| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 114 Total guests: 5 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 01/06/2009 10:27 am |
|
|
Articles Friday, September 19, 2008 Bulshadii ”Islaweyn” burburkii ku dhacay wax miyey ka barteen? Q-2aad Dalmar: Adeer waxa ay ka yihiin, reer Damaaci
Dalmar baa la hadlay nimankii Saancaddaalaha ahaa. Waxa uu u sheegay in ay marti u yihiin boqorka beesha Sogsog. Markii uu intaa u sheegay ayaa odaygii boqorka ahaa oo dhegaysanayey, balse waxba ka fahmiwaayey hadalkoodii yidhi: “Waar bal ammuurtan iyo lama aragtan eega!!! Waaryaahe waa ninka, maxay ku hadlayaan nimankani, ma af-shinbireedbaa, aja ajajayayaya, ajaya, buja buja buuja. Ma waxaasaa hadal ah? Dalmar baa u sheegay in ay bulsho waliba ay leedahay af u goonni ah. Boqorkii intaa kumuu qancin ee wuxuu yidhi: “ Waxa aan maqli jiray dad ka qaarbaa Waraabaha af yaqaana, oo waxa la yidhaa Waraabo-lahadal. Berigaan yaraana waxa aan maqli jiray Af-shinbireed. Weligayse dad jaadkan ah oo sidan u eg, oo sayntii libaaxa leh oo saantoodu caddahay ma aan arag. Adduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban.” Waxyar ka dib ayaa mid ka mid ah nimankii martida ahaa ku yidhi boqorkii “Asalaamu Calaykum….Boqorkii inta uu hareeraha eegay buu yidhi: “ Waar sow-kuwan afka caadiga ahna ku hadlaya”. Wax yar dabdeed, martidii iyo ninkii la socdayba waxa ay fadhiisteen geed weyn oo hadh-wanaagsan hoostiisa. Boqorkii iyo laba wiil oo uu dhalay na waxa ay u soo qaadeen hilib iyo caano-geel. Wuxuuna weydiiyey dhinaca ay u socdaan. Waxa ay u sheegeen in ay u socdaan ilaa dhanka galbeed. Dabadeed boqorkii waxa uu u sharxay dalka reer Islaweyn. Waxa uu yidhi: “ Dhankaa bariga waxa naga xiga Carro Qansax, oo waxa boqor u ah nin la yidhaa Boqor-libaax, dhankaa galbeedna waxa naga xiga Carro Qudhac oo waxa boqor u ah Boqor-waraabe, dhankaa koonfureedna boqor-Shabeel.” Halkaa marka uu marinayo ayuu mid ka mid ah martidii weydiiyey oo adigana magacaa, ma maroodibaa lagu yidhaa? Boqorkii inta uu qoslay buu yidhi: “ Bal eeg waa kaa I gartaye, kuwii saanta caddaana waakuwaa igartay, mayee waxa la I yidhaa Boqor-gacanmaroodi.” Martidu waxa ay la yaabannayd magacyada bahallada ee dadkani la baxeen. Malaa sida bahallada ayaabay u tallamaan. Boqorkii waxa uu intaa ugu sii daray, in ay dhib badanyihiin reer Qudhac iyo Qansaxba, oo marka ay dhexmarayaan ay ka digtoonaadaan, budhcaddooda. Waxa uu u sheegay iyagu reer Sogsog in aanay dhib badnayn, balse ciddii soo weerarta in aanay gacmaha ka laabanayn, oo ay gadhka ciidda u darayaan. Laba maalmood dabadeed ayey Martidii u dhaaftay dhankaa iyo Galbeed. Beel kasta oo ka tirsan bulshada “Islaweyn” waxa ay martida u sheegayeen wax isku mid ah. Waxa ay u sheegayeen, in ay iyagu ugu wanaagsanyihiin, beelaha kalena aanay wanaagsanayn. Halkaa waxa uga soo baxday martidii in dalkani dayacan yahay oo aanay jirin talo-wadaag, iskaashi, waxwada-qabsi iwm. Waxa ay ogaadeen martidii in si yar oo fudud la isugu dhiibi karo mindiyaha iyo warmaha. Waxa ay ogaadeen in garaadkoodu gaaban yahay oo waxa keliya ee ay gartaan ay tahay cadaawadda walaalahooda ag yaalla. Martidii, ama aan ugu yeedhno Saancaddaalihii, waxa ay gaadheen bulshadii “Dangarad”. Bulshadani waa ay ka geddisantahay tii hore. Waxa ay leeyhiin dhaqan ka duwan kii Islaweyn, diin ka geddisan tii Islaweyn, af ka jaad ah tii Islaweyn. Waxa ay dareemeen kala danbayn, iyo arrin kale oo ay aad ula yaabeen. Waxa ay aad ula yaabeen bulshada Dangarad way kala danbeeyaan iyaga oo aan isku af ahayn. Waxa ay leeyihiin boqor la yidhaahdo “Boqorka Boqorrada” kaasaa dalkooda ka taliya. Waxa ay dareemeen in boqorkaasi uu damacsanyahay sidii uu u qabsan lahaa dalkii dayacnaa ee reer Islaweyn. Arrimahaasi waxa ay Saanacaddaalihii u fududeeyeen sidii ay u soo guda-geli lahaayeen dalka reer Islaweyn. Sidii bay ku soo galeen dalkii dayacnaa ee ay berigii hore ka biqi jireen. Waxa ay ku heeseen: “La ogaa oo Gorayo haad noqonweyday” iyagoo uga jeeda Bulshada Islaweyn oo loo yaqaanay bulsho isku af ah, iksu diin ah, isku dhaqan ah, oo aan loo dhowaan Karin, ayaa noqotay bulsho aad u dayacan oo qof kastaaba uu necebyahay inaadeerkii. Markii dhulkii reer Islaweyn sidaa yar lagu soo galay ayaa, weliba la kala calaamadsaday oo 999 (Sagaalkii boqol iyo sagaal iyo sagaashankii) boqor ayaa 200 oo boqor ba waxa loo ooday meel goonni ah. Muddo markii ay sidaa ku jireen ayaa garaadkii ku soo degey reer Islaweyn. Hayaay ka soo kacaay, hayaay, Kufrigii korodhyoo Kiiniyuu gubayee ka soo kacaay. Reer Islaweyn meel kasta oo ay joogtaba waxa ay isgaadhsiisay in ay dalkooda mideeyaan oo boqor keliya u samaystaan. “Faan weynaa” Taasi waxa ay ahayd caadifad iyo laabkac ay caan ku ahaayeen. Waayo dhanka kale waxa ay ka wadeen nacaybkii ay ku beeri jireen ubadkooda. Waxa ay ku bedeleen nacaybkii hore. “Haddii aynu nahay reer Qansax , innagaa ugu aqoon badan, waayo Saancaddaalaha ayaa inna sheegay. Maya annaga ayuu Saancaddaaluhu na sheegay, oo waa kii yidhi: “Reer Sogsog wallee maskaxda ku jirta oo kale…” Maskax-guurka noocaas ah ayay ubadkooda ka buuxin jireen dhanka kale, ha la dagaalamo, ha la eryo, ha la midoobo ayaa socotay “Islaweyneey, toosoo, toosoo iksu tiirsada’ee, hadba kiina……) ayey qaadi jireen. Maxaase ka danbeeyey? Tan iyo manta Bulshadii Islaweyn adduunka iyadaa ugu danbaysa. Tan iyo maanta ayey ubadkooda u sheegaan wax aan jirin, Tan iyo maanta ayey ubadkooda ka buuxiyaan nacayb. Bulshadii Dangarad, tan iyo maanta way kal danbeeyaan, tan iyo maanta ayey damacsanyihiin in ay la wareegaan dhulka Islaweyn ee dayacan. Tan iyo maanta ayey saancaddaalihii wada socdaan. Waxa ay sheekadii ku soo gebagabawday SHAX ay wada ciyaareen Reer Dangarad iyo reer Islaweyn.
Islaweyn: Ummad yahay dib uma guuri karo gooshkan maanta ahe. Hadraawi baan degey, Waa godkii Faarax Oomaar iyo Ina Suldaan ka ciyaari jireen. Dangarad: Wax la waayey Weydow ninkii waalan baw duda. Allaylehe cidlaad degtey.
Qore: Sayid Maxamed Yuusuf
|