada tashigii aanu la yeelanay Xisbiyada ee warku ka soo baxay ee Dadweynaha gaadhay, laakiin wax tafaasiila aan ka sii bixinin. Isla markaa waxaanu sugaynay kharashkii iyo miisaaniyadii lagu soo daabacayey kaadhadhkaa cusub.” Ayuu yidhi Mr. Geelle. Mar uu Afhayeenku ka warbixinayay sida dadka Kaadhadhka loo siinayo, ayaa wuxuu yidhi, “Marka la kala shaandheeyo imika Liiskii hore ee Diwaangelinta ee inaga xumaaday ee khaladaadka badani galeen, marka la sifeeyo ee wixii ku celcelina laga saaro, wixii kale ee khalad ah ee ku jirana laga saaro, inta inoo soo hadha ee saafiga ah ayaa la sii doonaa kaadhadh cusub.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dadweynahana aanu u soo badhigi doonaa oo goobihii hore ee laga codeeyey aanu gayn doonaa, liiskii cusbaa iyo kaadhadhkii cusbaa, oo wada socda ayaanu goobihi hore ee la iska diiwaangeliyey gayn doonaa, Dadweynuhuna halkaasay iman doonaan sidii markii hore la isku diiwaangelinayeen, halkaasaanu Qof waliba ka qaadan doonaa kaadhka cusub, labadii hore la siiyeyna laga xarayn doonaa. Wixii tafaasiil ah ee halkaa ka imanaya iyo Qofkii iska waaya, siduu noqonayo arrimaha noocaas ah olole balaadhan oo wacyigelina oo aanu qaadi doono ayaa lagu faahfaahin doona.” Mar uu Afhayeenku ka hadlayay sababta kalliftay inay Kaadhadh cusub ku bedelaan Waraaqo Aqoonsi oo hore ku talo-galku ahaa in lagu Doorashada oo dadweynaha Somaliland loo qaybiyay, waxa uu yidhi, “Waxaan Dadweynaha u sheegayaa sababta aanu u samaynay tan waxa weeye, khaladkii hore ee diiwaangelintii hore kala sifayntii aanu galnay ee wakhtiga dheer nagu qaadatay ee aanu wadnay, dhan walba markaanu ka eegnay si loo helo doorasho xalaal ah, ugana soo baxdo natiijo xalaal ah, waxa daruuri noqotay in la bedalo kaadhadhkii hore, kuwo cusubna la soo sameeyo oo kuwii hore ka adag, oo aan la foojeri garayn karayn.” Afhayeenku wuxuu sheegay in ay isla qaateen samaynta Kaadhadhka cusub Komishanka Doorashooyinka, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Axsaabta iyo Qaadhaan-bixiyayaashu, isla markaana wuxuu ka warbixiyay shirkadda ay siiyeen Qandaraaska samaynta Kaadhadhka. “Ciddii qandaraaska soo samaynaysayna waanu bixinay, dhawr shirkadoodbaa u soo tartamay kii ugu fiicnaa ee ugu dhakhsaha badnaa ee ugu amni badnaa ayaanu qaadanay. Waxa ku jiray dhawr shirkadoodbaa oo reer Somaliland ah oo tartamay oo runtii aad u fiicnaa oo wanaag keeenay, laakiin duruufaha aynu ku joogno markii aanu eegnay waxay noqotay in kuwii wadaniga ahaa in lagaga wanaagsanaado shuruudihii aanu markaa doonaynay…” ayuu hadalkiisa raaciyay. Server-ka iyo hawlihiisa: Waxa kale oo uu Mr. Geelle ka hadlay halka ay marayso kala-shaandhaynta Liiska Cod-bixiyayaasha Doorashada, ayaa wuxuu yidhi, “Arrin kale ayaa jirta oo Dadku aad isu waydiiyaan oo ah SERVER-ka (Agabka kala shaandhaynta Cod-bixiyayaasha) oo hawshiisii halka ay marayso in badan la is waydiin jiray..intii hore waxaanu wadnay seeska hore ayaanu soo wadnay oo aan muuqan, imika ayuun baanu talaabadii u horaysay aanu qaadaynaa. SERVER-ka hawshiisii waa la galay, laba nooc ayuun buu noqonayaa; mid waa ka Kombuyuutarku isagu isa-sifaynayo oo dadka ku celceliyey uu soo saarayo, midna waxa weeye, waxa jira qaladaad kale oo aanu Mishiinku soo saari karin. Markaa taasna waa in loola tago gacan Bani’aadam oo Ishu ay eegto.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa jira 96,000 oo codbixiye oo uu soo saari kari waayey SERVER-ku, isla markaana akhriyi kari waayey, Xisbiyaduna mar isku raaceen in meesha laga saaro oo liiska laga tuuro. Haddana, waxay noqotay tiro aad u fara badan oo aan laga tagin karin, taasi waxay kaliftay in aanu u samayno Kooxo farabadan ama Dad aqoon u leh IT-ga oo ay gacanta ula tagaan, macluumaadkoodii hore ee qornaa gacanta loola tago oo kombuyuutarka laftiisa isha lagu eego oo la kala saaro, taasna waanu ku guulaysanay oo badankoodii kuwii la lahaa wuu akhriyi kari waayey SERVER-ku way soo baxeen, wixii qaladaadee ku jirayna waa laga saarayaa.” Mr. Geelle wuxuu halkaa ku soo bandhigay Sawirada dad aad da’doodu yar tahay oo la diiwaan geliyay, dad Qoryo ama Hub iyaga oo haysta isa-sawiray oo isku-diiwaangeliyay iyo qaar Ajaanib ah oo aan dalka u dhalan, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin khaladaadka u yare e Diiwaangelintii la galay. Waxaanu sheegay in bixinta Kaadhadhku aanay ahayn is-diiwaangelin kale, balse dadka macluumaadkoodu saafi uga soo baxaan Liiska la siin doono.
Waxa kale oo uu Afhayeenka Komishanku sheegay in aanay bannaanayn Diiwaangelin dambe ilaa ay dalka ka qabsoomayaan dhammaan Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanku. “Xeerka diiwaangelinta lifaaqiisa la raaciyey ee qodobka 6-aad ee sheegaya xidhista diiwaangelinta, ayaa waxa uu dhigayaa marka la dhameeyo diiwaangelinta gobollada iyo degmooyinka ma jiro qof dambe oo la diiwaangelinayaa, diiwaangelin cusub waxa la furi doonaa marka ay dhamaadaan doorashooyinka inagu soo foolka leh ee Madaxweynaha ilaa ta dawladaha hoose. Markay wada dhamaadaan ayaa komishanku ku dhawaaqi doonaa wakhtiga dambe ee diiwaaangelin, arrinkaasi waa muhim oo aad baan ugu celcelinayaa oo dadkii hore ee aan is-diiwaangelin shaqsi ahaan iyo deegaano ayaa jira laftooda aanay diiwaangelintu ka dhicin sabab kasta ha noqotee bari iyo galbeedba iyo ashkhaas kale oo magaalooyinka jooga oo aan is diiwaangelin, intaba waxaanu u sheegaynaa inaanay jirin diiwaangelin cusub oo la samaynayaa.” ayuu yidhi Geelle.
Waxa kale oo uu Afhayeenku sheegay in eedda wixii ka xumaaday Diiwaangelinta ay Qaadhaan-bixiyayaashu saareen Somaliland oo ay sheegeen in ay iyagu sabab u yihiin. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay hagaajiyaan Diiwaangelinta, qaadashada Kaadhka iyo arrimaha doorashadaba, kuwaas oo uu sheegay in haddii ay xumeeyaanna ay xumaanayso, hadday wanaajiyaan-na ay wanaagsanaanayso. Waxaanu baaq u jeediyay shacabka. “Haddaad ILLAAHAY taqaanaan oo ummad islaama aad tihiin oo wadankeena iyo aayaheena intaba aynu dan ka leenahay, waxaan idinka codsanaynaa oo baaq aanu u jeedinaynaa ciddii hal Kaadh wax ka badan qaadatay inay iskeed isaga soo celiso oo maalinta aanu kaadhadhka cusub samaynayno ay keenaan ama ka horba ay keenaan xafiisyada uu Komishanku ku leeyahay gobollada, taasi waxay noo fududaynaysaa inuu inoo soo dagdago hawsha iyo shaqadu oo mishiinkan aanu ku baadhaynaa, haddii ay noo keenaan waanu ka saaraynaa, wayna noo hawl yaraanaysaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay. Dhinaca kale, Su’aalo halkaa lagu waydiiyay iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan;
S: Su’aasha ugu badan ee ay dadweynuhu isweydiinayaan waxa weeye, waqtiga Doorashadu qabsoomayso, ma jirtaa muddo cayiman oo aad isleedihiin waad kaga baxaysaan hawlaha idiin hadhay markaad eegto?
S: Muddo badan baa laga joogaa ilaa maalintii la idin doortay ee xisbiyadu heshiiyeen, ka mid baad ahaydeen 6-dii qodob maadaama idinka la idin doortay..Markaa markaad maanta shaacisaan Kaadhadh cusub baa natiijada ka dib la samayn doonaa, miyaan la odhan karin Doorashadii way sii fogaanaysaa? Ta kale miyaan la waayi karin muwaadiniin kale xaqoodii? J: Qodobkaa malaha markii hore waan ka boodee, dadkii isdiiwangeliyey 15 cisho ee dambe ee aan la siin Kaadhadhka ee Foomamka la siiyey, way helayaan Kaadhadhkooda oo kuwan la soo daabacayo ayey ku jiraan, maxaa yeelay sawirkii baa laga hayaa iyo macluumaadkii kale, wixii amniyana aadbaanu ugu dedaalnay. Hawshana hadda Hindi nooma hayso ee inagaa gacanta ku haysana, Liiska cusubna halkaa uu ka soo baxayaa waa Server-ka halkan (Somaliland) inoo yaala ee khuburadu inaga caawinayso. Midda kale, Kaadhadhkan cusub bixintoodu dib uma ridayaan doorashada, waxaanay qaadanayaan muddo bil ah. Kollay waxaanu samayanay bandhig liiska aanu u soo bandhigaynay dadweynaha, tii ayuun baa Kaadhka cusubna la raacinayaa, isla maalintaas ayuun baa la bixinayaa doorashada dib uma ridayso kaadhkaa cusub, intan nidaamku socdo ayaa iyagana la soo daabacayaa wakhti dheerna ma qaadanayso, sanadkan gudihiisa ayuunabayna doorashadu dhacaysaa. Ogaal |