| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 95 Total guests: 4 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 12/04/2008 12:23 am |
|
|
News Saturday, September 20, 2008 ERGADII KULMIYE KU DHEX JIRTAY OO LABA QODOB SOO WADDA Ergadii ku dhex jirtay labada garab ee xisbiga KULMIYE ee isku khilaafsan natiijadii ka soo baxday shirkii Golaha dhexe ee xisbigaas Burco ugu qabsoomay, ayaa la sheegay inay hawshoodii soo gebagebeeyeen. Ergadaas oo ka kooban siddeed xubnood oo afarba dhinac ka socoto, waxa ay maalmihii ugu dambeeyay ku dhex jireen kulamo gooni gooni iyo wada jirba ay ula yeelanayeen labadaas garab, si ay u dhuuxaan barta uu ka aloosanyahay khilaafaadka siyaasiga ah ee madaxdaas KULMIYE ka dhex oogani. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in ergadu markii ay dhagaysteen doodaha labada garaba ay diyaariyeen laba qodob oo ay u arkeen in lagu soo afjari karo khilaafkaad jiitamay, kuwaas oo lagu macneeyay inay yihiin soo jeedimo. Inkasta oo aanay ergadu labadaas qodob si rasmi ah u soo bandhigin, haddana warar xogogaala oo uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in nuxurka labadaas qodob kala yihiin in aan dib loogu noqon oo la aqbalo murashixiintii shirkaas lagu doortay kuwaas oo kala ahaa Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo in mar kale la qabto shirkii Golaha dhexe ee xisbiga si waxyaabo kale dib loogu noqdo. Labadaas qodob oo aan weli si rasmi ah u soo bixin, ayaa la filayaa in ergadu labada garab ugu soo bandhigto kulankooda u horeeya ee ay wada jir ula yeelan doonaan oo la filayo inuu qabsoomo labada habeen ee soo socda. Lama oga jawaabaha ay labada garab ee KULMIYE ka bixin doonaan labada qodob ee ay ergadu u aragtay in lagu soo afjari karo khilaafka xisbiga. Laakiin waxa socda kulamo ay labada garaba siyaabo kala gooni gooni ah ugaga tashanayaan labadan qodob iyo go’aanka ay ka qaadan doonaan. Ergadan ku dhex jirtay madaxda sare ee KULMIYE oo isugu jira aqoonyahan iyo culimo magac ku leh bulshada dhexdeeda, ayaa waxa ay ka koobanyihiin siddeed xubnood, waxaana hormood u ah Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaanay magacyadoodu kala yihiin: Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye….Guddoomiye Md. Maxamed Jaamac Cabdi…….Xoghaye Sheekh Khaliil Cabdillaahi Maxamuud Ibrahim Axmed (Sandheere) Cabdi Biixi Taarwale Dr. Ismaaciil Cali Cabdillaahi Carab Shariif Abokor
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|