| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 114 Total guests: 8 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 01/06/2009 05:06 am |
|
|
News Thursday, September 18, 2008 C/raxmaan Aw Cali ; Waxa hor yaala Laba Daran Mid Dooro(Faallo) Haddaba, hadal haynta Muj. C/raxmaan Aw-Cali ee muddooyinkan danbe, ayaa waxay ka timi wax yar uun ka dib markii lagu dhawaaqay Mujaahidka weyn ee caanka ah, C/raxmaan Aw-Cali Faarax, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland xiligii xukuumaddii marxuum Cigaal, xilal kala duwana ka soo qabtay Somaliland, sida wasiirada waxbarashada iyo Gaashaandhiga, kana mid ah siyaasiyiinta magaca weyn ku leh masraxa siyaasada dalka, isla markaana ka mid ah ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye. Ayaa sida laga warqabo waxay wararkiisu muddooyinkii u danbeeyey ku badnaayeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka hawlgala, gaar ahaan Wargeysyada, Telefishanada iyo Shabakada wararka, ka dib markii Muj. C/raxmaan loollan cidiyo ku dagaalan ah u galay sidii uu ugu soo bixi lahaa musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga Kulmiye uga qeyb gelaya doorashada Madaxtooyada. Haseyeeshee, inkastoo uu dedaal badan u galay sidii uu ugu guuleysan lahaa kursigaasi, hadana ma noqon mid ka midho-dhaliya damaciisa siyaasadeed, waxana uu faro madhan ka joogaa natiijadii ka soo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye dhawaan ku qabsaday Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, taasoo mujaahidku maalintii ugu danbeysay ee faynalka shirka ka duday madasha shirka isaga iyo musharaxa musharaxa kale ee Axmed X. Cali Cadami iyo weliba taageerayaal kooban oo subaxdaa ooda la jebiyey, kuwaasoo ay kusii lug dareen rag kale oo tabashooyin hore xisbiga u qabay, sida Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi, Ibraahin Dhego-weyne iyo rag kale. Haddaba, hadal haynta Muj. C/raxmaan Aw-Cali ee muddooyinkan danbe, ayaa waxay ka timi wax yar uun ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii shirkii Golaha Dhexe ee magaalada Burco, oo ay qaadaceen. Arrintaasoo fursad weyn u noqotay ficiltanka iyo dagaalkii hoose ee muddooyinkan danbe u dhexeeyey C/raxmaan iyo saaxiibadiisii adkaa ee ay jihaadka, jabadka iyo jidka dheer soo wada mareen. Gaar ahaan Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ay muddo badan saaxiibo isku dheer ahaayeen iyo weliba saaxiibkiisa kale ee Muj. Maxamed Kaahin Axmed, oo mar ka raacay Muuse Biixi, marna ka raacay madasha shirka golaha dhexe,taasoo ay dhinaca kalena u dheer tahay cadaawad cusub oo hor leh oo uu wakhtigan xaadirka ah C/raxmaan u qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu mujaahidku jeclaa inuu doorkana doorashooyinka soo socda mar kale la calafsado isu soo taiga labada mansab ee hoggaanka dalka, oo ay labadoodu xisbiga uga qeyb galeen doorashooyinkii hore ee lagaga guuleystay, waana qoddobka labaad ee sii fogeeyey in Mujaahid C/raxmaan Aw Cali meel adag iska taago arrinta caloolyowga badan ku haysa wakhtigan xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan dadweynaha taageerayaashiisa ah. Inta aynaan ku daadegin ujeeddada nuxurka qoraalkan bal aynu doc kale ka eegno, labada arrimood ee C/raxmaan laf dhuun gashay ku noqday inta gar iyo gardaraba uu xuquuq u leeyahay iyo inta si xaq ah loogaga gar hayo ee uu ku talowsan yahay. Haddaan ku horeyno mawduuca saaxiibadiisa dureed ee ay soo wada galeen halgankii dheeraa, soona wada mareen jidka, jabadka iyo jihaadka, waxa ay dadka xogaha badan ka hayaa dhexdooda inta badan sheegayaan in Mujaahid C/raxmaan dhowr jeer u guuseen, tumaati adagna u hirdiyeen. Tusaale ahaan inta had iyo jeer la faaleeyo oo ah xiligii bilowgii Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, oo intooda badani golihii wasiirada ee u horeeyey wasiiro ka noqdeen, halka ay isagana xiligaa ku hubsadeen jaggada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiirka Gaashaandhiga oo isku hayey labadaa jaggo. Fursadii labaad oo iyana ahayd guusaskii ugu gulufka cuslaa ee xiligaa oo ku beegnayd musharaxiinta jaggada madaxweynaha iyo ku xigeenka xisbiga Kulmiye, waqtigaasoo ay musharaxiin badani u taagnaayeen jaggada madaxweyne ku xigeenka, isla markaana daaqada laga saaray musharaxii ugu codka badnaa Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye, oo ahaa Cabdi Xasan Buuni, oo 52 cod haystay, halka C/raxmaan Aw Cali oo maalmahaa ururkii Asad ka soo galayna uu ku guuleystay boqol cod iyo dheeraad, iyadoo ay taasi sababtay in ay xisbiga ka baxaan taageerayaashii Cabdi Xasan Buuni iyo musharaxiintii kale ee ka soo jeeday Gobolka Awdal, kuwaasoo tirsaday cadaalad darro, waxana xusid mudan erayadii catowga ahaa guuska C/raxmaan ay maalmahaa ka daba tureen siyaasiyiintii reer Awdal ee looga hiilayey, waxaana weedhahaas ka mid ahaa “Saaxiibkaa oo xoolo rag kuu dhacay damaciisu kaama dheera adigana”, “Kulmiye waa ciidan doone ee cod doone maaha” iyo erayo kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Si kastaba ha ahaatee, Mujaahid C/raxmaan Aw Cali kumuu guuleysan fursadaa ee saaxiibadii itaalkooda wax ugu muquuniyeen. Akhristow-umuurtaas aynu kor ku soo xusnay gar iyo gardarro mida ay tahay adigaa mujaahidka u sheegi kara. Hase ahaatee, dhinaca odayga Axmed-Siilaanyo, tabashada C/raxmaan Aw-Cali iyo weliba isbedelada siyaasadeed ee markan danbe kala geeyey mujaahid C/raxmaan iyo saaxiibadii waxay salka ku haysaa habka miisaanka codadka uu xisbiga u keenayo xubinta mansab sare ka qabanaysa hoggaanka xisbiga iyo kan musharaxa Madaxweynaha iyo ku Xigeenka, taasoo tusaale looga soo qaatay doorashadii xamaasada badnayd ee golaha wakiillada iyo doorkii uu ku lahaa xisbiga Kulmiye. Kaalintaasoo noqotay meelaha ugu waa weyn ee loogu bun tirsaday Muj. C/raxmaan Aw-Cali, sababtoo ah doorashadii Wakiilladu waxay u dhignayd in musharaxa kasta oo xisbiga ka tirsan loogu codeeyo habka beelaha, iyadoo Mujaahidku faro madhan ka joogsaday musharaxiintii uu soo xulay ee beeshiisa ahaa, halka uu musharaxii kula loolamayey kursiga madaxweyne ku xigeenku ee C/raxmaan Saylici uu xisbuga gobolkaasi uga soo saaray Saddex Xildhibaan. Iyadoo sidoo kalena saaxiibkii Muj. Muuse Biixi oo markii hore damac ka galay buuxinta jaggada madaxweyne-ku-xigeenka uu ku bun tirsanayey guushii uu xisbiga Kulmiye uga soo hooyay doorashadii Golaha Wakiillada. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Axmed-Siilaanyo mar labaad wuxuu ku guuleystay in uu keligii ku tartamo musharaxa jaggada Madaxweynaha xisbiga Kulmiye u meteli doona Doorashada madaxtinimada, kaasoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in aan lagu qordin mansabkaasi, waxana uu door biday in uu dayrtan maanta tartankiisa ku weheliyo xubin cusubi, isagoo ka eegaya dhinacyo badan, taasoo uu xaq u leeyahay marka loo eego nidaamka dimuqraadi ah. Haddaba, waxay dad badani isweydiiyaan in aanay marnaba wakhtiga muuqanin sabab cad oo Muj. C/raxmaan uga gar leeyahay Axmed-Siilaanyo in uu ka helo fursadii hore oo kale hadaan xaalku ahayn, ‘Adba waad ku ceshataye, ana waan joogaa’. Gebo-gebadii marka taa laga yimaado, inkastoo qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay jeclaayeen isbedel cusub oo wakhtigan xaadirka ah lagu waajaho Doorashada madaxtinimada, hadana waxay badankoodu haneeyeen marka ay si walba u qiimeeyeen kaanbeynka adag iyo ololaha Axmed-Siilaanyo ee (Saalax yacniilaha ah) ee odaygu u galay in uu mar labaad nasiibkiisa ku tijaabiyo sidii uu u hannan lahaa mansabka uu muddada badan u soo samray ee hoggaanka dalka. Guntii iyo gebo-gebadii, xaalada maanta ee mujaahid C/raxmaan Aw-Cali marka dhinac walba laga eego, khusuusan dareenka dhegtaaga ah ee ay ku eegayaan kumaankun ka tirsan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee isugu jira Guurti, Siyaasiyiin, Salaadiin, Aqoonyahan, Wax-garad, haween iyo dhalinyaroba leh, kuwaasoo ka filaya in uu qaato mawqif gobonimo oo tanaasul leh, kaasoo uu ugu tudhayo danta guud ee xisbiga, maadaama isaga dhowr jeer oo hore loo tanaasulay iyo ficiltanka adag ee wakhtigan xaadirka ah laabta ugu qabtay saaxiibadiisii adkaa iyo hoggaanka xisbiga Axmed Siilaanyo. Labadaa qodobo marka la isku darro waxay mujaahidka u noqonaysaa laba daran mid dooro.
C/raxmaan Nuur Axmed (Hiiraan)
|