فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 537
Total guests: 11
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 09/09/2010 01:03 pm



Articles
Thursday, March 11, 2010
FAADUMO SICIID OO KURSI DHEER U SOO FULAYSA DHINACA SIYAASADA.


FAADUMO SICIID OO KURSI DHEER U SOO FULAYSA DHINACA SIYAASADA, KA DIB MUDO DHEER OO AY ARIMAHA BULSHADA KU SOO DHEX JIRTAY.



Warar xogogaal ah oo shabakada Golis news ay heshay ayaa waxay xaqiijinayaan in Faadumo siciid Ibraaim ay wiigaga soo socda si toosa u soo guda gelayso siyaasada Somaliland isla markaana ay markii u horaysay muujinayso cida ay mabda’ ahaan isugu dhaw yihiin ee ay lasafanayso waqtigan aadka xasaasiga u ah ee inagu soo food leh,

Faadumo siciid waa aqoonyahanad reer Somaliland ah mudo dheer ku soo jirtay arimaha bulshada iyo horumarinta xabsiyada aqoonta booliska iyo sidii shuruucda madaniga ah loo hagaajin lahaa, faadumo siciid waxay mudo aad u dheer la soo shaqaynaysay qaramada middoobay gaar ahaana haayadeeda UNDP, waxayna mudadaas ahayd shamac ka soo if baxay guud ahaan haaydaha iyo wax uqabashada bulshadeena danyarta u badan, waxay aad isugu hawshay waxna ka qabatay baahiyaha haweenka iyo guud ahaan dhalinyarada iyadoo uga tagtay qaramada midoobay hawlo saamayn ku yeeshay qaranimada Somaliland oo ay meel adag iska taagtay, aakhirkiina ay xilkii ay u haysay miiska ugu tirisay, waxayna markiiba dhidibada u taagtay, xafiiska horumarinta iyo arimaha biniaadanimada ee Somaliland oo ay halkeedii ka sii waday hawlo muhiim ahaa oo ay gacanta ku haysay iyo qaar halkaas ugu suura geliwaayayba.

Faadumo siciid waa shakhsiyad ku adag somaliland, ka fog eexda iyo musuqmaauqa oo aan ku dhaqmin qabyaalada waxaanay dhiiri gelisaa guud ahaan haweenu sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horusocodka nololeed.

Faadumo siciid oo runtii aad looga yaqaano Somaliland sababna ay u tahay hawlkarnimada iyo muwaadinimada ayaa mudo dheer waxaa la saadaalinayay oo bulshada dhawr goorna soo dhex gashay inay siyaasada isu soo taagayso isla markaana ay dhineceeda qabsanayso hawlaha hogaaminta dallka,

Arintan cusub ayaa waxay dad badan ku beeraysaa yididiilo iyo u hanwaynaan dhineceeda ah waayo dad badan ayaa aaminsanaa hadiii afar shan qof oo sideeda ahi hadii ay kujiri lahaayeen haayadaha in wax badan loo qaban lahaa bulshada.

Hadaba sababta keentay in xiligan ay ku biirto markii ugu horaysay siyaasada ayaa dadka qaar ku sababynayaan in ay tahay in ay u muuqdeen goldaloolooyin badan oo u baahan inla awdo, marwo Faadumo Siciid ayaa waxa la rumaysan yahay in xisbiga ay taageerada kula ciirtaa uu noqon doono mid ay guul badan iyo taageero ay shacabka kahaysataba ay u soo hoysay,

Waxase iswaydiintu tahay xisbiga uu noqon doono xisbigaasi, oo in badan oo bulshada hi ay aaminsantahay in ay saluugsan tahay hab maamulka xukuumada hada jirta ee UDUB isla markaana aanay isku wanaagsanayn madxda sare ee xisbiga KULMIYE taasina waxay si cad inoogu saadaalin kartaa ion xisbiga 90% lagu kalsoonyahay in ay ku biirtaa uu noqonayo xisbigaUCID , cid kasta oo ay noqotaba waxa aynu sugnaaba waa dhamaadka bishan aynu kujirno ama bilawga bisha danbe ee April
GOLIS NEWS





Posted by SomaliLand Future on 03/11 at 02:18 PM
Articles