فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 6
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 10:32 am



News
Thursday, September 18, 2008
Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Siilaanyo


Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu nuxurkiisu ahaa inaanay waxba ka jirin warar sheegayay in UCID iyo UDUB dhexdhexaadin ka galleen muranka ka dhex aloosan madaxda sare ee KULMIYE.

Guddoomiye Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray Axadii toddobaadkan, waxa uu si adag ugu naqdiyay warar sheegayay in labadaas xisbi dhexdhexaadin ka galleen khilaafka KULMIYE, isaga oo tilmaamay inaanay caqliga gelin in UDUB raadiso nasteexa KULMIYE, “Waxan halkan idinkula socodsiinaynaa, in bar yahan ay Website-yada qaarkood iyo joornaaladuba ay qorayeen in Xisbiga UCID iyo UDUB ay wadeen inay dhex-dhexaadiyaan xurgufta yar ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah. Waxa jirtay keliya mar ay wada-jir noogu yimaadeen oo ay yidhaahdeen ma idin dhex-galnaa, waxanu nidhi anaga oo qosleyna; ‘waad mahadsantihiin annaga ayaa isku filanaa’ Faysal wuxuu yidhi; ‘waan arkaayey dimuqraadiyada badani Siilaanyow inay dhib la imanayso’.  Ayuu Md. Siilaanyo ku yidhi warsaxaafadeedkiisa waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan halkan ku cadaynaynaa in ay arrintaasi tahay been aan sal iyo raad toona lahayn, caqligana aanay geli karin UDUB-baa maslaxad KULMIYE raadinaysa. Waxa kale oo aanu halkan idiinku cadaynayna in KULMIYE uu hawlihiisa dhammaysanayo wax uu uga baahan yahay UDUB iyo Qayrkeed toona aysan jirin, wararkaasina ay yihiin waxba kama jiraan.”

Jawaabta Faysal

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isaga oo ku sugan magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inaanay jirin wax dhexdhexaadin ah oo ay ka galleen muranka KULMIYE, waxase uu xusay inay labada garab ee KULMIYE ugu tageen tallo soo jeedin ah oo uu nuxurkeedu ahaa inay murankooda dhammaystaan, “Annagu waanu ka xunahay inuu guddoomiyaha KULMIYE u jawaabo war aan sal iyo raad toona lahayn, waxa laga jawaabaa wixii jira ee wax ay Warbaahintu iska qortay lagama jawaabo, horena waan ugala taliyay Siilaanyo oo waxaan ku idhi Warbaahintu waxay qoraan ha ku ficil qaadan.” Ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas raaciyay, “Annagu marna maanu dhexdhexaadin ee kulan tallo ah ayaanu ugu tagnay waanu naga aqbalay, oo wuu na soo dhweeyay waxaanu yidhi waad mahadsantihiin inaad nagu guubaabiseen inaanu arrimahayaga dhammaysano, laakiin annagu dhexdhexaadin marna ulamaanu tagin, taasina waxay ku tusaysaa inuu Siilaanyo ku xidhanyahay waxa ay warbaahintu qorto ee aanu xaqiiqada ku xidhnayn.”

Ugu dambayn Md. Faysal Cali Waraabe, waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Markaas waanu ka xunahay inuu iskaga kaayo dhalleeceeyo war aan annaga naga soo bixin. Horena ugu maanu odhana ma idin dhexdhexaaidnaa, haddana ma lihin ee wixiina dhammaysta ayuun baanu nidhi waanan ku celinaynaa taas, oo weliba waxaanu jcelanahay UCID, ahaan haddii aanu mucaarad nahay in mucaarakdu koro oo aanay burburin. Markaas waxaanu leenahay arrimihiina ku dhammaysta wada hadal.”

Source: Wargeyska Geeska Afrika.

Posted by SomaliLand Future on 09/18 at 07:23 PM
News