فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 114
Total guests: 10
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 01/06/2009 07:57 am



Articles
Thursday, September 18, 2008
Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey



Kulmiye waa astaanta badbaadadda iyo rajada ummaddani sugeysey, waxa la ogaa ragii u soo
dagaalamay wadankan ee u Cabdiraxmaan Awcali ka mid ahaa sida ay sharafta iyo qadarinta
leh ee dadkooda ugu dhexnoolaayeen, meel kasta oo ay tagaana lagu sharfaayey laguna
qadarinaayey.

Maanta waxa soo ifbaxeysa in mujaahidiin loo han weynaa ay u muuqdaan in ay dagaal
aan kii faqashta lala galey mid ka xun ay ku wadaan xisbiga kulmiye, waayo maanta halka u dalkii
maraayo iyo markaad qiimeyso hawsha laga sugaayey ee ahayd mid la qiimo ah xoreyntee wadanka
waxa muuqata kii ujeedadda dumiska iyo burburka ku wadey wadankan iyo dadkan iyo ka nasteexa u ah, in aan kala barano.

Maanta Ina awcali, dhegeweyne, M.M Hagi Hashi iyo ragga kale lagama fileynin muran aan sal lahayn
oo ah sidii loo maamuli lahaa doorasho laba ruux oo xisbiga ah, waxa cabdirahmaan laga filaayey in u noqdo isagu ka mar walba u taagan badbaadinta xisbigan, waxase beryan ka muuqdey hadalkiisa in u u badheedhey burbur ku yimaada xisbiga isaga iyo nimanka kale oo hortood la ogaa in ay soo wadaan arrimahan.

Waxa aad ku rideen rajadii xisbiga iyo taageereyaashiiba werwer iyo walaac, waxa aad u hiiliseen kuwii ku abuurey dadkan mustaqbal la’aanta.

Waxa la wada ogaa in maalintii doorashada lagu talogaley aanu kaba soo xaadirin Cabdiraxmaan Awcali, habeenadii ka horeysey iyo murankii ay wadeen kooxdani intii kolba dib loo dhigaayey shirka ay ku maqnaayeen shirqooladan.  Waxa maanta shacabkii arkey oo noo iftiimiy in kula jire, kaa jire xisbiga ku dhex milanyahay.

Ixtiraamkii la idiin hayn jirey waxa gudhiyey maanta sumcad xumida aad u horseedeysaan xisbiga iyo niyad jabka aad ku talo gasheen in aad ku kala fogeysaan taageereyaasha xisbiga.  waxa aan hubaa in xisbigu ka gudbi doono marxaladan aad ku burburineysaan, guuleysanna doono, idinkuna aad noqon doontaan kuwa lumiyey sharaftii la idiinku ixtiraami jirey, waxa maanta aad iila mid tihiin nin xukunkii afweyne igu soo nooleyneya. Cabdiraxmaan doorashadii madaxtooyada ee hore markey in yar ka hadhsaneyd, waa kii tegey Booramae ee aanu la soconey ee sida la yaabka leh loogu soo dhoweeyey, dadkuna u arkeen ka ugu cod badaneya, markii doorashadu dhacdeyna cod ka heli waayey, iyadoo berigaas loo boobey Cabdi Xasan Booni.  Maantana dhoolotuskan busaaradeysan ha u qaadanina wax cusub.

Maanta adiga iyo kuwa ku garabtaagan anigaa idiinku jeclaa dad, walee in aanan maanta dagaal mooyee wax kale inaga dhexeyney, hadiiba aad diideen ku dhaqanka nidaamka shirarka xisbiga, sidii dad aan masuul ahayna uga dareera shirarka.

Hadii aad aragtaan koox shir ka dareerta 99% waa nin qas abuura ah oo aan u hogaansaneyn codka lagu kala baxaayo.

Kooxdan oo isugu jirta dhowr si kale u cadheysan, iyo koox burbur wada, waxa aan xisbiga iyo taageereyaashiiba leeyahay kala barta oo kala saara labadan dhinac ee isku jira, kooxda burburka wada ee dabada ka wada Cabdiraxmaan isaguna ka mid yahay waxaan leeyahay ka noqda, maanta waa fursadii habaarka ummadu aad u yeedhaneyseen waanu idiinku dhaceyaa, waana sannadkii idinna aad ku fashilmeyseen dadnimadiinana lagu baranaayey.


Amina Hagi Mohamoud

Posted by SomaliLand Future on 09/18 at 07:24 PM
Articles