"Ha la ogaado caqliga ina xukumaa waa kaa, anigu maanta musharrax Madaxweyne ayaan
ahay waanu simanahay, sannadkaana baada ah anigaa ku bixiyey ee KULMIYE muu ogolayn, in
la siiyo, markaa waxa weeye nin mas korsaday isaguu cunaa, 84-kii codna anigaa u
xalaaleeyey. Sidaa daraadeed qof aan milgo iyo sharaf lahayn ayaa kursigeenii
fadhiistay, markaa annagu reer Awdal ayaanu ixtiraamaynaaye isaga ixtiraami
mayno”.
Hargeysa-Hoggaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta xukuumaddu ka
horistaagtay socdaal shaqo oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Gabiley ee xarunta
Gobolka cusub ee Gabiley.
Weftigan oo uu horkacayey Guddoomiyaha xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa
ujeedadada socdaalkoodu ahaa mid la xidhiidhay tababar xisbigu u qabanayey
dhallinayaro reer Gabiley ah iyo inay qalabka ciyaaraha siiyaan koox kubadda
ciyaartoy ah, balse markii ay gaadheen kaantaroolka Caabula ayaa ciidan boolis ah oo
uu hoggaaminayey Taliye-ku-xigeenka Qaybta waxay diideen inay halkaa dhaafaan, iyaga
oo ciidaankaasi sheegay inay amar ku haystaan in aanay halkaa dhaafin.
Guddoomiyaha xisbiga Eng. Faysal Cali-waraabe oo isla goobtaas saxaafadda kula
hadlay, ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqabli Karin, isla markaana waxa uu
ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale inuu doonayo waddanka qas inuu geliyo.
Annagu hore ayaanu u ogayn in Gobolka Awdal lagu maamulo sharci aan ahayn ka
dalka Somaliland lagu maamulo, laakiin waxaan garan la’ahay goorta uu amarkaa
Awdal ku eekaa uu ku soo fiday Gabiley, waayo Awdal baa loo maamuli jiray sidii
maqaaxi laga leeyahay Madaxtooyada.
Waxaannu u nimi in aannu dalkan badbaadino, umaynu dagaalamin in 20 ay cunnaan
cashuurtii dalka, umanu dagaalamin in carruurteenu badda isku tuurto, umaanu
dagaalamin in caarkayaga (dumarka) lagu shokaansado, umaynu dagaalamin in aynu
abuurno 50 qof oo taajiriin ah iyo 3 milyan oo dawarsanaya. Waxaynu u dagaalanay in
aynu cadaalad iyo dal horumar leh samayno oo aynu soo celino sharaftii aynu Geeska
Afrika ku lahayn, ayuu yidhi Md. Faysal.
Eng. Faysal waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale uu doonayo in aanay isaga iyo
dalku kala hadhin ee ay mar wada dhintaan, balse ay iyagu ka roonaanayaan oo aanay
marnaba taa ka yeelayn. Isaga oo Rayaale ku tilmaamay qof loo dhiibay waxaannu milgo
u lahayn, balse isagu uu masuul ka ahaa muddo kordhintii loo sameeyey.
Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Dadka waxaan leeyahay
Diiwaangelinta ka soo qaybgala oo codka bixiya, ogaada in aynu todoba sanno oo
dalkeenii rahmaad la inagaga haystay galnay, Rayaale wuu isku duuduubay dalkan oo
wuxuu leeyahay ama na wada dila amba naga taga, waxaannu leenahay idin wada
dilimayno ee adigaanu cod kaaga qaadi. Ha la ogaado caqliga ina xukumaa waa kaa,
anigu maanta musharrax Madaxweyne ayaan ahay waanu simanahay, sannadkaana baada
anigaa ku bixiyey ee KULMIYE muu ogolayn in la siiyo, markaa waxa weeye nin mas
korsaday isaguu cunaa, 84-kii codna anigaa u xalaaleeyey. Sidaa daraadeed qof aan
milgo iyo sharaf lahayn ayaa kursigeenii fadhiistay, markaa annagu reer Awdal ayaanu
ixtiraamaynaaye isaga ixtiraami mayno.
Eng. Faysal Cali waxa kale oo uu ka digay haddii xisbiga UDUB mar kale talada dalka
dib ugu soo laabto, waxaannu sheegay inay magaalooyinka Somaliland kala go’i
doonaan wado xumo darted.
Abdi Adan