فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 95
Total guests: 10
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 12/04/2008 01:09 am



News
Sunday, September 21, 2008
Daahir Riyaale oo booqasho aan hore u qorshaysnayn ku tegey Ingiriiska


Hoggaamiyaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin oo ku gudajira socdaal aan rasmi ahayn oo uu ku marayo dalal ka tirsan Yurub ayaa maanta gaadhey magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Mudane Riyaale oo dalka ka ambabaxay Sabtidii toddobaadkii hore, iyada oo ay weheliyaan Xaaskiisa, Marwo Huda Barkhad, Xoghayntiisa gaarka ah iyo Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxa uu sii maray dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo uu ujeeddooyin kala duwan u tegey.

Dalka Faransiiska oo uu mudane Riyaale socdaalkiisan ka bilaabay, ayaa warsaxaafadeed uu soo diray Wasiirka Maaliyadda, mudane Cawil oo ah Afhayeenka Madaxweynaha, muddada uu socdaalka ku jiro, waxa uu ku sheegay in mudane Riyaale muddadii uu joogey dalkaas uu wadahadalo la yeeshay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, qaybta qaabilsan arrimaha Afrika, isla markaana uu kala hadlay arrimo khuseeya Somaliland, isaga oo ka dalbaday dowladda Faransiisku inay ka caawiso Somaliland dhinaca dhaqaalaha.

Hase yeeshee, mudadii mudane Riyaale booqashada ku joogey Faransiiska, waxa soo baxay warar sheegaya in Ciidamada Faransiiska ee fadhigoodu yahay Jabuuti ay u isticmaaleen dekedda Berbera hawlgallo ay ka fuliyeen Badweynta Hindiya ee Soomaaliya oo ay ku soo qabqabteen budh-cad badeed Soomaali ah oo maraakiib ay wateen muwaaddiniin Faransiis ah ku haystey xeebaha Soomaaliya. Warkan oo uu daboolka ka qaaday Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika ayaa iftiiminaya in booqashada mudane Riyaale ee Paris ay la xidhiidho iskaashi dhinaca ammaanka iyo sirdoonka ah oo Daahir Riyaale la sameeyey hay’adaha ammaanka Faransiiska, taasina ay tahay sababta uu uga tegey Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkaas, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe).

Booqashada Riyaale ee Faransiiska oo qaadatay muddo saddex maalmood ah, kadib, mudane Riyaale iyo weftigiisu waxay halkaa uga sii ambabaxeen Dalka Jarmalka, Arbacadii, 17 September.

Socdaalka Jarmalka, mudane Riyaale intii aanu dalka ka ambabixin, waxa uu saxaafadda u sheegay in Jarmalka uu u tegayo caafimaad dhinaca Ilkaha ah, kaas oo daba jooga qalliin sannadkii 2005 loogu sameeyey dhakhtar ku yaalla Jarmalka.

Hase yeeshee, socdaalkan uu maanta ku tegey dalka Ingiriiska ayaan hore loo sii sheegin, ujeeddadiisana aan la ogeyn. Waxaana halkaasi kaga biiray, isla markaana u sii gogol-xaadhayey mudane Riyaale, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Lama garanayo muddada uu Daahir Riyaale joogi doono dalka Ingiriiska iyo cidda uu la kulmi doono.

Xigasho: Somaliland.org

Posted by SomaliLand Future on 09/21 at 01:12 PM
News