| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 537 Total guests: 12 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 09/09/2010 01:04 pm |
|
|
News Wednesday, March 10, 2010 Cali Guray Oo U Hanjabay Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye.
Afhayeenka Xibiga Udub Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa manta si kuluul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxmuud (Siiranyo) Isaga oo ku dhaleceyay in aanu waxaba ka qaban Xumaanta ka socota xisbiga kulmiye ee ay kula kacayaan Masuuliyiinta Xisbiga Udub, waxa kale oo u Ahmed Siiranyo ugu Hanjebey in haddii uu siiranyo waxba ka qaban waayo Cayda lagula kaco Masuuliyinta Udub in Ahmed Siiranyo ay ku Adkan doonto in uu isaga gudbo Xafiiskiisa iyo gurigiisa magalada Hargeysa ku yaala. Isaga oo arinkaasi Ka Hadlayna waxa uu yidhi “Waxaan manta kulmiye u sheegayaa dulqaadkii udub ay idiin Dulqadaneysay waa siiro, Umadul qaadanayno in malinwalba intaydun dad soo Abaabushan Xog-hayahayga guud ku qayliyaan anaguna Manta laga bilaabo idin ixtiraamimayno man Dhacyso in uu ahmed siiranyo Hargeysa Tamashleeyo Xog-hayah Guud ee Udubna uu geed uu istago ka waayo waxaanu leenahay waanu Sameeyn karayney anaguba in Malintii uu Siiranyo imanayeey Wado walba gaadhi ku gooyno oo ciyaal iyo dumarka soo abaabulno oo ku qaylino, waxan kale oo aan idiin sheegay markii Xog-hayah lagu qaylinyeey kuwii kulmiye ugu waaweyna ay Qoslayeen, Waxan leeyahay wallahi axmed Siillaanyo waxa ku adkaan doonta in uu Xafiiskiisa iyo gurigiisa u kala gudbo haddii aanu waxba ka qaban Xumaanta xisbigiisa ka socota ee ay kula kacayaan madaxda xisbiga Udub.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Guuray Waxa kale oo uu Cali Guray ka hadlay in markasta been lagu faafiyo warbahinta oo la yidhahdo Udub waxay ku mudaharadaysaa kulmiye isaga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi, “Malintii ahmed Siraanyo uu London uu ka imanyey, Xanbaa soo baxaday oo o dhanaysa Udub waxay abaabulayaan in ay wadooyinka xidhan oo dadka soo saran oo dadku ku mudaharadan,Carqaladeeyan soo dhawaynta Siilanyo waydun ogeydeen sidii quruxda badneeyd ee sharafta la hayd ee Siiranyo loo so dhaweeyay iyo sida udub marnaba aanay waxa carqalad ah u sameyneyn anagu waxaanu marwalba ilaalinaa Xidhiidhka ka dhexeeyay xisbiyada iyo in uu Isxitiraam inoo Noqdo mid caado ah, lakiin waxa ixtiraamka la yidhahdaa waxa uu u bahanyahay laba dhinac, Xoog-hayah guud ee Udub ayaa waxa uu kormeer ku soo maray gobolada bari oo dhan caynab ayuu soo maray Burco, ayuu barigeed iyo galbeedkeda soo maray, Hargeysa marku marayo waxa aanu ognahay in loo dhigay Shan Jid gooyo cida dhigtay cida istagay maqal iyo muuqalba waanu ku haynaa oo waanu garanynaa markaa macaneheedu waxa weyan Xog-hayah Guud Hargeysa ma dhexe mari karo , Ta waxa ka sii darneeyd 20Feb munaasib ayaa laskugu yimid oo ka dhacday Beerta Xoriyada mucaaridkaa ka hadlay dadban oo so halgamey ayaa ka hadlay Xog-hayah guud marku hadlay ayaa ciyaal la soo Abaabulay oo Basas lagu keenay oo anu garanyno cida soo Abaabushay waxana lagu yidhi marku Xog-hayahu Mikirifoonka qaato qayliya waxaad ka arkayseen TV iyada oo dadkii la soo abaabulay ay ku qaylinayaan,. Waxa la yidhi mayd maxaa u danbeyey kaa la sii sido Malin dhaweed waxa la yidhi anaga laygama casuumine manaan Tagin ee halkan telefoon cusub oo laga furay magaceed ma Karo ayaa lagu Casuumay Xog-hayah guud ee Udub, Kulmiyana meesha way Barro dhigteeno meesha iyaga sii fadhiya Ahmed siiranyo ayaa ka hadlay iyo qaarkale oo farabadan xoog-hayah guud marku Makarafoonka Qaatay Awal carruur bay ahayde Ragii waaweeyna ayaa ooda guray, Anagu waxaanu leenahay siyaasadeen ka saara Qabiilka maalinba Awrkii dhamin karaya aynu dhansano Horena waan u sheegay oo Haddii qabyaalad laysku dooranayo baan idhi faysal cali waraabe isaga oo Aqalkiisa Hurada ayuu Madexweyne noqon lahaa waxaanu uga taganay ma ah waanu necebnahay ma ah waanu Xasidayanaa ee waxa kale ah ee anu uga tagnay waxa weeye dantii umada aynu u arkaynaa in aanu manta faysal ahayn kii hogaamin lahaa, Waxa alaaley waxa ceeb ah iyo waxa kale oo aanu ka sheegaynaa ma jirto dadban baa ka cawda dadban ayaa yidhahada haloo jawaabo anigu waxaan ku idhahadaa labad Jamac iyo laba Guuleed waanu wada nahayo aniga afka ayuu Biyo iga Buxaan oo faysal la hadli maayo, Markaa waxay manta tusinaysaa qudhanjooy ku quuso oo kayse ayaa ka yimid oo Haddii qabyal lasku Raacayo faysal ayuu la joogi lahaa . ”Ayuu yidhi Cali Gurey
Hadalkaasi waxa uu ka sheegay Xaflad Balaadhan oo lo sameey Xog-hayihii Maliyada ee Xisbiga Ucid ahaan Gudoomiyaha Waqoooyiga Ameerka ahaan ninka u qabilsan SURverka diwaangalinta codbixiyaasha Xisbiga Ucid oo Manta si rasmi ah ku Biiray Xisbiga Udub isaga iyoo Tageerayaal aad u farobadan oo ka Tirsanaan jiray Xisbiga Ucid.
|