| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries
»Doorashadii Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka KULMIYE Oo Horseeday Burbur Ku Yimaad Xisbigaas
![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 114 Total guests: 9 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 01/06/2009 12:44 am |
|
|
News Saturday, August 30, 2008 Doorashadii Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka KULMIYE Oo Horseeday Burbur Ku Yimaad Xisbigaas Doorashii musharaxiinta jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo lagu waday inay doortaan ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbigaas oo shir uga socday magaalada Burco, ayaa shalay sababay burbur ku yimid xisbiga gudihiisa kadib markii sida la sheegay hoggaanka sare ee xisbigu fara-geliyay qaabkii ay doorashada jagadaasi u dhacday, taasina ay keentay in laba musharax oo ka mid ahaa afarta musharax ee u taagnaa tartanka jagadaasi aanay ka soo xaadirin madashii shirkaasi ka socday, kadib markii ay ka biyo-diiday qaabka loo maamulayo shirkaas, iyadoo musharaxii afraadna la sheegay inuu ka tanaasulay. Khilaafkan aakhirkii keenay burburka ayaa ahaa mid taagnaa tan iyo furitaankii shirkaas, kaas oo shirka ku keenay dhawr jeer dib-u-dhacyo, iyadoo laysku dayay marar badan in xal loo helo khilaafkaas ayaan haddana lagu guulaysan in laga hortago burburka iyo kala-qaybsanaanta soo waajahday xisbigii ugu weynaa mucaaridka Somaliland ee KULMIYE. Shirka oo shalay oo loo balansanaa in cod loo qaado qodobka laysku hayay ee qaabka loo dooranayo musharaxiinta ayaan laba soo qaadin, waxaanay taasi keentay in aanay madasha shirka soo fadhiisanin laba musharax ee jagada musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka u taagnaa oo kala ahaa; Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, iyo Axmed Xaaji Cali Cadami. Halka Prof. Ismaaciil Muumin Aarre oo ahaa musharaxa afraadna uu ka tanaasulay musharaxnimadiisii. Sidoo kale waxa madasha shirka ee shalay ka maqnaa ergooyin farabadan oo ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Balse dhinaca kale waxaa iyagu madasha shirka shalay soo fadhiistay gudoomiyaha xisbiga Axmed Siillaanyo oo u taagnaa musharaxa Madaxweynaha oo aanay cidi kula loolamayn iyo Cabdiraxmaan Saylici oo isagu u tartamayay jagada musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka, isla markaana uu Axmed Siillaanyo ku dagaalamayey sidii uu u noqon lahaa musharaxa isaga ku-xigeenka u noqonaya ee shirkaas lagu soo doorto. Furitaanka shirkaas ayaa gudoomiyaha shirweynuhu wuxuu ergadii shirka fadhiday oo tiradooda lagu sheegay 131 ergey cod u weydiiyay Musharaxa Madaxweynaha oo Axmed Siillaanyo isu taagay, waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday Axmed Siillaanyo inuu noqdo musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE 129 ergay, halka hal ergay uu ka diidday, mid kalena uu ka aamusay. Sidoo kale waxaa isagana cod loo qaaday musharaxa Madaxweyne ku xigeenka oo ahaa Cabdiraxmaan Saylici oo isagu kelidii ku sugnaa shirkaas shalay, waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday 123 ergey, halka 3 ergey ka diideen 4 ergeyna ka aamuseen. Waxa kale oo madashaas shirka shalay cod lagu ansixiyey guddida fulinta ee xisbiga oo tiradooda laga dhigay 35 xubnood iyo shan la-taliye, halkii ay markii hore ka ahayd tirada guddida fulintu 25 xubnood. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo doorashadiisa ka dib halkaas khudbad ka jeediyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Marka hore waxaan hambalyo guud u dirayaa shirka, shirkana waxa uu ahaa mid ummaddu sugaysay waxa ka soo baxa qaar badan oo Somaliland u cadow ah iyo kuwa u arka wanaaga KULMIYE in aanay dani ugu jirin ayaa ka naxaya. Waxaana ku farxaya maanta inta danaysa wanaaga KULMIYE, danta dalka waynu malayn karnaa, waana wax dabiici ah shir kastoo ay iskugu yimaadaan in dad walaalo ah oo leh damac siyaasiya ku tartami karo taasina waa ta aynu doonayno inaynu dalka ku hogaamino. Haddii aynu doonayno in dalkeena dimuqraadiyadi ka dhacdo waxa inugu waajiba in ay gudaheena ka muuqato,” ayuu yidhi Axmed Siillaanyo, waxaanu intaas raaciyay “Waynu ogeyn shirweynihii hore ee xisbiga maantana waynagaa qabanay shirweynihii golaha dhexe ee Musharixiintii soo saaray, halkan waxa ka muuqda dimuqraadiyad badan, Dimuqraadiyada macnaheeduna waxa weeye in qof waliba cabiro dareenkiisa oo soo bandhigo damaciisa siyaasadeed laakiin waxa waajib ah in loo maro jidka ay leedahay. Balse ta maanta dhacdayna waa taas, waxa jira xubno xisbiga ka mid ah oo hunguri ka qabay Hogaanka dalka. Qaarkood way soo baxeen qaarna may soo baxin. Anigu waxaan ahay kuwa soo baxay waxaan jecelahay walaalahayga aan soo bixin in aan aad uga xumahay inay u dhici wayday siday jeclaayeen in teena cadhootayna ay raali ahaadaan, inaguna waxaynu ka shaqaynaynaa in aynu soo celino walaalaheen waa isa saamaxaynaa waxaynanu u guntanaynaa in aynu dalkeena daacad ugu shaqayno” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Siillaanyo. Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay C/raxmaan Saylici waxaanu yidhi “Marka Hore waxaa mahad leh Illaaha inoo suurto galiyay wixii aynu halkan iskugu nimi oo ahayd danta ummadda iyo ta xisbiga waxaanan idiinku mahadnaqayaa sharafta iyo Boqornimada aad isaarteen. Waxaan anigu marka hore ahay dadka dalka iyo dadkaba u gurmada oo jecel in aan noqdo nin wax ka bedela dhibaatooyinka ka jira dalka taasna waan u soo tafaxaytay. Waad ogtihiin dhibaatooyinka uu dalka soo gaadhsiiyay xukunkii keligii taliska ahaa, wixii lagaga guulaystayna waxay ahayd qori, taariikhdaa ragii ku suntanaa halkan ayay fadhiyaan intoodii badnayd intii ku shahiidayna Alle haw naxariisto, markaa maadaama lagu guulaystay xorayntaa, waxaan qabaa yoolkii in aanu gaadhin halkii la doonayay, 17 sano kadib wali waxaynu taaganahay halkii oo maynaan gaadhin wixii aynu higsanaynay halkan aynu maanta joognaa waa Burco oo ah halkii lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland. Waxaan leeyahay dayax gacmeedkii ugu horeeyay oo barbarada ayaynu saarayn, waxaan leeyahay maanta taariikhdu waxay qori doontaa dayax gacmeedka danbe in ay Somaliland guul ku gaadho, taasna waxa laga doonaya xisbigan” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici. Khilaafka hadadda qarxay ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa soo jiitamayay tan iyo badhtamihii sannadkii hore kaas oo marar badan dib-u-dhac ku keenay qabashada shirweynihii xisbigaas, blasé wada-hadalo hoose oo muddo socday ayaa lagu heshiiyay in la qabto shirweynaha, hase yeeshee dib loo dhigo doorashada musharaxiinta, iyadoo lagu heshiiyay in shirka golaha dhexe ee shirweynahaas lagu doortaa ay iyagu soo doortaan musharaxiinta xisbiga KULMIYE uga qayb-gelaysa doorashooyinka guud ee Madaxtooyada. Sidoo kale waxaa wada-hadaladaas hroe lagu gorfeeyay in ka hor shirka golaha dhexe la sii dhameeyo arrimaha khilaafku ka jiro. Inkastoo lagu guulaystay in jagada musharaxa Madaxweynaha loo baraxo Axmed Siillaanyo haddana waxay doodeedu in badan socotay jagada musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka oo muran ka taagnaa cidda isu taagaysa, iyadoo aakhirkii laysla gartay in loo daayo jagadaas inay ku tartamaan siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha darafyada, sidaasna ay afarta musharax ee hadda u taagnaa ku yimaadeen, kuwaas oo ay ahayd inay si madaxbanaan oo dimuqraadi ah xisbiga dhexdiisa ugu tartamaan. Hase yeeshee waxay arrintani faraha ka baxday markii gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna musharaxa Madaxweynaha oo aan jagadiisa cidi kula loolamayni uu si qaawan u farageliyay tartanka musharaxiinta ku loolamayay jagada musharaxa madaxweyne ku-xigeenka, isagoo Axmed Siillaanyo isku dayaya inuu isagu xusho musharaxa uu doonayo inuu ku-xigeenka u noqdo, taasina ay meesha ka saartay in musharaxa lagu doorto qaab dimuqraadi iyo qof iyo kartidii, arrintu ay noqoto kayga hala’ii doorto, taas oo xisbigii ku keentay kala-qaybsanaantii ugu weynayd iyo burbur hor leh oo ay adag tahay inuu ku loolami karo talada dalka. Haatuf |