فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 9
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 04:12 am



Articles
Friday, August 29, 2008
DANTA DALKA IYO TAN AWDALBA WAA SAYLICI IYO KULMIYE


Waxa la sheegayaa in tartankii Madaxweyne xigeenka ee kulmiye Mujaahidkii liqi
waayey in qof kale matalo bulshaweynta Awdal. Waxa Walaalkeen Cabdirahmaan Aw Cali
arki waayey xaalka xun ee dalku ku sugan yahay iyo sida hurdadau ku jirto ee uu ula
socdo, isagoo marna hawl waxtar ah u yeelan Awdal amba meel kale oo Soomaliland ah,
isagoo aamus ku bedelay inuu dhaliisha ay mudantay ku ntuuro dawladda.

Waxa lagu xusuustaa Ina Aw Cali inuu xisbiga Kulmiye waxtar u lahayn cidda is-tidhaa
waxtarna uu ka horjoogo. Waxaa taas daliil u ah doorashadii barlamaanka halkuu
joogay? Ma rumeysan kartaa inuu ka hawl galay meel aan qof ahaan mooyee een waxale
looga aqoon. Waxuu Awdal ku doorsaday Sanaag!. Ujeedadu waxay ahayd mas’uuliyada ka
carar iyo ciiro isku qaran.

Ma tahay in nin lix sanno hordu ku jiray oo sanqadha tartanka ku toosay in mar kale
uu hodo xisbiga mustaqabalka Soomaliland ee Kulmiye. Ma ogtahay inuu Ina Aw Cali
xubin ka yahay Guurtida. Maxuu ka qabtay, weli ma ka hadlau golaha, ma ka damqaday
dhibta saaran dalkeena.

Shaki badan ayaa saaran Mujaahidka oo waxa la leeyahay arrintu caajis iyo qaadiro
qaad ka fog. Haddaba waxa u eega inuu garto in maanta la fahmay oo ummadda Awdal iyo
tan goballada kaleba arkeen wax qabadkiisa, iyo kan dawlddda ayna rabaan isb edel
dhab ah oo ku yimaadab dalka, si loo badbaadiyo Somaliland.

Reer Kulmiye inta wax dooranaysa xilbaa saaran ha ogaadaan cidda cod soo hoyn karta,
hana u guntadaa guusha isbiga. Laba nin oo Jibriil Yoonis ah waa Riyaale iyo Ina Aw
Cali ah ee, ma u tartami mkaraan labada boos ee hoggaanka qaranka mar labaad? Yaa se
kolkaas codka helaaya? Miyey dhici kartaa in laba nin oo Isla Habar ka soo jeeda
reer Sh.Isaxaaq inay sidaas oo klae ka dhacdo/ Maxaa Samaroon meel looga dhacayaa?
Anigu waxaan reer ahaan ahay Makaahiil oo Ina Aw Cali ayaa ii dhow, bal se wax walba
waxa ka weyn hadafka aan leeyhaya ee ah in Ina Riyaale dalka laga qabto. Cidda cod
kulmiye ku biirin kartaa waa Cabdirahmaan SAYLICI.

Hanjabaad iyo cadhada Ina Aw Cali waa habaas isku qarain iyo badbaadinta Ina
Riyaale, Isaaq ha ka koro caadifadda uu ku soo jiito iyo ilmada yaxaas. Waxa Xisbigu
rabaa COD ee yaa haya? Su’aashaas is weydiiya, yeyna saaxiibada jecel inay waligood
ahaadaan Mucaarid ee guusha xisbiga minjo xaabinaaya idin afduubin. MAANTA WAA YAA
COD HAYA. WEYNA CADAHAY CIDDA HAYSAA.

U CODEE SAYLICI OO XAQIIJI GUUSHA XISBIGA KULMIYE.

Ahmed Abdi Geedismaris


Posted by SomaliLand Future on 08/29 at 02:32 PM
Articles