Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badane
Aan doonahayn inaad heshona daa\’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoo wax u dahsoonayne
Dilla malaha aakhiro haddii loo kitaab dayo ..... Qamaan bulxan
Sida ay qoreen shakadaha wararka badankoodu xaflad soo dhoweyn ahayd oo uu xisbiga
UCID kusoo dhoweeyey haween kusoo biirey xisbiga ayaa gudoomiyaha UCID Eng: Faysal
cali waraabe wuxuu ka sheegay in dawlada maanta jirtaa ay ku timid laba arimood oo
kala ah 1-somaliland yaan cid qudhi haysanin ee maalinba qolo ha qabato maamulka iyo
ta labaad oo ah ku xumee oo cid baa lagu xumaynaayey ee cod kuma soo bixin. habada
sidaynu ka warqabno markii lagu murmay natiijadii kasoo baxday doorashooyinki
madaxtinimada somaliland faysal wuxuu ahaa shakhsigii u horeeyey ee u markhaati
furey xukuumada riyaale iyo xisbiga UDUB isagoo weliba xisbiga kale ee mucaaridka
ku eedeeyey in uu m/weynaha xag-xaganayo. dadka reer somaliland aqoon fiican
wakhtigaa uma lahayn balse waxaa loo qaatay uun hadalkiisii markhaati been ah oo
hinaase ku fadhiya
Shakina kuma jiro cidna kama qarsoona in aan dawlada riyaale cod iyo caqli toona
kusoo bixin wakhtigii doorashooyinka balse waxaa markhaati ma doon ah in uu faysal
kow ka ahaa dadkii suurto galiyay in xukuumada riyaale meesha kusoo noqoto maadaama
uu hiilki ugu balaadhnaa u fidiyay isagoo siduu qirtay ku xumaynayay xisbiga
mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE oo dad badani aaminsanaa in uu doorashada ku
guulaystay. iminkana eedeymaha iyo dhaliilaha faysal maaha qaar ku cusub dhegaha
dadka sidoo kalena mucaaridnimada Faysal cali warabe maaha mid laysku haleyn karo
xiligan xaasaasiga ah ee doorashooyinku inagu soo fool leeyihiin maadaama looga
bartay in uu mar kasta oo doorasho soo dhawaato la safto xisbiga talada wadanka la
ambaday ee UDUB
Todoba sano oo musuqmaasuq waxqabad la\’aan iyo hanti uruursi xukuumada riyaale ku
jirtay faysalna umada wuxuu la dhex joogay hoosaasin gardaamo iyo markhaati been ah
oo aan cidi ka dalban isagoo ka been sheegaya magaca mucaarid ee uu huwan yahay iyo
xisbiga uu ka tisan yahayba. Mar kasta oo muran siyaasadeed ka dhasho garbaha
siyaasada somaliland wuxuu si aan qarsoodi lahayn ula saftaa xukuumada riyaale
isagoo aan u muuqanayn hogaamiye qaran una dhaqmaya sidii wasiir ka tirsan dawlada
mararka qaadkoodna waaba shakhsiga ugu soo horeeya ee dawlada u geeso gafuura
dulmiga shacabka. waxaa taas cadeyn kuugu filan sidii kalsooni darada ahayd ee uu
xukuumada riyaale ugu taageeray sanadkii hore markay ururka QARAN isugu dartay xukun
xadhig iyo xiyiraad siyaasadeed isugu jira
Faysal wax xil ah oo caam ah kama soo qaban dawladii somaliya iyo somaliland toona,
saaxada siyaasada somaliland wuxuu kusoo biirey markii ay bilaabantay geedi socodka
dimuqraadiyada iyo furashada ururo siyaasadeed oo ka qayb gala doorashooyinka
wakhtigaa oo ay siyaasiyiintii ka magaca iyo miisaanka waynayd ee beeshiisu ku
maqnaayeen muqdisho iyo nayroobi. sidoo kale faysal dhinacna kagama jirin halgankii
qadhaadhaa ee wadanka lagu xoreeyey garab milatari mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed
toona
Faysal inuu yahay kalitaliye macangag ah oo aan waxba ka ood sokeyn daahir riyaale
waxaa kuugu filan sida faashilka ah ee uu ugu fashilmay hogaaminta xisbiga UCID
isagoo waliba taladii iyo hogaankiiba gacantiisa kusoo koobey waxaa marag ma doon ah
in uu faysal u dayici lahaa somalland siduu u dayacay xisbiga UCID ee uu inta badan
hogaanka u hayay.dad badan indheer garad oo siyaasada ka faalooda ayaa aamisan in
xisbiga UCID uu yahay shandad (wallet) uu nin kaliyi jeebka ku wato oo hadii uu
wadanka joogana xisbigu wadanka joogo hadii uu ka maqan yahayna xisbigu wadanka uu
ka maqan yahay
Fikradaasi waxay sii xoogeysatay markii kaaliyaha arimaha dibada marekanka u
qaabilsan arimaha africa Jandyer Frazer ay booqasho gaaban ku timi magaalada
hargaysa ee caasimada somaliland. Miss Jandyar waxay codsatay intay ku gudo jirtay
booqashada inay la kulanto saddexda xisbi qaran iyo Urursiyaasadeedka dawladu diiday
sharciyadiisa ee QARAN kulankaas gudoomiyaha UCID wuxuu ku maqnaa safar dibada ah,
maqnaashaha gudoomiyaha UCID waxay sababtay in la waayo xubin muhiim ah oo uga qayb
gasha kulanka xsibigana metesha taasina waxay sii daah furtay kelitalisnimada Faysal
cali waraabe iyo in uu xisbigu kaligii yahay
In kastoo aanu xisbiga UCID wali qabsan shirkii golaha dhexe ee lagu soo dooranayay
musharixiinta jagada m/weynaha iyo ku xigeenka hadana waxaa muran ka taagan yahay
inta ay ka kooban yihiin xubnaha golaha dhexe iyo qaabka loosoo xuley inuu yahay
heer gobol, hab beeleed iyo xitaa inuu yahay 4.5 formula sidoo kale faysal wuxu hore
u sheegay in jagada m/weyne ku xigeenka xisbiga UCID u furan tahay qof kasta oo
kasoo jeeda beesha dhulbahante ee gobolka sool balse waxaa igu maqaala ah in ilaa
hadda aanay jirin u taagan ama u tartamaysa jagada m/weyne kuxigeenka oo xisbiga ka
tirsan iyo cid kusoo biirtay toona
Kalsoonida darada faysal ka haysata in wadanka doorasho ka dhacdo waxay sababtay
inuu heshiis siyaasadeed kula galo gudoomihaha UDUB wax kasta oo dib u dhigaya
doorashooyinka. labada gudoomiye oo aan midkoodna doorasho diyaar u ahayni waxay ku
adkaysanayaan in diiwaangelintu kasoo horeyso doorashooyinka mar walba si ay cimri
dherer siyaasadeed uga dhigtaan oo uga wasii war wareegaan guul darooyinka iyo jabka
ay la damacsan yihiin dadka reer somaliland ee isbedelka u oomani
Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal cali waraabe wuxuu sheegta shakhsi ka madaxbanan
qabyaalada oo noqotay cudur maaro loo waayay oo saameyn weyn ku leh dadyawga
somaliyeed meel kasta ha joogaane laakiin taasi waxay beenowday markii shirweynihii
xisbiga UCID uu ka saaray shirka sagaal nin oo isku beel ah oo usoo jeediyay in
doorashada xisbiga lagu galo tartan xalaal ah isagoo waliba eedeyn iyo canbaareyn
dusha uga tuurey ayka mid yihiin XISBIGA MEEL WALBA WAAD KAGA JIRTAAN IDINKAANU
IDINKA DHAQAAQI LAAYAHAY.
Faysal wuxuu caadifad iyo cuqdad qof ahaaneed ka qabaa ururkii mujaahididinta ee SNM
ee faysal iyo wadankaba xoreeyay waxaa taa daliiil u ah sida macnadarada ah ee uu
bilowggii bishan ugu soo qaatay tusaalaha quudhsiga iyo xaqiraadu ku jirto isagoo
leh ururkaygu maaha sidii ururkii SNM ee cid waliba iska soo sharixi jirtay.in
kastoo uu jawaab mug iyo miisaal leh ka bixiyay qoraaga caanka ah ee boobe yuusuf
ducaale hadana hadana wuxuu ahaa hadal meelka dhac ah oo aan loo miidaan deyin
Faysal wuxuu kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada kambala ee dalka unganda
badhtamihii 2004 Raysal wasaare kuxigeenki hore ee DFKG somaliya Xuseen caydiid
kulanka faysal cali waraabe iyo xuseen caydiid oo ay daabacday shakada wararka ee
somaliweyn waxa shaki iyo walaac badan ka muujiyay dad badan oo yaqaan isbed bedelka
iyo fudaydka faysal cali waraabe oo ku tilmaamay in ay faysal ka suurtowdo in uu
maro dhabadii ay mareen Ismacil hurre buubaa iyo jaamac maxamed qaalib oo ay
labadaba deegaan ahaan iyo beel ahaanba faysal kaso wada jeedaan iminkana safka hore
kaga jira codowga somaliland
Nin ay ehel ahaan iyo siyaasad ahaanba isku dhow yihiin faysal cali waraabe ayaa ii
sheegay in aan faysal lahayn wax damac ah oo suurto gelinaya in uu hantiyo kursiga
ma dhaafaanka ah iyo madaxtooyada balse wuu ku qanacsan yahay uun la tartanka
mujaahid siilaanyo iyo m/weyne riyaale. dhanka kalen kalena markaaad u fiirsato
habdhaqanka siyaasadeed ee faysal yare waxaad ogaanaysa in aanu diyaar u ahayn in
somaliland isbedel ka dhaco sidoo kalena diyaar uma aha in uu daahir riyaale sii
joogo
Hussein Guuleed Howle